Jawigii Badhasaabka Cusub ee Gabilay Uu Xilkii Kula Wareegay
 

 


 


Waxaan leeyahay Anagu aanu noqono Mujaahidiintii u dhimatay in wax la qabto imikana Waxaan Ku Celinayaa wax ha la qabtoBadhasaabkii hore

Anigu haddii aan wax qaban waayo waxba is xag xagan maynee waan iska tagi doonaa Badhasaab ka cusub

Hargeysa (TNN)- Badhasaabka cusub ee gobolka Gabilay Cali Aw- Aadan Meecaad, ayaa maanta si ra smi ah xilkii ugala wareegay Badhasaabkii hore ee Gobolkaasi Rashiid Cumar Sh. Muxumed oo Madaxw eynaha Somaliland todobaadkii hore xilkii ka qaaday.

Xafladii xil wareejinta ee labada Badhasaab oo lagu qabtay Huteelka Xaaji Askar ee Magaalada Gabil ay waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Ku Simaha Maayarka Gabilay, sarkaal ka socday Wasaarada Daakhiliga, Cuqaasha gobolka, haween, qurbo joog iyo dadweyne kale oo lagu soo marti qaaday.

Badhasaabkii hore ee gobolka Gabilay Rashiid Cumar Sheekh Muxumed, oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka xogwaramay waxqabadkii muddo sideed bilood ah oo uu xilka gobolka hayay, waxaanu tilmaamay inuu awooda saaray adkaynta nabadgelyada isla markaana uu kaalin ka qaatay dedaalo lagu doonay ay in lagu soo afjaro colaada ka aloosnayd deegaanka Ceel bardaalle.Waxa uu ammaanay bulshada g obolka Gabilay oo kaalin weyn ka qaata horumarinta adeegyada bulshada.

Badhasaabka cusub ee gobolka Gabilay Cali Aw- Aadan Meecaad, oo ka hadlay xafladaasi ayaa u ma had celiyay badhasaabkii hore oo uu sheegay inuu wixii awoodiisa ah ka qabtay Gobolka Gabilay.

“Waxa ILAAHAY mahaddii ah lixdan iyo dhawr sano ka dib ILAAHAY qadaray gurigii aan ku dhashay ee madheertaydu taalay ee aan ciidiisa cunay in xil la iigu dhiibo, waxaan Eebe ka baryayaa inuu xilk an igu asturo idinkuna dadweynihii haddii aad tihiin gobolka aamiin ii dhaha. Waxaan u mahad naqay aa Badhasaabkii hore oo aan adeer dhawr jeer u ahay. Waxaanan leeyahay xilku waa meerto oo maa linba nin baa jooga,”ayuu yidhi Badhasaabka cusubi.
Cali Meecaad waxa uu balan qaaday inuu ogol yahay in qeybaha kala duwan ee bulshadu ay garab gal aan, waxaanu carabaabay inuu ogol yahay dhaliil,canaan iyo toosinba.

Badhasaabka oo ka hadlayay Badhasaabka cusub iyo Ku Simaha Maayarka waxa uu yidhi “Waxaan le eyahay Gabilay waxa jooga Maayar iyo Badhasaab hore haddii khilaaf hore jiray wuu dhamaaday, wa xaan leeyahay Anagu aanu noqono Mujaahidiintii u dhimatay in wax la qabto, imikana waan ku celinay aaye’e waxaan leeyahay maamuladiina cusubi si wanaagsan gacanta isku qabsada oo waayo aragni madayadii ka faa’iidaysta.”

Rashiid Cumar Sh. Muxumed waxa uu sheegay inaanu ka xumayn in la qaado xilkii uu hayay waxaanu xusay inuu si niyadsami ah ugu wareejinayo badhasaabka cusub.

“Xag-xagashada waxa leh kursiga Anigu haddii aan wax qaban waayo waxba is xag xagan maynee waan iska tagi doonaa, waxaan u rajaynayaa badhasaabkii hore ILAAHAY ha ku geeyo meel ka wana agsan oo aan xag xagasho lahayn,”ayuu yidhi Cali Aadan.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Axmed Xaashi Nuur (Oday) waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qeyb galo xafladan lagu sii sagootina yo badhasaabkii hore ka cusubna lagu soo dhaweynayo.

Wasiirku waxa uu bulshada gobolka Gabilay u soo jeediyay inay la shaqeeyaan maamulkan cusub isla markaana ay gacan ku siiyaan horumarinta adeegyada bulshada.

Wasiirku waxa uu ugu baaqay laamaha dawlada ee gobolka Gabilay inay wada shaqayntoodii hore wa x ka bedelaan oo ay isku xidhnaadaan.

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadashay Ku simaha Maayarka Magaalada Gabilay ahna maayar Ku xigeenka Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ka hadashay xafladaasi ayaa sheegtay in Badhasaabkii hore uu ahaa nin dedaal weyn ka sameeyay dhinacyada nabadgelyada, isku xidhka degmooyinka iyo arri maha bulshada ee gobolkaasi. Waxaanay intaasi ku dartay in waxqabadkiisu uu ku suntanaan doono taariikhda gobolka.

Ku Simaha Maayarku waxay sheegtay inay soo dhawaynayso lana shaqayn doonto badhasaabka cu sub ee Gobolka oo carabka ku dhufatay inay hoggaamintiisa ku dabo socon doonaan dawlad hoose ahaan.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Muuse Xaaji M uxumed Warsame iyo Agaasimaha Waaxda Gobolada ee Wasaarada Arrimaha gudaha Cali Xasan Cawaale waxaanay labadooduba sheegeen in Badhasaabkii hore ahaa nin shaqadiisa ka adag oo ka shaqaynayay horumarka gobolkiisa. Waxaanay tilmaameen inay soo dhawaynayaan badhasaabka cusub.
Source:Somaliland.Org