Kala-Jabka Axsaabta Qaranka Ee
Natiijada Server ka

Kala-Jabka Axsaabta Qaranka Ee Natiijada Server-ka, Ku Adkaysiga  Qaad haan-Bixiyeyaasha Ee Bedelka Hoggaanka Komishanka Iyo Duruufaha Dib-U-Dhaca Doorashada Oo Mar Kale Soo Daruureeyay

Qaadhaan-Bixiyeyaasha Oo
Xisbiga KULMIYE Si Cad Ugu Bandhigey in Iyaga Looga Fadhiyo Inay Soo Bedelaan Xubintooda Komishanka Oo Aanay Cid Kale Ku Riixin .
 

Hargeysa (Longlivesomaliland News) – Saddex xisbi qaran ayaa mar kale shalay ku kala jabay inay mawqif midaysan ka qaataan hindise ku saabsan in doorashada lagu galao macluumaadka tirada codbixiyeyaasha ee ay hay’adda Interpeace toddobaadkan ka sanqadhisay inay ku hayso Server-ka, tiradaas oo ay saraakiisha Interpeace ku sheegeen inay tahay 1,200,000 (Milyan iyo laba boqol oo kun) oo qof oo ka dadkii isu diiwaangeliyay codbixinta doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 27-ka September 2009.

Kulan shalay ay isugu yimaadeen saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo UDUB iyo Komishanka Doorashooyinka, oo la doonayay in axsaabtu mawqif midaysan oo la xidhiidha hindasaha ka dhashay natiijadii Server-ka ee Interpeace soo bandhigtay ka qaataan, ayaa xisbiga talada haya ee UDUB oo dibadda uga baxay kulankaas, kadib markii ay diideen in doorashada lagu galo tirada ay hay’adda Interpeace soo bandhigtay ee milyanka iyo labada boqol ee qof, halka ay labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, Komishanka u sheegeen inay diyaar u yihiin in doorashada lagu galo tiradaas si aanay dib-u-dhac mar kale ugu iman doorashada oo ololaheedii ay ka maalmo yar oo keliyi ka hadhsan yihiin, sidaas darteed aanay suurto-gal ahayn in wakhti dambe la sii sugo khubaro iyo qalab dibadda dalka ka imanaya.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal u ahaa kulankaasi xisbiga UDUB ayaa mawqifkiisa arrintaas uu ka taagan yahay tahay in la sugo khubarrada iyo qalabka ay hay’addu sheegtay inay ka keenayso dibadda oo ay ku kala shaandheyn doonto macluumaadka Server-ka ay ku hayso, kala-shaandhayntaas oo aan la garanayn muddada ay qaadanayso, inkastoo ay hay’adda Interpeace sheegtay in muddo dhawr toddobaad ah qaadan doonto, haddana waxay axsaabtu u arkaan inaanay ahayn wax laysku halayn karo maadaama oo muddo lix bilood ah oo ay gacanta ku hayeen macluumaadkan aanay waxba ka soo bixin.

Masuuliyiin ka tirsan labada xisbi ee mucaaridka oo ka cudur-daartay in la magacaabo ayaa Haatuf u xaqiijiyey in mawqifkoodu uu yahay in aan wakhti dambe lagu luminin sii kala-shaandheynta dadkii isdiiwaangeliyay, isla markaana la raaco sidii ay hore saddexda xisbi-ba ugu heshiiyeen natiijada ka soo baxda Server-ka, taas oo ay Interpeace sheegtay in tirada ay hadda ku hayaan Server-ku tahay 1,200,000.

Waxa kale oo ay masuuliyiinta tibaaxeen in haddii arrintani sii jiitanto ay keenayso in in la jebiyo xeerarka doorashada iyo xeerkii ay axsaabta iyo komishanku kala saxeexdeen, kuwaas oo tilmaamaya in laba bilood ka hor maalinta doorashada uu bilaabmo ololaha doorashadu, isla markaana liisaska dadka isu-diiwaangeliyay inay codeeyaan axsaabta lagu wareejiyo ka hor inta aan lagu dhejin goobaha codbixinta oo xeerka diiwaangelintu tilmaamayo in labada bilood ee ka horeeya doorashada lagu dhejiyo goob-doorasho kasta.

Arrintan ayaa mar kale soo dedejinaysa muran iyo khilaaf siyaasadeed oo ka aloosma Somaliland, iyadoo ay laba maalmood oo keliya ka hadhsan tahay bilowgii ololaha iyo maalintii loo balamay inay soo baxdo natiijada kama-dambaysta ah ee Server-ka, ayaa waxay dad badani u arkaan haddii aanay Axsaabtu mawqif midaysan ka qaadan labada maalmood ee toddobaadkan ugu horeeya, in la gelayo jidkii dib-u-dhaca doorashada, taas oo beryahanba ra’yul-caamku aad ugu dhaliilayeen xukuumadda iyo xisbigeeduba inaanay diyaar u ahayn in doorashadu muddadii loo cayimay ku dhacdo, iyadoo lagu eedaynayo inay ka cago-jiidayso wax ka bedelka hoggaanka komishanka oo qaadhaan-bixiyeyaashu shuruud uga dhigeen dhaqaalihii lagu qabanayey doorashada.

Dhinaca kale, Xoghayaha Safaaradda Britain ku leedahay Addis Ababa John Marshal iyo Sarkaalad la-taliye u ah wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden oo magaceeda la yidhaahdo Jenny Sensson oo socdaal ku jooga Somaliland, ayaa shalay kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Axsaabta mucaaridka ee KULMIYE iyo UCID, kuwaas oo ay ka wada-hadleen caqabadaha hortaagan geedi-socodka doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la filayo inay dalka ka dhacdo 27-ka September, waxaanay labadan diblomaasi oo ka socda wadamada qaadhaanbixiyeyaasha ee dhaqaalaha ku taageeraya doorashada Somaliland u sheegeen masuuliyiinta axsaabta inaanay waxba iska bedelin mawqifkoodii ay ku dalbanayeen in wax laga bedelo Komishanka, gaar ahaan hoggaanka.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta axsaabta mucaaridka ee kulanka la yeeshay diblomaasiyiinta Britain iyo Sweden waxaa kulamadaas gooni goonida ah si weyn diirada loogu saaray laba qodob oo ah wax ka bedelka Komishanka iyo qaadhaanka ay bixinayaan oo ay hay’adda Interpeace ka dhawaajisay inaan miisaaniyadda qaadhaan-bixiyeyaashu u hayaan doorashada Madaxtooyadu ku filnayn tirada codbixiyeyaasha lagu hayo Server-ka ee la doonayo in doorashada lagu galo.

Ilahani waxay intaas ku dareen in Saraakiisha ka socotay Britain iyo Sweden ay xisbiga KULMIYE si toos ah ugu sheegeen inaan la garowsan karin doodda uu KULMIYE kaga jawaabo arrinta wax ka bedelka Komishanka ee ah Madaxweynaha ayey u taallaa inuu go’aan ka qaato codsiga qaadhaan-bixiyeyaasha ee wax-ka-bedelka hoggaanka Komishanka, waxaanay si cad ugu sheegeen in xisbiga KULMIYE laga doonayo inuu isagu xubintiisa Komishanka dhakhso u bedelo oo aanay ku riixin Madaxweyne. Sidaas darteed waxay ku adkeeyeen in masuuliyiinta xisbiga KULMIYE looga fadhiyo inay tallaabadaas qaadaan oo ay xubintooda soo bedeshaan.

Sidoo kale, ayey masuuliyiinta xisbiyada Mucaaridku waxay Saraakiisha ka socota qaadhaan-bixiyeyaasha u bandhigeen mawqifkooda ku saabsan in doorashada lagu galo tirada milyanka iyo labada boqol ee codbixiyeyaasha ah ee ay Interpeace sheegtay inay ku hayso Server-ka, taas oo ay hay’addaasi sheegtay inaanay qaadhaan-bixiyeyaashu u haynin miisaaniyad ku filan tirada dad intaas le’eg.

Ilaha warkan aanu ka helnay ayaa waxay tibaaxeen in diblomaasiyiinta Britain iyo Sweden ee kulamada la yeeshay masuuliyiinta Mucaaridku u sheegeen in miisaaniyadda dhaqaalaha ku baxaya doorashada aanay ka werwerin oo loo heli karo, balse ay ka horeyso inay iyagu dhinacooda ka dhammaystiraan waxyaabaha ku xidhan ee lagama maarmaanka u ah doorashada, uguna horeyso in wax ka bedel lagu sameeyo hoggaanka Komishanka, iyagoo carabka ku dhuftay inay Madaxweynaha iyo xisbiga UDUB-ba kala hadli doonaan waxyaabaha dhinacooda ku xidhan.

Masuuliyiinta xisbiga UDUB oo aanu iyagana isku daynay inaanu arrintaas wax ka weydiino ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrimahan.

Hase yeeshee masuul ka tirsan xisbiga UCID oo aanu arrintan wax ka weydiinay ayaa walaac ka muujiyey qaabka ay wax u socdaan, waxaanu ku tiraabay in sida wax loo wadaa ay ugu muuqato inay jiraan qorsheyaal ka waaweyn waxa laysku hayo, isagoo farta ku goday dhinacyada Xukuumadda Riyaale iyo qaadhaan-bixiyeyaasha, waxaanu qaadhaan-bixiyeyaasha ku dhaliilay sida ay u dhayalsanayaan, isla markaana wakhtigan ugu lumiyeen hawsha soo saarista natiijadii laga sugayay muddada dheer, taas oo wakhtigii laga sugayay inay soo geba-gabeeyaan dib u soo celiyey iyadoo weli natiijadu qaydhin tahay, isla markaana taagan tahay bar-bilowgii hawsha Server-ku.

Waxa kale oo uu masuulkani xukuumadda Madaxweyne Riyaale iyo xisbigeeda UDUB ku dhaliilay inay dallo iyo marmarsiiyo aan jirin ka dhiganayso waxyaabo aan sidaas u sii ridnayn oo wakhti uun luminaya, sida tan ugu dambaysay ee hindisaha ay labada xisbi ee kaleba ku heshiiyeen in doorashada lagu galo tirada Server-ka ka soo baxda, taas oo horena ay heshiis axsaabtu uga gaadhay in la qaato natiijo kasta oo ka soo baxda Server-ka.

Si kastaba ha ahaate waxa isa soo taraya isla markaana bulshada reer Somaliland dhexdeeda aad loogu hadal-hayaa cawaaqib-xumada ka dhalan karta sansaanta mar kale soo muuqata ee dib-u-dhac ku yimaada doorashada Madaxtooyada, taas oo ifafaalaha muuqda iyo ayaamaha is-guraya ee xilligii doorashada ay muujinayaan inaan laga fursan doonin dib-u-dhac iyo khilaaf siyaasadeed oo markan aan la saadaalin karin waxa uu la iman doono haddii aan xal degdeg ah la helin maalmaha yar ee ka hadhay wakhtigii loo balamay in buunka ololaha doorashada la afuufo.

Source: Haatuf