KA QAYB-QAADO HORUMARKA MACHADKA IBNU-KASIIR EE CEERIGAABO

 

Machadka Inbu Kasiir, waa machad ay wax ka bartaan arday gaadhaysa ugu yaraan 200 oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Xaruntiisu waa magaalada Ceerigaabo. Waxa machadka la dhisay ama la aasaasay bishii February 2009 oo ku beegnayd, Safar 1430.

Machadkan oo ay wax ka bartaan ugu yaraan 200 arday, oo isugu jira wiilal iyo gabdho waxa aasaasay guddi reer Ceerigaabo ah. Ujeedooyinka loo aasaasayna waxa ugu weyn, kadib markii ay guddidaasi arkeen dayacnaanta barashada culuunta diinta Islaamka iyo luqada carabiga oo si baahsan ay u dareemeen ardayda iyo dadweynaha reer Ceerigaabo.

Machadkan oo ay ka hawlgalaan 6 macalin, muddadii uu furnaa waa uu midho dhalay, waxaana uu soo hooyay guul ay dadweynaha reer Ceerigaabo aad u dareemeen.

Bilawgii machadka waxa gacanweyn oo waxtar leh ka gaystay dadweynaha Ceerigaabo. Markii uu machadku muddo socday waxa loo baahday miisaaniyad ka awood roonaatay dadweynaha reer Ceerigaabo. Sidaas daraadeed, mas’uuliyiinta machadku waxa ay qaylo-dhaan u qayshadeen walaalahooda Ilaahay hanti siiyay. Nasiib wanaag kaalmadii u horaysay waxa ay machadka ka soo gaadhay magaalada Boosaaso oo ugu deeqay lacag dhan $22,000 (Laba iyo labaatan kun oo dollar), lacagtaas oo markii aanu qiimaynay machadka ku filan muddo sannad ah.

Guddidii Machadku waxa ay u soo xadhko xidheen caasimada Somaliland ee Hargeisa si ay kaalmo kale oo muddo labo sanno ah uga helaan dadka Ilaahay wax siiyay ee degan magaalada Hargeisa iyo guud ahaan dadka Qurbo-jooga ahba.

Hay’adda Qarnul-ifriiqiya ee uu madaxda ka yahay Sh. Maxamed Cali Geedi ayaa durba ku dhawaaqay in uu machadka oo hadda ku jira guryo uu masaajid leeyahay u dhisi doono dhismayaal u gaar ah. Ilaahay ha ka abaal mariyo dhammaan dadkii wax ka gaystay machadka iyo kuwa kale ee hadda doonaya in ay kaalmo la soo gaadhaan machadkaas oo waxtar iyo anfac u leh dadweynaha reer Ceerigaabo.

Gabogabadii Guddida machadka oo ka kooban 5 xubnood waxa ay shirkaddaha, ganacsatada, dawladda, Qurbo-jooga iyo ciddii waxtari karta ka codsanayaa in ay ka caawiyaan lacag dhan $44,000 oo ay ugu tallo galeen muddo laba sanno ah in lagu maareeyo machadka, si uu u noqdo mid midho dhalkiisu sii socdo oo aan la mid noqon machad hore oo magaalada ka baa’bay markii loo waayay dhaqaale lagu wado.

Guddida Machadka:

1. Dr. Maxamuud Axmed (Shiine) Guddoomiye

2. C/Kariim Cali Jaamac (Wadaad) Guddoomiye ku xigeen

3. C/Rashiid Maxamed Warsame Xubin

4. Cali Yuusuf Cali Xubin

5. C/Salaan Kaahin Warsame Xubin

Account-ka lagu soo hagaajinayo wixii deeq ah waa D14210 Dahabshiil.

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidha
: 4496119