Kaaliyihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo ku Baaqay in Afti Laga Qaado Somaliland

 


Kaaliyihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ee Arrimaha Afri ka, Tibor Nag y, ayaa ugu baaqay Qarammada Midoobay in Somaliland laga qaado Afti ay Qaramada Midoobay damaanad qaaday.

Mr Tibor Nagy oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Twitterka oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA soo xigatay, ayuu ku sheegay in ay Somaliland geydo in Afti la mid ah tii Eritrea laga qaaday sanna dkii 1993-kii laga qaado,isla markaana ay Qarammada Midoobay damaanad qaado aftidaas.

Waxa uu sidoo kale Mr Tibor tilmaamay in Somaliland ay u qalanto ictiraaf calaami ah oo ay ku kasb anayso guulaha ay gaadhay iyo Qarannimadeeda shaqaynaysa muddada dheer, waxa uu soo jeed iyey in dadka reer Somaliland loo ogolaado in ay go’aan qaataan.

Mr Tibor ayaa hore taageero weyn ugu muujiyey Somaliland,isaga oo doorashooyinkii Somaliland ka dhacay ka sameeyey qoraalo uu intooda badan ku baahiyey boggiisa Twitter-ka iyo warbaahin ta caalamiga ahba.