KACDOONADA KA JIRA DALALKA ISLAAMKA IYO DAAWENTOODA
Ahmed Arwo
Waxa ayaamahan socda kacdoono weji badan oo dalalka Islaamka ka
aloosan. Waxa lagu soo koobi karaa inay waxa keliya ee ay ka siman
yihiin tahay inay kala xidhiidh furteen shacbigii iyo xukaamti.
Lamana wadaagaayo oo masuuliyadda waxa leh inta talada haysa, iyagaa
u cumaamadan inay dadka soo dhoweeyaan soona xero geliyaan kuna
dhaqaan nidaam daah-furan ooy hoggaaminayso caddaalad loo siman
yahay kheyraadka iyo manaasibta. Waa in dadku ku qancaa cidda xilka
loo dhiibaayo, ruuxa Alle guddoonsiiyey inyuu hoggaamiye noqdaa waa
inuu ummadda u xulaa mas’uuliin aqoon u leh xilkey qabanayaan ,
akhlaaq u leh mansabka ay hayaan, ku dhaqma cadaalad iyo ixtiraam ay
u hayaan dadweynaha. Waa inay noqdaan kuwo u dhego furan bulsha
weynta, qaata talooyinka. Waa inay noqdaan sidii asxaabta kuwo u
gurmada ruuxa dulman, soo dhoweeya faqiirka ka hor taajirka, kan
itaalka daran ka hore kan hooga weyne, ka xanuunsanaaya ka hor kan
caafimaadka qaba. Sifooyinkaas oo dhammaan ahaa kuwii ay ku dhaqmi
jireen xukaamtii hore kolka Islaamku ahaa kan ugu xooga weyn dunida.
Kolkii sifooyinkaasi daciifeen, ayaa awoodda Islaamku bilowday inay
laciifto, ilaa ay soo gaadhay heerka ay manta marayso. Waxaana la
yaab leh in dalalka aynu ku sheegno gaaladu yihiin kuwa ku dhaqma
sifooyinkaas waana sababta iyana ay ku horumareen inana aynu ku
hadhnay. Guushu waxay ku jirta kolka hoggaanku noqdo mid wata
ummadiisa kuna kasba wax qabad salkiisu yahay daacadnimo iyo
cadaalad.
Haddaba bal aan raadraac taariikheed ku laabano iyo xiliyadii hore.
Inta badan aadmigu ma raacin dariiqa toosan, Waxayna noqdeen dar
shaydaan iyo kibir xaqa ka indho-saabo. Waxaana marwalba meel walba
ka bilaabmay dagaal oogayaal midiidin ka dhega shacbigooda, oo maal
iyo moodba badheedh u xalaashada. Waxa bilaabmay nidaamka dagaal
oogaha oo xoogaysatay deedna isu rogay boqortooyooyin hab
dhaqankoodu ka fogeyn kii dagaal oogaha.Waa astaamihii Islaamka ka
hore jiray, waxaabad se moodaa in sawirkaasi yahay kan dhabta ah ee
maanta ka jira meelo badan oo dunida ah.
Halgankii taariikhda aadmiga oo dhabadaas holaca iyo dulmigu jiifo
soo martay, waxa in badan samo-talisku sameeyey kacdoon ay ku
doonayaan samatabixin iyo hab nolaleed nabad iyo cadaalad dhalin
kara. Waxa leysku raacsan yahay in kolka laga yimaado nabiyadii
Illaahay soo diray, in dawladdii islaamka ee Khulafada afarta ah ee
Abuubakar ugu horreeyey, ay tahay dawladdii ugu horreysay ee
muujisay mas’uuliyadda iyo inay horseedo danaha guud ee dadweynaha.
Waxa hore u jirtay in maamul magaalooyin ka tirsan Griigii hore iyo
Romankii ay xiliyada qaar hab sifaahaas oo kale lihi ka dhashay, ma
se ay noqon mid dal dhan ka hirgashay.
Haddaan mataal gaaban u soo qaadano nidaamkii uu Abuubakar unkay,
waxa aan cidi ka murmeen inuu noqday Hogaamiye dawladeed, kii ugu
horreeyey ee mushar go,an loo sarjaro, iyadoo taasi ayna ka badnayn
mid u dhiganta oon dhaafsanayn nolasha danyartu ku nooshay, mid aan
qarsoonayn oo cid waliba ogeed, uuna u jaray ninka u qaabilsanaa
maaliyadda oo hayn jiray Maamulaha Baytul maalka, malaha haddana
noqonaaya Wasiirka Maaliyadda. Bal u fiirso xukaamta maanta een la
aqoon mushaharkooda, cidina ayna u goyn ee iyagu waxay doonaan
qaata, qaybiya, guba, siiya , daadiya marba siday la noqoto ugu
tagrifala.
Beytal Maalku waxuu ahaa hay’ad madaxbanaan oon hoggamiyahu marna
farogelin ku sameyn Karin. Khulafadu marna mey ahayn kuwa si toos ah
uga mas’uul ah maamulka maaliyadda. Lacagta dawladda waxaan
mushaharkiisa ahayn Abubakar gacantiisa ma soo geli jirin. Sidoo
kale ayey raaceen khulafadii ka dambeysay.
Waxa dhacday in Abubakar xaaskiisu xoogaa lacag ah oo ay uruurisay
si ay maalin u cunaan cunta macaan oo dhadhan leh, ayey lacagtii u
dhiibtay Abubakar oo ku tidha macmacaan inoogu soo iibi… Abubakar
waxuu ugu jawaabay…” Waa lacag dheeraad inagu ah”, waxuuna u celiyey
Batul Maalkii Muslimiinta isagoon dhanna eegin. Yacnii waxaan ahayn
quudka uu cuno askarigu muu ahayn mid uu u arko inuu xaq u leeyahay.
Waxuu aaminsanaa inay xumaan iyo axmaqnimo tahay nin dhergaaya
dadkiisuna baahan yahay.
Dhacdo kale Cumar Bin Khadaab ayaa salaad Jimce ka yare
habsaamay…kolkuu soo gaadhay ayuu ku yidhi asxaabti” Iga raali
ahaada go’ keliya ayaan leeyahay oo kaas ayaan maydhaayey…”
Dhinaca u naxa maatida iyo ka warhaynta inta baahan. Waxa markhaati
ka ah sida habeenkii uu Cumar u dul meeri jiray meelaha danyartu
gasho si uu u maqlo cabashadooda iyo taaha gaajo amba xanuun. Habeen
ayuu ku soo baxay taanbuug nin dusha ka joogo haweynayna gudihiis
taah la reemayso. Cumar ayaa ninkii weydiiyey xaalkiisa..ninkuna si
adag ayuu ugu jawaabay. Cumar ma dhibsan ee waxuu si qabow u
weydiiyey waa intaas oo uu wax ka qabtaaye inuu uga waramo dhibta
haweynada haysa. Kolkuu u sheegay inay foolanayso, ayuu Cumar
dhinacii gurigiisa u kacay deedna uu soo kaxeeyey xaaskiisii si ay
uga caawiso dhalmada haweynayda.
Kolka ay Amu-Kaltoum ku mashquulsanayd umusha, Cumar waxuu
karinaayey cunto ay cunaan umusha iyo ninkeedu…cabaar dabadeed ayey
Amu Kalthoum dhawaaqday iyadoo Cumar ugu yeedhaysa Amiirul
Muuminiin…UGU BUSHAAREE SAAXIIBKAA INUU WIIL U DHASHAY… waxuu ninki
la yaabay magaca Amiir Almuuminiin..koluu ogaaday inuu Cumar yahay
ayey ilmo indhiisa buuxisay…sidaysay ahayd xukun wanaagu..kibir
la’aan, naxariis iyo dulqaad…Lacag iyo raaxo sidaas ayey ka
ahaayeen…xukunkoodu waxuu gaadhsiisanaa dalalka Carabta oo dhan
bariga ilaa Shiinaha, badhtamka Yurub, iyo dhul weynka India.
Bal ila eeg dhacdo kale. Waxa la yidhi Abubakar ayaa nin saxaabi ah
u cadhooday, kolkaas ayuu ku yidhi erey xun. Ereygii kolkuu afkiisa
ka soo baxay, ayuu Abuubakar qoomameeyey. Waa se erey afka ka soo
baxay oo cidi ma celin karto…Abuubakar, waxuu saxaabigii ka dalbay
inuu ereygii ku soo celiyo oo uu ku yidhaahdo…Wuu diiday
saxaabigii..Abuubakar wuu baryey, oo uu baryey…saxaabigii oo la soo
taagan waan ku saamaxay, ayuu haddana intaas ka jeclaa inuu ka
goosto..
.
Dhinaca mabda’a la tashiga oo ah sifaha waxa maanta lagu sheego
hab-maamul-wanaaga waa mid la dhashay Islaamka. Waxa xiligaas jiray
nidaamka dhaxaltooyada ee boqorada, haddaba Rasuulkeena Maxamed
SCWS, ma marin tubtaas, ee waxuu uga tegay in si wado tashi ah ay
asxaabtiisu ku doortaan cidda hoggaanka islaamka qabanaysa. Dareenka
Abuubakar ee mas’uuliyadda, waxa laga dheehan karaa qudbadda
taariikhiga ah ee uu akhriyey, kolkii xilka loo dhiibay. Taas oo
noqotay middii ugu horreysay ee nin madaxi dadkiisa u muujiyo in
xilka ay iyagu u dhiibeen, iyaga u hayo, iyaguna ka qaadi karaan.
Aan si kooban u soo qaadano qudbadii Abuubakar Al-sadiiq Illaahay
raali ha ka noqdee, waxuu yidhi:
” Dadweynow idinkaa i doortay oo Madaxdiina iga dhigay, inkasta oo
aanaan ka fiicnayn mid qudha oo idinka mid ah. Haddaan wanaag
sameeyo i taageera, haddaan qaldamo i toosiya. I maqla, runtu waa
daacadnimo, beentuna waa daacad-darro.
Dhankeyga ka idiinku itaalka yar ayaa ugu itaal roon, ilaa inta aan
xaqiisa siinaayo. Kan idiinku xoogga badan, dhankeyga ayaa ugu itaal
yar ilaa inta aan ka qadaayo xaqa cid kale leedahay.
Haddii laga leexdo addeeca iyo tubta Eebbe, waxaa Illaahay innagu
soo dejin doonaa dhib iyo fool xumo. Haddii dadku noqdo qaar xumaan
falga caadaysta, waxa innagu soo degi doonta dhib iyo masiibooyin
aan laga waaqsan. I adeeca oo i maqla inta aan adeecaayo oon hayo
tubta Illaahay iyo Rasuulkiisa. Haddaan taas ka leexdo I diida oo
waxaad xor u tihiin inaydaan i maqlin ina adeecin………”
Waxaynu gelaynaa tobankii habeen ee ugu barakada badan, Alle heyna
tuso xaqqa, dhibta iyo amaan darrada ka taagan dunida Islamkana ha
ka kor qaado heynaga yeelo kuwa soo celiya karaamadood iyo awoodii
Islaamka.
Ahmed Arwo
La-taliayaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,
Ganacsiga iyo Maalgashiga
https://www.facebook.com/aharwo
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
|