Jug-soo-Dhacay Wuxuu Garaacayaa Durbaan Dagaal  Wuxuu na Ku Hawlan yahay Diro Diraalayn Iyo Colaad Hurin Loo Adeegsaday

 

Jug-soo-dhacay, waa Awr-Kiraale aan khibrad Siyaasadeed iyo mid dhaqan toonna lahayn oo xishood iyo xurmaba ka guurtey, waana camel dibeda laga soo waaridey, si loogu adeegto, looguna fushado, inuu dagaal iyo cada awad sokeeye oo hor leh, ka dhex-rido beelaha Togdheer iyo Sanaag ee Walaaha ah.

Waajibka indho la’aanta ah ee la siiyey, waxay tahay, inuu indhaha umma dda ka jeediyo Xisbigiisa jarka ka sii laalaada iyo inuu sun isugu dhiibo, isk ana horkeeno Bulsho weynta walaalaha ah, isagoo fulinaaya siyaasadda Xisbigiisa ee ah qaybi oo xukun (Divide and Rule) taasoo ah Siyaasadda gabowdey oo gabalkeed dhacay, laga ilbaxay oo laga koray, inaan dib dan be laysku khuukhin Karin oo aan magacyo loo kala yeeli Karin Dadka isku danta iyo isku deegaanka ah ee ilaahay is-baday, meelna ku wada  abuu ray, iyagoo cid kastaba iska xiga aan siyaasad lagu kala kaxayn karo, adiga iyo kuwa dabada kaa shuqaynayaa, toonna, iskama horkeeni karaan ee iska naso.

Jug-soo-dhacay, isagoo aan weli loxos go’ayn, kunna negaan kursigii sida sharci darrada ah loogu fadhiisiyey, ayuu muujiyey inuu yahay Nin Yes Man ah oo wax-qabadkiisa loo yeedhiyo, maadaama uu yahay Nin aan taariikhda Dalka waxba kala socon oo muddo dheer deggenaa Jabuuti iyo Baariis, Baarna ku lahaa (halkii Aar ka kacay Atoor fadhiisey).

Jug-soo-dhacay
, hab-dhaqankaaga iyo asluubtaada toosi, kana waantow (Adeer) colaadda aad hurineyso iyo suntan laguu soo dhiibey ee aad kula wareegeyso Dadkii shaley cadowga meel uga soo wada jeedey ee isku dhufeyska ku wada jirey, laysuna aaneynaayey, waxay yihiin waayo-arag oo adiga iyo abbaankaa toonna iskuma diri kartaan ee keen sheeko kale (isku dire dab naareed, Dadka nabada kala daah ha isku dirin walaalaha).
 

 

 


Axmed Ali (Goodir)

Hargeysa , Somaliland