Ka Mid Noqoshada Golaha Wasaaradda Ee Muuse Biixi Waa Niyad Jab Siyaasadeed Weyn Kulamana Taliyeen Axmed Siilaanyo Inuu Golaha Ku Soo Darro

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Ilaahay ayaa mahad oo dhan u sugnaatay, naxariis iyo nabadgelyo b uuxda korkiisa ha ahaato Nebi Muxumed C.S.W, waxaan sallaan u diraya dhammaanba inta u  ehel ka ah in Somaliland ku tallaabsato horumar iyo hanaan horu-qaad leh oo qarrankani yar muddo hi gsanaayey.

Akhristow waxaan qallinka qaatay muddo 13 sannadood ka hor ah anigoo daŽdaydu aad u yaray d, wakhtigaasi aan qallinka qoraalka dul dhigay Muuse Biixi Cabdi wuxuu ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxaa lagu xasuusta cahdi adag, muran iyo kala dhantaalni siyaasadeed  Som aliland u horseeday, Madaxweyne cigaal alla ha u naxariistee wuxuu xilka wasiirka arrimaha  gud aha ka qaaday Muuse Biixi laba jeer oo is xiga, waa shakhsi hiyin, haraad badan qaba, Muuse waa qof aan ku qeexi karo nin yaqaana hadal macaan oo meel waayey, Askari aan weli u bislaan  han naanka siyaasadda furfuran, waxaanan aaminsanahay oo aan qaba oo aan ku kalsoonahay  inaa nu wajigiisa siyaasadeed kasban karin taageerada intayada isbedel doonka ah uu isaga u arka boog aan weli Somaliland ka bogsan.

Axmed Siilaanyo oo ah Oday reer Somaliland ah oo aan aqoon badan u leeyahay waxaan kula  tal inayaa haddii uu Muuse Biixi Cabdi ku soo daro golaha wasiiradda inay u horseedi doonto kufsi siy aasadeed isla markaana ay niyad jab iyo haraad tir laŽaan u keenayso kuwayagii u haraadana in dalkaasi yari mar aqoonsi caalami ah iyo horumar la taaban karo uu gaadho.

Muuse waa adeerkay laakiin Soomaalidu waxay tidhaahda "Ballo aad arkayso bisinka laga  qabsa da" wuxuu fallaadh guracan ku noqon kara halbeegii horumarka lahaa ee Somaliland  higsanaysa y, waana shakhsi hore uga soo ludoobay xukuumaddahii Maxamed Ibraahim Cigaal, waa Aaran hore loo tijaabiyey oo sida mishiin saliidu ku ciladawday oo kale cilado badan sumcadiisu wadato, waa nabar aan weli la dhayin oo u baahan in loo diro waadhka dhakhaatiirta.

Waxaan qoraalkaygani koobaan aan markale iyo mar seddexaad u diraya Madaxweyne Axmed  S iilaanyo inaanu markale madaxa ku duuban mas sida la iskaga fur fura ay adagtahay, haddii  xisbi ga KULMIYE uu Muuse Biixi dhaxlana waxay u horseedi doonta guul darro ka sii ayaan darro bada n tii UDUB ku habsatay oo kale taariikhduna way qori doonta

 

 

 

 

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Coventry City, UK
diridhaba@gmail.com