Jug-soo-dhacay: Fidno Somaliland ku soo Korodhay!


 

Xoghaye; Marka Hore Dhegahaaga iyo Afkaagu ha Is-maqlaan!

Masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB, ayaa baryahan dambe waxa soo shaac-baxayey in qaarkood ka gubtaan hadallo xajiin huwan, isla markaana aanay ka fiirsan oo afkooda ka soo baxa, kuwaas oo iyaga laftoodu marka dambe is-beeniya ammase isla soo taaga dafiraad cad, isla markaana ka siman in ku andacoodaan oo ku meeraystaan sidaa uma jeedin iyo hadalkayga waa la qalloociyey, iyagoo ceebahooda kula galgasha warbaahinta madaxabannaan ee ummadda u soo bandhiga wararka ku saabsan hab-dhaqanka siyaasadeed ee madaxdooda.


Masuuliyiinta noocaas ah waxa ugu dambeeyey Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax oo si aan gabbasho lahayn u dafiray hadallo dareenka shacbiga Somaliland gilgilay oo ku jiray waraysi uu dhowaan siiyey shabakadda Hadhwanaagnews.com, kuna sheegay in inuu marxuum Cigaal wax ka saarayo dagaalladii sokeeye ee dalka dhacay.


Waraysigaas oo wargeyska Jamhuuriya ka soo xigtay shabkadda Hadhwanaagnews oo uu daabacay Salaasadii toddobaadkan, ayaa xoghaye Jaamac Yaasiin si adag uga cadhooday hadalladii afkiisa ka soo baxay, isagoo shir-jaraa’id oo uu Arbacadii warbaahinta ugu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa si cad ugu dafiray eedaymaha uu aakhiro ugu jeediyey Marxuum Cigaal, waxaannu ku andacooday in hadalkiisii Jamhuuriya qalloociyey oo si khaldan u tarjumay, isagoo ku dooday haba yaraatee in aannu marnaba Cigaal ku xidhiidhin dagaalladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay sannadihii sagaashamaadkii, sidaa darteedna wargeysku demi culus ka galay, taasoo u muuqatay mid uu kaga galganayey is-beeninta aan markhaatiga kale u baahnayn ee afkiisa ka soo wada baxay.


Xoghayaha Guud ee UDUB waxa uu beeninta hadalkiisii hore beddel uga dhigay ammaan ballaadhan uu u jeediyey Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, kuna tilmaamay hoggaamiye qaran oo dalka iyo dadkaba taariikh weyn ku lahaa, markastana isagu taageersanaa hoggaamintiisii.


Haseyeeshee, waraysiga Jamhuuriya soo xigtay ee xoghaye Jaamac Yaasiin ka gubtay, waxa uu ku sheegay in Cigaal lug ku lahaa dagaalladii sokeeye, isla markaana marxuumku isagoo qaadanayey talooyin gurracan iyo caadifadda dadkii hareero joogay uu ku guuldarraystay inuu mideeyo ummaddii soo halgantay.


Hadallada xoghayaha UDUB dafiray eek u jiray waraysiga uu siiyey shabakadda hadhwanaagnews ee Jamhuuriya ee ka soo xigtay waxa ka mid ah:


“Waxaan aaminsanaa mar walba ummadda Somaliland cidda talada u haysa wixii ay go’aamiso inay fikradda ugu wanaagsani ahayd in la taageero, wallow layga jeclaa ninkaa Ina Cigaal oo aan bil-xaqiiqa ku qawadayey isaga oo Raysal-wasaarihii ugu horreeyay ee Somaliland noqday inaanu dhaqdhaqaaqii ururka SNM ka qaybgalin. Haddana markay odayadii talada loo dhiibay iyo waxgaradkii markaa joogay garteen in isaga loo dhiibay waan aqbalay, waxaanse ka biyo diiday, markii dambe dagaalladii ehliga ahaa oo waxaan u arki waayey nin mideeya markaas oo dadka isu soo dhaweeyey oo caadifaddii dadkii hareera joogay ay abuureen ee dadkii shalay halganka meel uga soo wada jeeday cadaawadii iyo isku dhicii dhashay waxbaan ka saaray.”


Dafiraadda Mr. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa ka dambaysay kadib markii u adkaysan waayey duufaan kulul oo kaga yimi qaybaha kala duwan ee shacbiga Somaliland oo ka gadooday hadalladaas naxliga xambaarsanaa ee uu wax kaga sheegay marxuum Cigaal oo ahaa aasaasihii xisbiga uu hadda xoghayaha guud ka yahay ee UDUB iyo weliba dhismaha hannaanka dawladnimo ee dalka, waxaannu xoghaye Jaamac maciin mooday in isaga laftiisu is-beeniyo, halkii uu bulshada iyo cid kasta oo hadalkiisa dhibsatayba uga qancin lahaa, ammase raalligelin uga bixin lahaa deelqaafka afkiisa ka soo baxay.


Shirka jaraa’id ee Xoghayaha UDUB ku beeniyey, kuna dafiray hadallo aannu markii hore ka fiirsan oo afkiisa ka soo baxay, waxa uu ku yidhi; “Toddobaadadii ugu dambeeyay waxa jaraa’idka waddaniga ah ku soo baxayay maqaallo ay daabacayaan jaraa’idka maxalliga ah, waxa si gaar ah ii taabtay maqaallo ay soo saarto jariidadda la yidhaa Jamhuuriya, waxaan tixraacayaa cadadkeedii 3827, ee 30kii March ahaa iyo 3835, oo ahaa 8-dii April, labadaa maqaal labaduba waxay ka dhawaajinayeen waxay ku sheegeen in aan anigu ku hadlay, iyaga oo qalloocinaya, waxaan ku jirina ku daraya waxyaabo anigu aan ku hadlay, ta ugu darnaydna waxa weeye ta ay soo saareen maanta [Arbacadii], kaasoo ay bogga koowaad ku soo daabaceen, taasi oo odhanaysa Xoghayaha UDUB oo marxuum Cigaal ku eedeeyay masuuliyadda dagaalladii sokeeye.


Taasina waa dambi aad iyo aad u culus, sida ay nimankaasi wax u qoreena kolleyba aniga afkayga kama soo yeedhin, wax alla wax ka jiraana lama arko, cajaladdii aan (Website-ka Hadhwanaagnews) wareysiga ku siiyayna waala hayaa, makhraatigeediina waxaan filayaa in aannu fogayn oo la heli doona, laakiin inaan ku eedeeyey Marxuum Cigaal Alle ha u naxariistee inuu masuul ka ahaa dagaalkii sokeeye ee Somaliland waa wax aanu afkaygu gayin, wax afkayga ka soo baxayna maaha, been abuur aan sal iyo baar lahayna weeyaan, ciddii waxaa qortayna iyadaa masuul ka ah, waxaanan leeyahay masabidaadda culus ee caynkaas ahi waa mid lagu xumaynayo dadka, markaa waxaan u arkaa fallaadho sumaysan oo mucaaradka KULMIYE laga soo qaatay.”


Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaa; “Ilaahayow haa iyo maya mar ha naga wada yeedhsiin!” Taas waxa ka dhigan Xoghayaha UDUB ee ka xantaday hadalladii xajiinta lahaa ee uu kula dul-kufay marxuum Cigaal iyo dafiraadda qaawan ee uu qawlkiisii ku beeniyey, sidaa awgeed, in hadalkiisa Jamhuuriya qalloociyey in xoghaye Jaamac ceebta muskiisa taal kaga galgalanayo shacbiga ayaa u kala markhaati furi doona.


Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Jamhuuriya waxa sal u ah jiritaankiisa soo gudbinta xaqiiqooyin ku dhisan xogogaalnimo iyo dhexdhexaadnimo ay hagayso mihnad saxaafadeed oo ka reebban caadifad iyo cunsuriyad uu cid gaar ah ku colaadsado, arrintaas oo uu ku mutaystay tixgelinta iyo kalsoonida buuxda ee ay ku qabaan guud ahaan shacbiga Somaliland, iyadoo weliba tubta dheer uu u jeexay warbaahinta xorta ee dalka ka hanaqaaday u soo maray tacadiyo iyo xadgudubyo aan xad lahayn oo kala kulmay siyaasiyiin sida xoghayaha UDUB ka gubtay xaqiiqooyinka wargeysku u soo bandhigo bulshadiisa, kuwaasoo sii labanlaaba kalsoonida ummaddu qabto.


Sidoo kale, Jamhuuriya oo ah aabbaha iyo hooyada saxaafadda xorta ah iyo xorriyatul-qawlka ka tisqaaday Somaliland, waxa nasiib-darro ah in xoghaye Jaamac Yaasiin noqday masuulkii ugu horreeyey ee wargeyska ku shaabbadeeya mid ka mid ah dhinacyada ku loollamaya saaxadda siyaasadda, iyadoo arrintaasi muujinayso xogogaal-darrida xoghayaha UDUB oo isagu dhowaan si lama filaan ah ugu soo booday sallaanka siyaasadda ee dalka, isla markaana ololaha siyaasadeed ee xisbigiisa UDUB ka bilaabay xilliyadii dagaalladii sokeeye socdeen, taasoo caddayn buuxda u ah in aannu wax xog ah ka hayn xaaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray dagaalladii ehliga kadib, maadaama uu kaambayn ka dhigtay xusuusta dhiiggii sokeeye ee waa hore ummadda Somaliland ka heshiiyeen iyo doorka warbaahinta madaxbannaan ka soo qaatadatay nabadayntii beelaha iyo hirgelinta hannaanka dimoqraadiyadeed.


Tusaaleyaal cad waxa aynu u soo qaadan karnaa xog la’aanta xoghayaha guud ee UDUB ku soo kordhiyey fagaaraha siyaasadda dalka xaalad-abuurka ololihiisa ee ku qotoma xusuusta xannuunka dagaalladii sokeeye dalka ka dhacay horraantii sagaashanaadkii, gaar ahaan aargoosiga indho la’aanta ah ee uu kula dul kufay madaxweynihii geeriyooday ee dhidibadda u taagay hannaanka dawladnimada Somaliland, waxana weedhaha nacaybka iyo aargoosigu ka muuqdo ee ku jiray waraysiga uu siiyey shabakadda hadhwanaagnews.com, balse uu markii dambe dafiray ka mid ahaa: “Markaa inkastoo aan wax ka saaray oo fikirka gaarka ah ee aan qabay kaas ahaa, haddana kaasi igama horjoogsan in aan la shaqeeyo xukuumaddii uu Madaxweynaha ka ahaa, sida xaqiiqda ahna waanu wada shaqaynay ilaa iyo 1995-kii oo dagaalladii kale ee ehliga ahaa sii xooggaysteen oo warar aan sax ahayn oo dad danta Somaliland wadani u geeyeen, isaguna rumaystay oo hawshii Faransiiska aanu ka wadnay uu joojiyay oo masuuliyaddii xafiiska Somaliland u dhiibay nin gaal ah oo jinsiyaddiisu Faransiis tahay oo Arminian ah oo uu ka dhigay ninka Somaliland u matala Faraas, isaga oo nin Somaliland ah oo xataa hadduu na beddelayo heli karayey ayuu ninkaa nagu beddelay, taasina waxay noqotay mid aad u layaab badnayd, waana wakhtiga ay kala xidhiidh furmeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Faransiiska, waayo nin aan aqoon Somaliland waxay tahay dal iyo dad toona marka la yidhaahdo masuul baad Faraas uga tahay, dee waxay ka dhigan tahay masuuliyad cidla’ la dhigay.”


Sidoo kale, hadallada xasaradda, xumaanta iyo xajiinta siyaasadeed xambaarsan ee uu xoghayaha cusub ee UDUB dalka keenay waxa ka mid ah warsaxaafadeedkii naxliga iyo nacaybka huwanaa ee uu soo saaray 22 March 2009, kaasoo uu si qaawan ugu eedeeyey xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiintiisa in masuul ka ahaayeen hurinta colaadihii sokeeye iyo kala qaybinta shacbiga Somaliland.


Weedhihii yaqyaqsiga iyo yaxyaxa lahaa ee ku qornaa warsaxaafadeedkii ugu horreeyey ee xoghaye Jaamac ku soo galay garoonka loollanka siyaasadda waxa ka mid ahaa:


“Waxaan la illaawi Karin in ragga maanta hoggaanka xisbiga KULMIYE u hayaa ay mar walba hurinayeen colaad iyo dagaallo sokeeye iyo kala qaybinta bulshada Somaliland, oo ay isagu direen reero iyo gobolloba, dhiig badanina ku daatay dagaallo ka dhacay Burco, Berbera iyo Hargeysa sanadihii 1991, 1992, 1994 - 1995.


Waxay mucaarad ku ahaayeen dawlad kasta oo dhalata iyo tan maanta uu hoggaaminayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ay markasta lahaayeen yaanay innagu xooggaysan. Waxaan xusuusanaa inay mar walba ku baaqi jireen dawlai ma jirto si ay u joogteeyaan jewi colaadeed. Waxa yaab leh in maanta KULMIYE waddadii ku taagan yahay oo ay leeyihiin wixii ka dambeeya 6-da April dawlad ma jirto, taasoo macnaheedu yahay qarannimo jiri mayso, nabadina jiri mayso. Madaxweynuhuna ha ka dego kursiga oo sidayada subeehi ha noqdo.”


Marka si mug leh loo dhuuxo qodqodka iyo kicinta hurgumooyinka colaadihii sokeeye ee shacbigu ka bogsaday ee xuddunta u ah hab-dhaqanka siyaasadeed ee xoghaye Jaamac, waxa caddaan ah oo aan caad saarnayn in xoghayaha guud ee UDUB bustaha Paris uga soo qaatay sidii uu mar labaad bulshada walaalaha ah uga dhex abuuri lahaa colaad iyo calool-xumo, balse waxa ka maqan oo ka war la’yahay in ummadda Somaliland ka koray siyaasi dan leh oo si fudud ugu jiheeya halka dantiisu ku jirto.


Isku soo wada duuboo, is-beeninta iyo isburinta hadallada la kowsaday hab-dhaqanka siyaasadeed ee Jaamac Yaasiin, ayaa u muuqda qaar horsed u noqda fashil culus oo ku soo fool leh xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB, dhuumashada dhabarku muuqdo ee uu kaga galgalanayo naxliga afkiisa ka soo baxayna marna ma noqon doonaan kuwo Jamhuuriya ka horjoogsada gudashada waajibaadkeeda saxaafadeed iyo soo gudbinta xaqiiqooyinka jira. Sidaa awgeed, Xoghaye Jaamac waxaannu leenahay hadal inta uu afkaaga ku jiro ayuu ammaanadaa yahay ee saaxiib marka hore adigu is-dhegayso oo dhegahaaha iyo afkaagu ha is-maqlaan, fallaadhina gilgilasho kaagama go’de ee shacbiga Somaliland waxay kaaga fadhiyaan jawaab cad oo qancisa.


Si kastaba ha ahaatee, waxaan shaki ku jirin in Jug-soo-dhacay yahay fidno cusub oo ku soo korodhay Somaliland, isla markaana u baahan in shacabku dhegaha iyo indhahooda ka dabooshaan naxliga iyo sunta uu qaybinayo.


 

 



Jamhuuriya Online