Jiiftadan waxa ay la magac baxday:

  illaahba qaadirkeena

Waxaan dhamaantiin idinku salaamaya salaanta muslinka ascm waxaan rajo iyo wanaag u rajaynaya dadwaynaha reer soomaliland meel ay  jooga anba yar iyo wayn

Waxaa ii raaca jiftadan cusub lana magac baxday illahba qaadirkeena iya da oo u badanaysa sheekooyikii jamaal.

waxa la yidhi oday baa waxa uu doonay isagoo reer miyi ah inuu barkad qoto maadaama  uu xoolo leeyahay jiilaalana iska soo noqnoqdaan  dhulk eena .markuu barkadii mudo qodayay  ayuu ku beegmay dhagax wayn  ka na saari kari waayay dhawr dayrood ayuu hadba isku dayaa ilaah ma  waa fajinin ,quus buu ka qaatay lacagina waa kaga jirta lexojeclo reer miyina waad garan,mudo ka dib ayaa nin xoog wayn oo askariya oo magalada ka yimi tuuladii barkada laga qodyay soo gaadhay sheekadii baa loo heegay isaga laftiisu kharash la.aan baa ku heshay tuulada waxa uu is yidhi  yoo miyaha ka soo tuuro ,odaygiii buu u yimi waxaa uu yidhi maanta aan soo qodo barkadaadii .odaygiibaa yidhi waayahay shaahna cab midhadhkan sigaarana qaado.waana inoo hadhow odaygu quus buu ka taaganyahay barkadee garo.

ninkii baa tagay marbuu dubihii ku jiiday ilaah waa u kala tuuray warka barkadana waa uu hayay farxad buu is yidhi tolow maxuu odhan duqii ma qaalin buu ku sii miyuu ka badin .

odaygii oo makhayad ka sheekayna ayuu daf u soo yidhi .ku yee bushaara .ku yee bil khayr barkadii dhagaxii waan ka soo saaray.........odaygii sidii wax kale looga filayay ayuu yidhi [waa laguu diray] ninkiina hadalba ku  gu dhay eeshqiyaasak


Jiiftani waxa ay soo baxday 07.09 , waxa uu yidhi
 

 

 

taariikhda qiimaheeda
xusuusaha qaaligooda
qof iyo yeelmadiisa
sidu u qaato weeye

*****

hadal iyo qodobadiisa
gar iyo qaadideeda
garaadku siduu qaato
ayaa loo qormaysan

*****
qiraalka markhatigiisa
wanaaga qaayibkiisa
qushuuca loogu yeedho
noolaha waa u qaydan

*****

darba qar-jafoo ka leexda
xumaanta u soo qoslaaya
inta qalad raadinaaya
dhagaha qayd ku gooya

*****
sidii qoonki nuux u heelan
qayliyo waa baroor dhe
qabriyo waa xabaal dhe
qunbaha xaasilkoodu

*****

illaahba qaadirkeena
quwadna isagaa leh
kalidi qanni ahaaday

*****

qisiyo sheekadeedda
wadaadki qaydar joogay
qoondaynata himiladisa
jilaalka qaawintiisa
haraadka qaman.dhaciisa
inuu barkad qayto
biyana qayb heloodo

*****
tallada u qawlal-siibay
qotay ee u faytay
maalinba qayb fogeeyay
qar iyo moos ridayay
qacdiyo waa damtiisa
dubaha qayladiisa

*****

qataar dhagax buu ku beegmay
quwadna wuu u waayay
itaal uu ku qaado
ninkale wuu qayshtay
tilmaana wuu u qooray

*****
hantina wuu u qayday
quullana wuu u yeedhay...
qabuula wuu ku yeelay
miyirna wuu ku qaatay

*****

siduu yahay qarandi faadha
intuu qorqoruu hagaajay
qiiq iyo ku shiday xaabo
laba qaar uu ka yeelay
dabeed qunyar bu ka siibay
hankiisa waxuu qiyastay
farxada qaaligeeda
wadaadka markuu la qowlo
inuu qarash buuran siiyo

*****
wadaadki qaydar yaalay
intuu qosol dheer ku jiiday
wuxu yidhi quulle
hawshiyo qabatinkeeda
adaa qaatoo saxeexay
ka quusoo ha quudarayn
quudaan jirin hawba yedhan

*****
gobonnimo qaran jabkeeda
runtiyo quudhsigeeda
dadka iska qaadanaya
qawadku waa xagooda
qulubku waa naftayda
qalaacada eegmadayda
waxaan ka qabtaa iftiimin

*****

beentiyo qotonsigeeda
jacaylka loo qushuuco
bulshadu qiiraheeda
qanacu waa xagooda

quwaaxsiga laba liskeeda
qiyaamaha waa su.aalo
ninkii qayay looba haysto
qowlkiyo hadaladiisa
inta malag baa qoraaya

*****
qarniga yaababkiisa
qumane wuu ka jeestay
daacadi waa qadoodi
qabsade wuu la qaybsan.........[.ku qabso ku qadi mayside]
qamuunyo waa miskiinka

*****

qaadigu uu ka hiishay
sharcigu wuu qabta nin liita
qaloocu waa mid jooga

*****

qoloftu waa sideena
garaadku waa qudhooda
wixii loo soo qoraayay
qiyaamiyo waa wax jaandhe
gaaliyo qalimadeeda

*****

qunbihiyo waa wankayga
qorogiyo caanahayga
xoolaha qowlka jooga
qorshiyo maan hogaansha
hadaan loo qormaynin

*****

dawarsigu waa qaraaxad
inaad qayrkaa baryoodo
noloshu quudhsi weeye

*****
qotonka buurahayga
macdanta intaa qaadhsan
hadaan laga soo qufaynin
qabiiro loogu yeedhin...................qabiir ...khabiir

*****

ummadu waa qadoodi
caydh iyo qaawan weeye
noloshu quudhsi weeye

*****

baddayda qoorigeeda
kaluunka intaa ku qooqa
hadaan shabag loo qubaynin
qalabna loo habaynin
gaajiyo waa qaxoonti
dadkaygu noole quuda
noloshu waa qasaare
qasaacu waa halkiisa
qarashna waa dantayda

*****

murtida qabanqabkeeda
hadalka qodobadiisa
qaybtaa waxaan ku dhaafay
qaradku waa dalkayga
qiiradu waa dadkayga

*****

shaqada qiimaheeda
fadhiga qaayiskiisa
qormada loo yagleelan
hantida layska qaadan
guryaha layska qaydan
laaluushka loo qamaami

*****

qudhbaan ka naxaynin joogta
qarqarsi looma yeelo
xukuna looma qoolo
qushi iyo wuu ku faani
quruxna wuu ku yeelan
qodobku waa runtayda
shacabku waa qiraale

*****

hamuunta qooysas jooga
danyarta qarafadeeda
ubadka qaylinaaya
adoo xaqa qaadanaaya
qooraanso dhinacyadaada
qudh iyo maan u fiirso

*****

illaahba qaadirkeena
quwadna isagaa leh
kalidii qanni ahaaday

*****

adaan qasdiyaa xagaaga
baryada qoon dhan joogta
qabuulka noogu yeedhi

*****
 



Waxaan ka cudur daaranaya hadaan wax qalday waa aan dagdagay raali ka ahaada



 

 

Mowlid Aden
qolqol3@hotmail.co.uk