Jawiga Ciidda iyo Goobaha Dalxiiska Somaliland
oo aad loo Buux dhaafiyay

 


Mustafe Future iyo sacad gurey


Hargeisa (TNN)-Ta labaad ee Ciidda ayaa oo ka mid ah maalmaha Farxaddaha leh ee dadku nastaan  S haqooyinka una Baxaan Safaradda Dalxiiska, si ay ugu soo raaxaystaan una soo daawadaan Goobo kale oo ka gadisan oo halka ay ka soo Socdaaleen.

Dadwaynaha ku dhaqan magaaladda Hargeisa ayaa maalmaha ciidda isugu yimaadda Huteeladda  wa awayn ee magaaladda halkaasi oo badanaa la isku arko dadkuna kuwada qaataan farxadooda ciidda, kaftan iyo sheekooyin gaagaabana la isku waydaarsaddo, halka Dhalinyaraddu maalmahan oo kale ay Ciidaan Cunista Qaadka, kaasi oo si wayn saamayn ugu yeesha maalmahan oo kale Dhalinyaradda dha qaale badan oo ay ka faa,iidaysan lahaayeena ku Burburiyaan maalin qayil.

Goobaha ugu Badan ee Somaliland loo Dalxiiska Taggo ayaa waxaa ka mid ah Xeebta Batalaale ee  Ma gaaladda Berbara, Buurta Daallo ee Magaaladda Ceerigaabo, Buurta Sheekh ee Gobolka Saaxil, Beer aha iyo Bustaanada Magaaladda Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, Dhulbeereedka Camuud ee Magaaladda Borama iyo goobo kale oo dhawr ah.

Xeebta Dalxiiska Somaliland Batalaale ee Magaaladda Berbera ayaa ka mid ah Goobaha ugu badan ee Maalmaha Ciidda ay u dalxiis tagaan dadwaynaha ku Dhaqan Gobolladda Dalka Somaliland, manta oo ah maalintii labaad ee ciidda ayaa waxaa si wayn u Buuxdhaafiyay Xeebta batalaale Dalxiisayaal reer Somaliland ah oo u badan Gobolladda Maroodi jeex iyo Togdheer.

Dadka u yimaadda Goobtan inay ku Raaxaystaan Dabaasha Badda Somaliland iyo Daawasha Xeebta Batalaale oo ubadan dhalinyarro isugu jira Dumar iyo wiilal ayaa si wayn isugu arkay halkaasi, una wada galayay Badda koox koox, si ay isu weheshadaan una wada ciyaaraan.
Magaalada berbera ayaa guud ahaanba ciirciiraysay iyada aad looga dareemayay goobaha  adeegy adda bulshadda sida Huteeladda Cunta iyo Goobaha hurdada oo aad loo buuxdhaafiyay.

Dhinaca kale Buurta sheikh ayaa iyana ka mid ahayd goobaha si aad ah loogu dalxiis tagay shalay illaa manta halkaasi oo dadku kusoo qaataan jawi neecaw qabaw oo nafta raaxo u ah, Dadkuna badanaa ku soo galaan Sawiradda Xusuusta ah ee sida taariikhiga ah loo xiiseeyo, Bilicda buurta ee Quruxda  badan, dhirta Cagaaran ee jidka wayn oo Sida mucjisadda ah loo sameeyay oo dadku aad u Xiiseeyaa n inay Daawadaan, kana soo duubtaan sawiro muuqaalo ah oo ay Daawadsiiyaan Dadka kale ee aan nasiibka u helin Dalxiiska noocan oo kale ah.

Wariyeyaasha Shabakadda Wararka ee Timacade News ee ku kala sugan Daafaha Dalka ayaa ku soo Waramaya in Dadwaynaha Somaliland si wayn uga wada qayb galeen Farxadda Ciidda Carafo, iyada oo Dadku maalmahan oo kale si aada isugu soo baxaan iyaga oo isku salaamaya Salaamaha  Maalma han oo kale Dadka muslimiinta ahi isku salaamaan.

Magaaladda Arabsiyo oo ka tirsan Gobolka Gabiley ayaa iyana ka mid ah Goobaha sida aadka ah loogu Dalxiiska tago, taasi oo dadka ku dhaqan Magaalooyinka Hargeisa, Gabiley iyo Borama ay u Daawasho iyo nasasho tagaan Beeraha bustaanada ee yaala Goobtaasi, kuwaasi oo aad u bilic wanaagsan, una fiican nasashada iyo Daawashada indhaha, aadna kuu soo jiidanaya wakhtiyadda gu,ga ee Dhulku roobanyahay.

Beeraha magaaladda Arabsiyo ayaa badanaa dadku usoo todoba-baxaan Wakhtiyadda Aroosyadda iyo Meherradda sidoo kalena maalmahan oo kale ayaad ka dareemaysaa Jawiga magaaladda Buuq aad u badan iyo dadwayne ku cusub magaaladda oo gaafwareegaya Daafaha Arabsiyo.

Goobaha Dalxiiska Somaliland ayaan badanaa Xukuumaddu waxba ka qaban Bilicdooda iyo Daryeelka Adeegyadda Fududaynaya Tagitaanka Goobahaasi sida jidadka iyo Biriishyadda oo Qabyo ka muuqato marka laga Reebo Dadka deegaanka oo woxogaa ka qabta balse aan Dabooli Karin Baahiyaha Asaasiga ah ee ka jira Goobahaasi.

Goobaha Dalxiiska ee Dunidda ayaa Aad loo Qurxiyaa Dawladuhuna ka Shaqeeyaan illaalintooda iyo Daryeelkooda, taasi oo laga helo Dakhli aad u faro badan oo ay ka qayb qaataan kaabayaasha Dhaqaalaha Dalalkaasi.

Xukuumadda Somaliland ayaan marna wax ka qaban Waxyaabaha Dhabar jabka u ah Dalxiisayaasha iyo Goobaha Dalxiiska oo ay Qabyo ka muuqato Sida Jidka Loo maro Buurta ugu Qurux badan  Somalila nd ee Daallo, Jidka Buurta Sheekh oo isaga laftiisa Qabyo ka Muuqato, Xeebta Dalxiiska Batalaale ee Magaaladda Berbera oo Qashinkii Warshadaha ee Maraakiibtu qubayeen Dibada uga soo baxay, Dhiba atooyin halis ahna ku keeni kara Caafimaadka Dadka ku Dhaqan Deegaankaasi, Biriijyadda  Magaalad da Arabsiyo oo Qabyo ah Xukuumadihii kala duwanaa ee Somaliland Soo marayna aanay waxba ka  qa ban Dooxyadda Waawayn ee Dhinacyadda ka mara magaaladda arabasiyo, Dooxaasi oo ay ku  Dhinta an Dad badan oo isugu jira Dadka safarka ah ee ukala goosha Hargeisa, Gabiley, Borama iyo Dalka  ay nu jaarka nahay ee Iteroobiya, Dadka Arooska ah ee u soo Todoba-baxa Beeraha iyo Dalxiisayaasha u soo daawasho taga Beeraha Arabsiyo iyo Ceelginiiseed.

Waxyaabahaasi aan kor ku soo xusnay oo dhamaantood wax udhimaya Dalxiiska Goobaha Dabiiciga ah ee Somaliland ay leedahay ayaa ubaahan in wax laga qabto iyada oo lala kaashanayo Dadwaynaha Deeganka, Qurba jooga iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamka, si kor loogu qaado loona Qurxiyo  kaabayaas ha Sahlaya Tagitaanka Goobahaasi, si ay dadka Qurbajooga ah iyo Ajaanibku ugu soo Xagaa baxaan Wakhtiyadda kulaylaha xagaaga ee Fasaxyadda lagu jiro, Dadka Qurba jooguna ku soo laabtaan  Dhu lkooda Hooyo, taasi oo Xukuumadda Somaliland usoo hoyn karta Dakhli dhaqaale oo fara-badan, korna u qaadi kara Miisaaniyadda Dawladda.




Mustafe Future

Timacade News Network
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com