Kabtankii Mareykanka oo xoog lagu furtay

 

Richard Phillips waxaa lagu soo furtay xoog.  Ciidamada Badda ee Mare ykanka ayaa sheegay inay soo furteen kabtankii Mareykanka ahaa Ric hard Phillips ee burcad badeedda Soomaalida ah ay heysteen. Kabt anka, ayaa burcaddu waxa ay ku hayeen doon kuwa yar yar ah dusheeda muddo afar maalmood.

Waxaa jira warar sheegaya in burcadda Soomaalida ee hayay kabta nka markabka lagu dilay saddex ka mid ah, weerar gaaban oo ciidama da badda ee Mareykanka ay ku qaadeen.

Mid ka mid ah burcad badeedda ayaa wararku sheegayaan inay haya an, oo ay xireen ciidamada badda ee Mareykanka.

Richard Phillips oo kabtan ka ahaa markabka Maersk Alabama, ayaa la sheegay in uu bed qabo oo haatan loo wareejiyay markab kuwa dagaalka ah oo Mareykanku leeyahay.

Kabtanka oo markabkiisii uu ka baxsaday gacanta burcad badeedda ayaa mar isku dayay inuu baxsado, laakiin ay burcaddu dib u soo qabteen.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku ammaanay kabtan Phillips geesinimadiisa.
 

 


BBC