JIIFTO LA YIDHAA DHAWAAQ

Waxaan halkan ka salaamaya dhamaan dadwaynaha reer soomaaliland.Waxan halkan ku soo gudbinayaa jiifto gaaban lana yidhaa: Dhawaaq,oo soo baxday 29-9-2010
waxa uu yidhi
 

 

Qurux dhimannoo
Dhantaalan

Dhankaad ka martaba
Is dhaafsan

Dhalaal midaboo
Dhashiishan

Dheehii rabiyoo
La dhaawacay
 

*********


Dhunkaal daranoo
La dhaafsan

Madaxoo dhillanoo
Dhan xiiran

Surwaal dhacayoo
Dhukuusan

Dhudhunka hore oo
Dhanaafsan................hay soo dhudhun hore dhul ku ganafsan

 

*********


Socodka dhutiyoo
Dheldheelsan....................dheeldheeli

Dhawaaq hadaloo
Dhibiiqsan

Dhaqankii jirayoo
Dharbaaqsan

Dhaxalkii ummadoo
Dhabcaalsan

*********

Tilmaan dhiganoo
Dhirbaaxan

Humaag dhibahoo
La dhawran

Dhalaan ubadoo
Wax dhaadin

Waalidkii ku dhiloo
ku dhiiran

*********

Garaadku dhanyahoo
Dhantaalan

Af-kale ku dhurmoo
Is dhiibay

Dhagaho dam ahoo
Dhabaaban

Waanadu ku dhibtoo
Dhagaysan


*********


dhaayaha xidhanoo
dhajuusan

haddana is dhuftoo
dhan-gaagsan

Hiddaha ka dhamcoo
Dhir-fuushan

Dhulkoo la naco
La dhoofo

*********

Tahiib dhibahoo
La dhaacsho

Labkiyo dhadigoo
is dhiiba

Baddaha is dhigoo
u dhuunta

Wadkoo l dhugtoo
La dhaafin

*********

Dheefaan jirinoo
Dhadhaaran

Dhagartiyo cidladoo
Hor dhooban

Tallada dhidhiyoo
Dhibaysan

Xusuusaha dhilayoo
Dhibaysan

*********

Waddaad dhahayoo
U dhuunta

Dhaqaale dartii
Wax dhooba

Xaaraan ku dhurtoo
Wax dhawrsan

Wacdiga dhigdhigoo
Dhabaynin

*********

Xalaal ka dhintoo
Is dhaafsha

Wax kastaba dhacayoo
Dhangaagsan

kitaabka dhigtoo
ku dhaarsan

Shirqool dhigayoo
Wax dhaafin

*********

Dheehada quruxlee
Dhalaalshan

Dhadiga gudayee
Dhabcaaban

Dhuuniga jirisee
Dhuyaalsan

Waqtigu ku dhaggee
Dhidiidsan

*********

Dhaxantu dubatee
Dhashuursan

Milicdu ku dhacdee
Dharkaysan

Dhexdana guntatee
ku dhuujsan

Dhalaanka sidee
Dhadhaarta

*********

Dhabcaalka qabee
Dhacdiidsan

Intaa dham a yee.........dham,ay ama lumay ,dayoobay
Wax dhaadin

xilkiisu dhintee
dhaqaaqsan

Intaa dhurmayee
ka dhawrsan

*********

Waliba dhahayee
ku dhiiran

Dhaantada tumayee
dhex jooga

Noolaha dhintayee
dhacdiida

Hungurigu dhuftayee
Dhangiigsan

*********

Naxliga dhurmayee
Dhar-tursan

Dhagarta u ordee
Dhuyaalsan

DHibaha jira e
an dhoobay

Dhankaana intaa
La dhaado

*********

Dhaqanka tagayee
DHuyaalay

Caadadda dhuntayee
La dhawran

Xumaha dhudayee
Xad dhaafay

dhulkeena allow
ka dheeree

DHulkeena allow
ka dheeree

 

Mowlid Aden
qolqol3@hotmail.co.uk