Kacdoonkii Ardeyda iyo Kaalintii UFFO
Axmed Maxamed Yuu suf “Jabane”Febraayo 20,2014 Mareegaha Farshaxan
Qaybtii 3aad...
Dulli Jaamac Gaas Guulwade darbane
waxa igaga daran In Dafle iyo Ina dayla kude
Waxay deeqii tidhi Ma nalkii damay inoo daarayaan
Maxay doonayeen maxay diidayeen
Dekedadii Berberii waa dilaacsan tahayee ma daboolayaan
Dugsigii wax barey iyo dariiqyadii miyey dhisayaan
Dadkii waa bukaayee ma daaway sidaan
Gaanaa darkii Midnimadii dunshayee
Miyey duub castiisa dabaalayaan
Darajadu haddaaney dumbuqaba xukumin
Dable kama adkee maxay doonayaan
Iyagaa dulman oo talo dawladeed
laga dayriyee loo doodayaayee
Laba doqon-maqaar maxay dooni
Maansadii Waxay Deeqii tidhi, Abwaan Cali Sugule –dun
Carbeed- Febraayo 1982
“Danbiyada kale ee lagu haysto labadan danbiile(Axmed
Maxamed Yuusuf iyo Maxamed Baaruud Cige) waxaa u dheer
inay daabaceen wargeys ka soo horjeeda
qaranimada.Falkani wuxuu ka soo horjeedaa xeerka 18aad
ee Nabadgalyada, qodobkiisa 1aad iyo xeerka 71aad ee
Beenal Koodhka(Penal Code) oo diidan in la daabaco
wargeyso ka soo horjeeda midnimada ummada” ------Dacwadii
Maxkamada lagaga oogay ---------
Wargeyska ay soo saari jireen kooxda UFFO ayaa loogu
wanqalay magaca “UFFO”. Sidaa darteed ayaa kooxda iyo
magaca la iskugu ladhey.Hase yeeshee hawlgalada
samo-falka ah ee ay ka fulin jireen xarumaha dhakhtarka
Hargeysa, iyo dugsiyada sare ayaa aad loogu bartey ayna
ku suntan yihiin.Waxayse garteen in aan warbaahin dadka
baraarujisa laga maarmeyn.Waana ta keentay in wargeyskaa
dhidibada loo taago. Magaca ay u xusheen in lagu sunto
wargeyskaa iyo hawshan ay ka qayb galeen bud-dhigeeda
ayaa ah isla doonasho Illaah iyo dareen sare oo ku
ladhnaa kooxdaasi. Magaca may soo ergisan oo Afkeena
hooyo marti umay aheyn.Waxay ahaayeen koox aqoonta afka
hooyo, aqoonta maadiga iyo garaadkaba ka dhisan.
Af-jooga looma adeegee,waxaanu magacan asalkiisa
Af-Soomaaliga iyo ujeedada ay ka lahaayeen waydiinay
mudane Axmed Maxamed Jabane . “ UFFO-du waa neecawda
wanaagsan ee urta fiican leh kana soo hormarta roobka.
Sidaa darteed ayaanu ku sumadeynay hawlahayagan
samafalka ah inay yihiin wanaag soo socda oo ka dhalan
doona dhulka iminka ah Soomaaliland.” Ayuu yidhi mudane
Axmed Maxamed Jabane isagoo ka warcelinayey waydiintii
aanu u soo bandhignay ee ku saabsaneyd wargeyska iyo
magaciisu siduu ku yimid.
Isagoo sii wata hadalka mudane Axmed ayuu yidhi: “Ka
dhiidhiga dhibaatadii dadka reer Soomaliland haysatey
inay horseed u noqoto halganka ummada.Sidoo kale in
sidii UFFO-daa meel kasta looga urin jiray loogana
dareemi jiray uu wargeyska xambaarsan warbixinta
hawlahayagan samo-faleed gaadho meel kasta”.
Isago mudane Axmed sii wada hadalkiisa ayuu ku darey
intaa: “magaca waxaa keenay Maxamed Baaruud Cali,
aniguna waan ku raacey.Dadka looma sheegi jirin halkuu
ka soo baxo iyo siduu u soo baxo.Hase yeeshee qofkii
lagu kalsoon yahayba waa loo dhiibi jiray si uu u sii
fidiyo.Waxaa ujeedadayadu aheyd in bulshada la
baraarujiyo,waxna laga qabto dhibta jirtay. Waliba
waxaanu horseednay in dhibtaa jirtay aan hadal uun wax
lagaga qabanee, bulshaduna dareento in fal ahaan wax
lagaga qaban karo, iyadoo la adeegsanayo hal-ku-dhigii
(Iskaa Wax u qabso) ay dawladii Afweyne ku faani
jirtay”.
Wareysi lala yeeshay Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo ka mid
ahaa kooxda UFFO ayaa sidoo kale isagoo ka hadlaya
wargeyskaa yidhi: “Xilligaa oo ahayd 1981-kii waxa
jirtay waraaq yar oo Joornaal ah oo magaceeda UFFO la
odhan jiray, taas oo qarsoodi ahayd laguna qori jiray
wixii duruufo ah ee dadka haysta, wacyiga dadkana kor
loogu qaadi jiray. Manuu ahayn joornaal caadi ah ee waxa
lagu daabici jiray Teeb, waxaana ku qornaan jiray
‘Ninkii helawba joornaalkaas sii baddi oo dad kale
gaadhsii.’ sidaas ayuu dadku isku gaadhsiin jiray”.
Wargeyskii ayaa gacanta u galay kooxihii nabad-sugida
iyo ciidamadii dhabarjabinta. Labadan kooxood oo guushaa
gacantooda soo gashey ku faraxsan ayaa u sii gudbiyey
dhiigya-cab Diiriye- Gaani-. Markii si kasta wargeyskaa
ay u rogrogeen ayaa waxay u arkeen inay waxqabadkooda u
gudbiyaan hogaankoogii ina Siyaad Barre.Muddo waxaa lagu
hawlanaa sidii loo heli lahaa ragga hawshan wada ee
hormoodka u ah.
Wargeyskan gacantooda soo galay wuxuu soo dadajiyey
xadhigii lala maaganaa dhalinyaradaa iyo boqno-goynta
hawlihii samo-falka ahaa ee ay wadeen.Hase yeeshee in la
xidho dhalinyaradan oo hawlgalkooda samo-falka ah la
joojiyo qorshaha dawladii Afweyne ayuu ku jiray,marnaba
may ogolayn in dadku wax qabsadaan,iyaguna waxba umay
qabaneyn.Waxay dawladii Afweyne u heelanayd wax kasta oo
dhulka iminka ah Soomaaliland burburinaya dhaqan ahaan,
dal ahaan iyo aqoon ahaanba.
Dhamaan dhalinta UFFO waxay isku wada raacsan yihiin
inay xog-ogaal u ahaayeen in la xidhxidhayo.Taasi marna
kumay keenin inay faraha ka qaadaan hawlihii ay dadkooga
iyo dalkooga u qabanayeen. “Haddana annaga oo og in nala
xidhi doono ayaan midkaayana waddanka ka baxsan oo aanu
joognay, oo aanu nidhi ha la ina xidho oo bal aynu eegno
waxay sameeyaan. Is-la habeenkii (Noofember 19,1981)
aniga oo guriga jooga ayaa duub-castii amma millaterigii
oo gurigayga ku wareegsan la iga toosiyey, waxaana ay i
toosiyeen kowdii habeennimo. Waxaana la socday koox NSS
ah oo laga soo diray Xamar, oo kuwii Hargeysa way aamini
waayeen” ayuu yidhi Dr.Aadan oo u waramayey wariye
Cabdi-Shakuur Heersare.
Wargeyskii markuu gacanta u galay maamulkii Afweyne ayey
go’aansadeen inay gudagalaan xadhiga dhalinyarada.
Maxamuud oo ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska nabad-sugida
ayaa maqlay in mudane Axmed Maxamed Jabane laga doonayo
xafiiska.Shaqaaluu ka ahaa xarunta nabad-sugida, hase
yeeshee wararka iyo hawlagalada xarunta waa laga qarsan
jiray.Waxaa la ogaysiin jiray Maxamuud iyo kuwa la midka
ahaa eek a soo jeeday wadanka iminka Soomaaliland inta
looga baahan yahay adeegsigooda.Sidaa darteed ayaa
ninkan Maxamuud waxaa lagu eedeeyey mudane Axmed Maxamed
Jabane muu ogayn.
Mudane Axmed Maxamed Jabane oo maalin Isniin ah
faras-magaalaha Hargeysa maraya ayaa maqlay Maxamuud oo
u dhawaaqaya. “Xafiiska nabad-sugida ayaa lagaa
doonayaa”. Erayadaasi ayaa Maxamuud si naxsan afkiisa
uga soo baxayey,haddana wuxuu ka mid ahaa kuwa loo
adeegsado dhibta iyo hagardaamada bulshada lagu hayo.
Muxuu ka ahaa dhawaaqani?
Taariikhdu waxay ku beegnayd bishii Noofember 2dii,
1981kii. Markii uu tagay mudane Axmed Maxamed Jabane
xafiiska nabad-sugida waxaa loo kaxeeyey qolkii lagu
xidhi lahaa. Habeenimadii aad baa loo garaacey, dhib
badana waa loo geystay.Waxaa halkan xusid mudan inaanu
Axmed Maxamed habeenimadaa wax magac ah gudbin.Inkastoo
dad badani la shir yimaadaan inuu xanuunkii darteed
Axmed Maxamed Jabane gudbiyey magacdii.
Wareysiyo aanu la yeelaney kooxaha kale ee la xidhnaa
kana tirsanaa ururkii UFFO ayaa cadeynaya in magacda
aroornimadii la gudbiyey. Go’aan lagu midaysan yahay
baanu ahaa. Aroornimadii ayaa waxaa Axmed Maxamed ku soo
booqday xafiiskii Nabad-Sugida dhawr ka mid ah kooxihii
UFFO. Waxaa kooxdaa ka mid ahaa Axmed Muxumed Madar oonu
waydiinay dhacdadaa,nooguna warceliyey “Aroornimadii
ayaanu ku booqnayey Axmed Jabane xafiiskii Nabad-Sugida.
Waa la ogolaa booqashada xilligaa.Wuxuu noo sheegay in
la waydiiyey dadka uu hawlahan kula jiro walina aanu
waxba sheegin.Sidaa darteed ayaa go’aan lagu midaysan
yahay ku gaadhney in uu gudbiyo magacda uu xasuusan
karo”.
Sidoo kale ayaa kooxdii aan maalintaa booqashadaa aan ka
mid aheyna go’aankaa aad ugu reeyeen soona dhaweeyeen.
Isagoo hadalkii sii wata mudane Axmed Muxumed ayuu
yidhi: “ halkii baanu qalin iyo warqad ku qaadaney, kuna
qornay magacda”..
Sidii go’aanku ahaa ayuu Axmed Maxamed jabane gudbiyey
magacdii. Isagoo ka waramaya goaankan sababta keentay na
wuxuu yidhi: “ dawladaasi waxay doonaysay inay dhawr qof
soo qabsato, annaguna waxaanu doonaynayn in magaaladu
kacdo, dawladaasina aragto in hawshan dhamaan ummada
reer Soomaalialnd u midaysan tahay.iyagaase magacda kala
soocay oo kooxo badan ka saarey”..
Dadka magacooda laga reebay waxaa ka mid ahaa Dr. Xadi.
Hawlahaa samofalka ahaa ee ay wadeen ayuu ka qayb qaadan
jiray.Mar la waydiiyey Dr. Xadi waxa looga reebay ayuu
yidhi: “ Runtii waxay aheyd dawlad doonaysay inay ku
hano-qaado kuna sii jirto qaybi oo xukun,dhibta guri
walba gaadhey ayey u dhigayeen inay guryaha qaar
saameysay”...
Sidoo kale waxaa go’aan midaysan lagu gaadhey inaan la
magac dhabin xubnihii ku jiray ciidamadii ee saraakiisha
ahaa.waxaa xubnahan ka mid ahaa Aadan Sheekh Maxamed
Cabdi (IHUN),Maxamed Kaahin, Maxamed Cilmi-Galaan,
Maxamed Xaashi Lixle(IHUN), iyo qaar kaloo
badan.Saraakiishan hawlaha kale ee ay wadeen ka sokow la
shaqeynta kooxdan UFFO ayaa la badbaadinayey.Hawlahaa
waxaa ka mid ahaa diyaarinta garabka milatari ee ururka
SNM. Xilligan la qabqabtey kooxda UFFO saraakiishan
qaarkood waxa joogeen xarunta ciidamada ee ururkii SNM.
Laba cisho ka dib oo ku beegnayd bishii Noofember 4,1981
ayaa gurigiisa laga soo qabtey mudane Maxamed Baaruud
Cige. Intaa wixii ka danbeysay arintii waxay noqotay in
maalinba koox ama qof la soo qabto.Muddo ayey ku jireen
xaruntii nabad-sugida iyo xaruntii 26aad ee Dooxa
Maka-Durdure agtiisa ah. Mudadan waxaa garaacis,
jidh-dil , iwm lagu hayey kooxdan UFFO. “Maalin maalmaha
ka mid ah ayaa la noo qaybiyey waraaqo ay ku qoran
yihiin xeerarka la nagu qaadayo iyo dacwada la nagu
haystaba” ayuu yidhi Axmed Maxamed Jabane isagoo ka
waramaya xilliga loola wadaagey si cad xeerarka lagu
hayto iyo dacwada lagu soo oogayba.
Dawladii Afweyne waxaa si cad uga go’nayd inay
boqno-gooyaan aqoonyahanadan dhiiradey. Sheekaduna
noqoto isha Cali nin dayey wax ku qaadasho ugu
filsaho.Hase yeeshee rag is-gurayee qoraalkii dacwada
ayaa bulshada reer Hargeysa gaadhey.Go’aana waxaa lagu
gaadhey inaan ardey iyo hooyooyin loo kala hadhin
maalintaa Maxkamada la keeno.
Markii xog khasab ah laga ururiyey ayaa la gaadhey
maalintii maxkamada la soo taagayey. Bishii Febraayo 20,
1982 ayaa Maxkamada ku sheegii Badbaadada ayaa la
horkeenay dhalintaa. Waxaana qorshuhu ahaa in dil
dhamaantood lagu xukumo,qoortana loo dheereeyo.
Hase yeeshee gargaar ay isku kaalmeysteen hooyooyinka
magaalada Hargeysa iyo ardeyda dugsiyada Hargeysa ayaa
arintaasi ka suutogali wayday. Waxay isbaheysigaasi hub
ahaan u adeegsadeen dhagax ay ku kala tureen qorshihii
dawladaasi wadatey,kagana baajiyeen dhalintaa UFFO
dilkii loo qorsheeyey. Sidaa darteed ayaa dhalinta UFFO
loo gudbiyey Xabsiga Hargeysa, laguna kala xukumay
xadhig u dhexeeya saddex gu’ ilaa madaxaa ha ku furto.
Inkastoo tiro koobanna la sii daayey.
Maalintii dhawayd Dheddigii Jihaad
Dhababay galeen Caruurtuna dha’dhaab
Dhulka tiilay bay Dhirta ula baxeen!
Dhanna hadallo culus Oo dhaxalgalaa
Dharka ugu qornaa Dhayal u seexan mayno
Dharagna dooni mayno Ninna ka dhawrsan maynee
Haddaanay bedar ka dheeraan Waa haddaad dhalasho waydeen
Maansadii Dhaqan wadani ee Abwaan Aadan Tarabi
Waxaa runtii mudan in lays dul taago xeerarkii laga
jeediyey Maxkamad ku-sheegtii.Xeerarkani waxay ahaayeen
kuwo in badan la adeegsadey, dan gaar ahna u fulinayey
xukuumadii Afweyne.Sidaa darteed ayaanu raadsaney
sharci-yaqaan mudane Ibraahin Xaashi Jaamac si uu inoogu
balbalaadhiyo xeerarkani.Waxaanu mudane Ibraahin yidhi:
“Af Weyne ayaa soo saaray 10kii bilood ee ugu horeeyey
gudahood markii uu xukunka maroorsaday oo dad aad iyo
aad u fara badan ayaa loo adeegsadey dilkoogii iyo
xadhigoogii .Waxaana adeegsatey Maxkamadd Badbaadad ku
sheegtii laakiin ahayd “Bohol ku ridda dadka” . Waan
kaydiyey xeerar ku sheegayadaas oo marbaan ku soo dari
mareegta“Somalilandlaw.com” si aan loo ilaawin. Mar kale
ayuu mudane Ibraahin isagoo xeerarkaa mid mid u
faahfaahinaya yidhi: “Xeerkani waxa la odhan jiray “Law
for Safeguarding National Security” oo qodaban aad soo
sheegaty waxay ka hadlayeen”………………….
La soco qaybta afraad………………..
TIxraac:
-Taariikhdii Iyo Waxqabadkii Dr. Aadan Yuusuf Abokor
Wareyste: CabdiShakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
-Note on My teachers’ group
Qore: Jaamac Muuse Jaamac
- Dhacdadii Dhagaxtuur iyo Dhiiranaantii Dr.Maxamuud
Sh.Xasan Taani
Qore . Fu’aad Sheekh
- Ardaydii Dhagaxtuur iyo Dhugashadii. Maxamed Baaruud
Cali.
Qore . Fu’aad Sheekh
-Wareysi Sharci-yaqaan mudane Ibraahin Xaashi Jaamac..
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan
Diyaarintii iyo tifatirkii :
Fu’aad Sheekh
Bahda Mareegta Farshaxan
www.farshaxan.com iyo
www.farshaxan.org
|