Jileyaasha Aan Dawliga Ahayn Ee Somaliland Oo Dacw ad Ka Dhan Ah Mareegta Sabahi Online U Gudbiyay Maraykanka.

 

Somaliland Ha Noolaato  ......  Long Live Somaliland



Hargeysa (TNN):- 185 Urur oo iskugu jira ururadda bulshadda, jileyaasha aan dawliga ah ayn iyo ururadda xuquuqul insaanka Somaliland ayaa dawladda Maraykanka u gudbiyay dacwad ka dhan ah shabakadda Sabahionline oo xukuumadda Maraykanku u samaysay inay la dirirto fikradaha xag-jirka ah, hase yeeshee hawl-wadeenadda shabakadaasi ay caado iyo dhaqan ka dhigteen inay weeraraan Qaranimadda iyo Madax-banaanidda Som aliland, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay soo saareen Salaasaddii todobaadkan.

Qoraalkan waxa ururadda Bulshadda Somaliland u kala direen James P. McAnulty, Safiirka Maraykanka Somaliland/Soomaaliya, wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi. Waxaanu qoraalkaasi dacwadda iyo garnaqsiga ahaa u dhignaa sidan:-

“Anagoo ah dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyad doonka ah ee Somaliland kana kooban jilayaasha aan duwaliga ahayn, ururada bulshada rayidka ah iyo difaacayaasha xuquuqda aadamiga waxanu si wadajir ah ugu midownay diidmada adag ee aanu kaga soo horjeedno weerarada dhinaca warbaahinta ee ay sida joogtada ah ugu gaysto mareegta Sabahionline oo ay leedahay xukuumada Maraykanku iyada oo maalgalinta toos uga hesha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaarada Afrika (AFRICOM).

Sida ku qoran barta internetka ay ku leedahay mareegtani http://Sabahionline/en_GB/pages/about Muhimadeeda waxay ku sheegeen “mareegta sabahioline waxa maalgaliya Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaarada Afrika Africom, oo ah Talis Ciidan oo masuul ka ah taageerida iyo xoojinta dadaalada dalka Maraykanku wado ee joogtaynaya degenaanshaha, iskaashiga iyo horumarinta Qaarada Afrika.” Iyagoo hadafkoodana ku sheegay “Hadafka Sabahionline waa in uu bixiyo wararka Geeska Afrika si sax ah, dheellitiran, horumarna ku aaddan. Waxaa loo naqshadeeyey in uu aqristayaasha gobolka siiyo kob ay uga baxsadaan war ballaaran oo ku saabsan deganaanta mustaqbalka ee gobolka, iyo in uu sahlo wadahadal ku saabsan mawduucyada kala duwan ee saamaynta ku leh gobolka.”

Nasiibdaro, waxa noo cadaatay in mareegta Sabahionline, adeega warbaahineed ee ay bixiso ay lid ku yihiin ujeedada iyo hadafka ay u abuuran yihiin gaar ahaan marka loo eego dagaalka dhinaca warbaahinta ah oo ay si joogto ah kula jirto rabitaanka madaxbanaanida iyo xaqa aayo ka tashiga eee afarta milyan ah ee muwaadiniinta Somaliland iyo dalkooda dimuquraadiga ah. Dadaalkooda.

Mudane Safiir, dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyad doonka ah ee Somaliland kana kooban jilayaasha aan duwaliga ahayn, ururada bulshada rayidka ah iyo difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland waxay xogogaal u noqdeen mareegta warbaahinta bulsho ee Sabahionline hamuunta ay u qabaan burburinta iyo sumcad dilida Jamhuuriyada Somaliland, waxay ku tumatay dhamaan anshaxa iyo milgaha warbaahinta ee ku xusan axdiyada caalamiga ee warbaahinta.

Anagoo si qoto dheer u og in dalkayaga Somaliland iyo dalka Maraykana wada leeyihiin xidhiidh iyo iskaashi buuxa oo ay dhinac uga soo wada jeedaan la dagaalanka argagixisada, taasi oo sababtay in xoghayihii hore ee Arimaha Dibada Maraykanka u qaabilsanaa Qaarada Afrika Ms. Jandiy Frazer in ay booqasho rasmi ah ku timaado caasimada Somaliland iyadoo kulan rasmi ah kula qaadatay caasimada Somaliland madaxwaynihii hore ee Somaliland Mud. Daahir Rayaale Kaahin.

Mudanayaal, waxanu hoosta ka xariiqaynaa in Dambiyada dhinaca warbaahinta ee mareegtani ku hayso shacabka Somaliland iyo dalkooda qaar la mid ah laga soo helaynin guud ahaan warbaahinta madaxabanaan iyo tan xukuumadaha ee ka soo baxda dunida guudkeeda. Tusaalayaal kooban hadaanu idinka siinona waxa ka mid ah:

? Waxay ugu yeedhaa dalka Somaliland ‘gobol’ halka guud ahaan warbaahinta dunidu ugu yeedhaan Jamhuuriyada is magacawday ee Somaliland, ama dalka aan la aqoonsan ee Somaliland, sidoo kale mareegta Sabahionline waxay ugu yeedhaa xukuumada sida dimuquraadiga ah shacabka Somaliland u doortay ‘maamul gobol’
? Waxa kale oo layaab nagu noqotay in marka mareegta Sabahionline ay ka soo xiganayso war ama maqaal warbaahin kale oo iyadu aan ugu yeedhin omaliland gobol Sabahionline ma hilmaanto warka ama maqaalka ay soo xiganayso in ay galiso kelmada ‘gobol’
? Kormeerayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo si joogto ah u diiwaangaliya dhacdooyinka la xiriira warbaahintu waxay diiwaangaliyeen xadgudubyo mareegta Sabahionline ay warar been ah oo lid ku ah shacabka iyo xukuumadooda dimuquraadiga ah ee Somaliland. Waxana ka mid ah:

Mareegta Sabahionline ayaa baahisay warar been ah oo aan halkan lagu soo koobi Karin oo ay Somaliland ku misaalayso inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyad doonka Somaliland waxay mudane Safiir adiga iyo madaxda wasaaradaha arimaha dibada iyo difaaca maraykanka ka rabaan in ay uga jawaabaan su’aalahan:

? Weerarada joogtada ah ee dhinaca warbaahinta ee mareegta Taliska Ciidamda Maraykanka Afrika ee Sabahionline ay ku hayso shacabka Somaliland iyo dalkoodu, ma waxay ka mid tahay siyaasada Maraykanka ee ku aadan dalka Somaliland

? Mise waa cadaawad hawlwadeenada mareegta Sabahionline u gaar ah oo ay u hayaan shacabka iyo dalka Somaliland,

GABAGABO:
Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad doonka ah ee Somaliland waxay aaminsan yihiin in dagaalka dhinaca saxaafada ah ee mareegta Sabahionline ku hayso shacabka Somaliland iyo dalkooda dimuquraadiga ah haddii aanay madaxda xukuumada Maraykanka gaar ahaan Wasaaradaha Difaaca iyo Arimaha Dibadu aanay wax ka qaban waxay horseedi doontaa nacayb ay shacbiga Somaliland u qaadaan Maraykanka iyo danihiisa gobolka. Sidoo kale waxanu ugu baaqayna xukuumada Madaxwane Siilaanyo in arintan fiiro gaar ah siiyaan.”