JAWAAB Qormadii Farah Ali Jama: GUUBAABO IYO TALO KU SOCOTA BEELAHA FAROOMAHA CADOWGA DEGAN

Marka hore waxa aan salaamayaa inta nabada jecel (nabadu waa shay qaaliya, walaalaha koonfureed baana tusaale inoogu filan hadaan nabadi jirin). Waxa kale oo aan salaamayaa shicibka Somaliland ee xalaasha ah, diidayna in lagu qaybiyo tolaayeey iyo qabyaalad nin kursi doonaayaa durbaankeeda tumaayo. Waxaase isweydiin mudan marka talo faraha ka baxdo ee dabka nacaybkee Kulmiye uu shidayaa iftiimo, cida hadhay ee uu xukumi ayaan la garaneyn (Illaahay tooda kama dhigee).



Waxa kale oo aan salaamayaa Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Booliska Somaliland oo habeen iyo maalinba heegen ugu jira sidii nabada Illaahay ina siiyey dadkeenuna garteen faa’iidadeeda ay u illaalin lahaayeen. Taas oo maanta soo shaac baxday in taageerayaasha Kulmiye ay dhaliilba ka dhigaan maxaa ciidanka Qaranka xuduudaha Somaliland illaa imika weli dhigay? Toloow ma in ciidanku Birjeex dhexjoogaan baa kursi raadiskii Kulmiye taladiisii noqotay maantana?


Hadii aan u dhaadhaco dulufda qormadan oo jawaab u ah qoraal uu qoray ninka Siilaanyo ku taageera qabiilka ee Farah Ali Jama, dabka KULMIYE rabo in uu ka huriyo Somaliland dhexdeedana raga ugu firfircoon ee gaasta la dabajooga ah. Waxaan filayaa in aanu maqal gabaygii Abwaan Timacade Illaahay ha u naxariistee “Dugsi Malaha Qabyaaladi Waxay Dumiso Mooyaane”. Dhib maaha in aad adeerkaa Siilaanyo taageerto si uu u soo baxo doorashada soo socota, waa hadii sharciga loo jabinayo, waayo waxa uu dhaafay dadii Dastuurka Somaliland u ogolaa muwaadinku in uu u ordo Kursida ugu muhiimsan dalka ee hada Mudane Madaxweyne Riyaale ku fadhiyo isaga oo haysta kalsoonida shicibka Somaliland ee u codeeyey iyo inta nabada jecel ee diiday dabka Kulmiye. Waliba waxa aan kuu sheegi oo kuugu bushaarayn in codka ugu badan Somaliland uu noqondoono Hargeysa, Saxil, Awdal, Salal, iyo Gobolkii aad codkiisa quudhsiga ugu bedeshay ee doorashadii hore ku soo dhaweeyey waa kee
gobolkaasi waa gobolka Gabiley weeye.


Goboladaasina hadii aad riyo wax kale isu tustay, maanta waa UDUB oo xisbiga reerka iyo odaygu iska leeyihiin ee Kulmiye codkooda ku khasaarin maayaan.. Ta aad isleedahay dadka kala qaybi oo xukuna, Ingiriis iyo reer Yuruba waa u shaqayn weyday aakhirkii MAGAADANA durbaanka beenta ah mid kaa dhagaysanaysa maaha, oo beelsha aad NABADOONKA cayda uga dhigaysaa waa beeshii codka aan odaygu bari oodhan ka helin siisay, maanta se diyaar uma aha in ay codkeeda ku siiso, reeraha kale ee aad rabto inaad nakala qaybisana MAGAADO ayaanu isku nahay, dhul aad u balaadhana Illaahay baa nagu wada beeray, in aan nabadayada iyo nabada beelaha aan Isaaqa ahayn ee Somaliland naga wada dhaxayso ka wada shaqaynana waanu ku qasbanahay. Min Berbera illaa Gaashaamo, min Hawd illaa Hargeysa, min Xiis iyo Meydh illaa Ceerigaabo, min Lawyacado, Jibuuti, illaa Dila Dusheeda, min Seylac illaa Ceel Sheekh ayaa Illaahay nagu wada beeray. In aan nabada ka wada shaqayno maaha mid aan
iska baryayno ee waa mid aan ku qasbanahay kuligayo, waana xalka qudho ee dal lagu dhisi karo.


Burco dabkii ka baxay waaka illaa imika Yaroowe aad ku joogto, diidayna in aad Red Line ka aad Burco kaga dhexqaado. Qaran baa Qabiil dhaamee heeshiisiin beelaha walaalaha ah ee Burco wada dega ka shaqee, intaa aad dhulshishe oo aad codkiisa u baahantahay isku dayeyso in aad dhib aan jirin ka dhex oogto. Hore ayaa looyidhi “Nin Cod Doon Ahi Ninka Codkiisa Uurabo Waa Inuu Ka Quudaaye”, baryo ayaad shicibka Somaliland ku leedahay ee xumaan iyo aflagaado iyo dirediraale nimo kuma lihid. Midna in yar baan iyada kaga baxayaa; waa ta aad tidhi Cida Caydhoobi waa Cidiina, miyaad illoowday burburkii lagu xoreeyey Somaliland dhaqaalaha ugu badan ee ku baxay Galbeedka Somaliland baa laga lahaa, hadana maanta qaxiibaa dhaqaale kalifayba is odhan maysid, midaad illoobayse ee aad u baahan tahay in aad fahanto waxay tahay hantidu waa hibo Illaahay bixiyo, xasadna laguma waayo. Xoogsade Illaahay ha u naxariistee maanta wuu inaga hooseeyaa, laakiin hantidiisii dadkiisii baa u hadhay oo maanta ayey ka badan tahay maalintii Hawd ka loo qaxay, raashinkii ugu horeeyey ee dadka soo gaadhana ninkii keenay isaga ayuu ahaa Illaahay qabriga ha u nuuree. Baxsane waa nool yahay Illaahay mahadi ha ka gaadhee ninkii Masaajidada Somaliland dib u wada dhisay weeye, hantida badana illaa imika ku bixiya u adeega dadka jilicsan. Ilma Oomaar, Ibrahim Dheere, Mulac, Fine, Ina Cawad, Ilma Jire Xusseen, Dhiilgeel, Illma Xawaadle Madar, Marwo Suhuura gabadha qudha ee Somaliyeed ee Diyaarada loogu magac daray (cidi uma iibine waa hantideedii) iyo qaar kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobayna waa noolyihiin. Markaa Illaahay mahadi haka gaadhee af qof xasada umada loo maqlimaayo, mahadna Illaahay uun baa iska leh.

Hadaba, su’aalahaagii mid mid aan uga jawaaba iyana:

a) Cashuuraha xad dhaafka ah ee Berbera waxaad la simaysaa meesha Boosaaso la yidhaa ee aan maamul ka jirin, oo inta ninka dekeda haysta aad gurigiisa ugu tagto waxoogaa yar oo lacaga isaga siiso markabka dhan aad talaata beysteenka kagala soo degayso? Berberi Miyaanay ahayn ta KULMIYE iyo taageerayaashiisi xasad daraadeed Illaa Boosaaso cashuurtooda cadowga Somaliland ugu geyaan? Waa Cashuurta Askariga iyo Ciidanka Somaliland laga masruufo. Waxaas baa muwaadinimo layidhaa.

 
b) Waxaad tidhi “Yaa kelifay, inay ganacsatadiinu sida bagaashleyaasha, ay u wareegaan Boosaaso?” Waxaan u malaynayaa in tan aan ka jawaabay, laakiin su’aasha jawaabtaada cida laga sugaaba waa idinka KULMIYE iyo Taageerayaashiina in aad Cadowga Majeerteeniya u adeegtaa QARANIMADII KA DOORTAY.


c) Bal u fiirso su’aashaada “Waa maxay sababta kuwa xukunka idiin haya,” (macnaa maamulka Somaliland oo dhan kama dhaxeeyo miyaa arinkaagu, maamulka hada jiraana idinka reer Kulmiye idiinma aha maamul miyaa?) waad sii wadoo waxaa tidhi “waa ay mudada dheer u hirgelin waayeen ummad mideyn” waxaan filayaa in aad is yeelyeelayso, maanta maalin ay Somaliland ka midaysan tahay mijirto oo Min Boorama Illaa Laascaanood dadku waa wada Somaliland iyo UDUB, “maamul fidin” Mala Garoowe iyo Boosaaso ayaad moodaysay in ay Somaliland ka mid yihiin? Miyaan 6dii Gobol Ee Somaliland calankii la sugaayey aanu dushooda sudhneyn? Waxa kale oo aad tidhi “dhul mideynta Somaliland?” waxba taa ka odhan maayo oo adiga ayaa dhulka aan mideysneyn noo sheegi halka uu yahay.


d) Waxa kale oo aad tidhi “Waa maxay sababta ay mudada dheer Ciidamada Qaranku u joogaan jiidaha Bariga Somaliland?” tan iyada waxa aan kaa odhan “Ninkii Ragii Wuu Garanayaa Sababta Doqona Loo Sheegimaayo” aniga oo in yar ka isticmaalaya khibradayda milaterinimo waxa aan kuu sheegi, ciidanka shaqadiisu waa in uu xuduudaha dalka illaaliyo, halka ay ku haboon tahay in lageeyaana waa shaqo u taal taliska ciidanka oo qudha ee maaha arin u taal nin ku raaxaysanaya Canada. Mise nimanka reer Galbeed ee Bariga Somaliland dadka jooga la walaaloobay, la xididay, la dhaqan galay, tusayna waxa ay meesha u joogaan in ay tahay danta umada oo kaliya, bulshadii Bariguna u qireen in ay yihiin ciidan adag oo cadoowkasta iska caabiyi kara, oo dadkooda reer Somaliland kula dhaqma wanaag iyo ceeb la’aan.


e) Waxa kale oo aad tidhi “Waa maxay sababta mujtamacyada iyo gobolada Bariga sida Togdheer, Sanaag, iyo Sool ay weli uuga socotaa lacagtii Somalia sida Giimbaarta ureysa iyo lacagaha kale sida Faalsada Majeerteeniya?” Su’aashan malaha dhab kaama aha weydiinteedu waayo waad ogtahay sababta in ay ka danbeeyeen ganacsatada taageerta Kulmiye ee Dollar ka umada Somaliland kaga bedelan jirey Giinbaarta UREYSA ee ay kaga soo qaadi jireen gawaadhida illamaa Kismaayo. Markaa cida ka masuulka ahi waxa weeye Siyaasiyiin u dhashay goboladaas iyo ganacsatada ka soo jeeda goboladaas oo lacagtaas la iska daabacdo dollarka umada kaga bedesha si ay xaaraanta ugaga taajiraan. Mida kale xiligii Marxuun Cigaal miyaan la idiinku taagwaayin lacagta hala idinka bedelo?


f) Waxa kale oo aad tidhi “Yaa seyladiisii Xoolaha Nool iyo Dekediisii Berbera ee ay ka dhoofi jireen laga xidhay?” waxa aad ka jecleyd baan filayaa markii Yemen lagu dhici jirey xoolaha Somaliland? Ama lagaga bedelan jirey neefkoodii madaxa madoobaa buskudka iyo caagadaha madhan? Mise dalka ayaad in badan ka maqnayd oo xiligaa warkiisa mahaysid?


g) Waxa kale oo aad tidhi “Yaa guud ahaan ganacsigiisii iyo dhaqaalahiisii la curyaaminaya ka dib, markii inamo yar yar mar kasta lagu shaabadeeyo ONLF loona dhiibo Xabashiga iyadoo dalka gudahiisa dembiga ay ka dhex falaan lagu qaadi karo laguna xidhi karo?” Waxa aan u malaynayaa beryahan maad tegin dalkii, laakiin shirkadaha ugu waaweyn dalka waxa ka mida dadka sheerarka ku leh reerka aanu isu abtiga, xididka, xigaalka, ood wadaagta, iwm nahay ee Ogaadeen. Somaliland na xumaan loogu hayo reerkaas majirto. Kuwa aad leedahay Itoobiya ayaa loo dhiibay fayl laga soo gudbiyey Itoobiya oo inaadeerkii Melez u gudbiyey baa Hargeysa Itoobiyaanku la yimaadaan.. Hadii maamulka lagu tuhunsanaa khaladkaana waa arin hore Madaxdhaqameedku u dhameeyey, maxaad u soo qodqodaysaa hadii gaastii aan sheegayey aanad la werwereegeyn?


h) Waxa kale oo aad tidhi “Waa maxay sababta ay xukumadii marxuun Cigaal iyo xukumadan Riyaale, ay cadaawada uuga dhex abuurayaan Beelaha Faroomaha ee Hawd/Kilinka Shannaad iyo ONLF iyo isirka ay ka soo jeedo?” waxaan filayaa markii ay kuu shaqeyn weyday arintii Galbeedka ee aad hurinaysay, ayaad rabtaa in imikana aad tijaabiso colaad aad ka dhex abuurto beelaha wada dega hawdka iyo Kilinka Shanaad? Hortaa jiraba taas ku guuldaraysay, ee Dhaka kale keen.
Labadii qodob ee ugu danbeeyey wax jawaab istaahila mabay ahayn oo iyaga wakhti iskaga lumin maayo.

Arinta talooyinka aad soo jeedisay bay noqotay; ninka og isaga oo QARANKA Somaliland la yidhaa in uu lee yahay Ciidan ku filan difaaca dalka hooyo, ee ka hadlaya in uu abaabulo ciidan beeleedyo la isu geeyo, miyaan taladaada laga soo qaadi kari Burbur Qaran hadii kursiga adeero ku fadhiisinayso yeelkeed? Mataladaas baa talo Qaran lagu dhisi kara ah?
Walaalka dhexda dega ee aad sheegayso waa ka ciidanka uu hogaaminayo ee xuduudihii Somaliland oo dhan wada gaadhay, difaac uu kaaga baahan yahay na majirto. Kursi aad ku fuulayso qooqoobid Qaran waa “BAABACADAAS OO TIMO KA SOO BAXAAN”. Mudane Madaxweyne Riyaalena Qabiil baad ku diidaysay, beelaha aad ku sheegtay nabadoona waa Qabiil waxa aad ku diidaysaa. Mid baa lagaa yidhi taas kuuma baahna iyagu laakiin adigaa iyaga u baahan. Jabuuti bay ku biiri karaan oo ay horeba u dagan yihiin beelahaa aad sheegtay. Gooni bay isu taagi karaan beelahaa aad sheegtay. Airport, Deked, Dhul ku filan iyo dhaqaale ay hore ugu maraan intaba waa haystaan. Maxaa Burco kaa soo kaxeeyey ee Hargeysa ku keenay, hadii aan baahiyi ku hayn? Madaxtinimadu waa hibo Illaahay bixiyo, adeerkaana Qarankani waa diiday, ee dadkaaga dhinaca ka raac hadii dani kuugu jirto. Midna wax yar baan kaa odhan, inta la istirinayo iyo inta tirada codka serfarku kala saarayo sug. Gabiley hadii ay
Togdheer ka badato miyaad is deldeli?


Ururka Qaran arintiisa ayey noqotay; dadka waxba ha ku beer laxoowsan ina ururada ayaanu furaynaa, waayo hadii taasi idinka dhabtahay adeerkaa iyo xisbiga Feysal Cali Waraabe shandada ku sito maydaan soo jeediseen doorashada madaxtooyada hala soo horeysiiyo, iyaga oo Dastuurkii Qaranka u jebiyey in ay ku curyaamiyaan ururka Qaran, baqe ay ka baqeen in midkood ama labadooduba hawada ka baxaan awgeed. UDUB wey ku balan qaaday in ay furidoonto ururada oo dhan marka la saxo khilaafka ku gadaaman sharciyada dalka ee ninba sida uu doono u akhrisan karo, arintaana gudidii ka shaqayn lahayd waa kii madaxweyne ku xigeenku soo magacaabay, car yaanay Kulmiye noqon ka ugu horeeya ee diida talada gudigaas idinka oo danta Kulmiye ka soo hormarindoona ta Qaranka sidii caadadu ahayd. Hadii ay kugu adagtay in wararka wanaaga Somaliland ka hadlaya in aad akhridoo oo idaacadaha ku hadla magaca Kulmiye oo kaliya aad warka ka qaadato sida Horyaal, Somaliland.org, iwm,go’aanka khuseeya in la furo ururada waxa ay si khaas ah uga wada hadleen Mudane Madaxweyne Riyaale madaxda danaysa qadiya Somaliland ee uu ku jiro Lord Ivori, iyaga oo isku raacay in sharciga oo lasaxaa ay tahay muhiin si daldaloolada dhibta keeni kara ee ku jira Dastuurka dalka looga hortago. Markii taa Kulmiye iyo Ucid ogaadeena waa kuwii ka dalbaday heshiis dawlada in doorashada madaxtooyada la soo horeysiiyo. Markaa keebaa diidan in ururada la furo? Shicibka aan cuqdadaysneyn ee reer Somaliland ayaan u dhaafi jawaabta.


Waxaan ku qoslay markii aad tidhi Beelaha aad ugu yeedhay Faroomahu ha ku biiraan Kulmiye. Dadka ma KABA QAAD baad moodaysaa, xisbi nin inankiisa ugu wanqalay iska raacaya, waayo waa nin Isaaqa ninka uu la ordayaana waa nin Samaroona ayaad isleedahay miyaa? “GOORMAA LAGA TAGEY WARKAAS” Gar’adag taladii lagu soo gooyey oo aanaan goob joog ka ahayn, shirqoolkii lagu soo maleegay QARANKAYAGA siisan mayno.
Kulmiye ma waxaad tidhi marka uu RIYADA GAR’ADAG kursiga ku fuulo, hala burburiyo oo halagu wada biiro URURKA QARAN si ay u noqoto QUWAD ADAG OO MUCAARIDA? Riyada markaa KULMIYE waa xisbiga talada haya miyaa, laakiin taageero ma haystoo, sida aad tidhi taageerayaashiisu waa in ay ku wada biiraan QARAN? Si horta aad u hesho cid kugu mucaarida waa in sida UDUB aad doorashada ku guulaysataa, sidee taasi u dhici kartaa, hadii la joojiyey GAWAADHIDII dadka lagu guri jiray ee marna Burco ay ka codayn jireen, marna Caynaba, marna Hargeysa? Miyaan laguu sheegin in cida qudha ee loo ogol yahay in ay socsocdaan maalinta doorashadu in ay tahay cidii nabad gelyadu khusayso, gaawaadhiga caafimaadka, ciidanka qalabka sida, iyo komiishanka qaranka oo kaliya? Markaa codka aad ku soo baxayso si riyadu ay Kulmiye ugu rumoowdo xageebuu ka imanayaa? Mida kalena Jamhuuriyada Somaliland ee aad leedahay hala aqoonsado miyaanay ahayn taa aad xataa u diidayso in beelaha kale ee aan Kulmiye taageersanayn in aanay xukunka qabtaan? Taas hadii kuu hirgasho soow odhan maysid nin aan xaafada ahayn magaye kursiga hadhoowna? Hada ayaan kaa joojin ana si aan KALIDII TALIYE Siilaanyo xukunka aanu u qaban. Mise uma haysatid Odey Adeerkaa Siilaanyo inuu yahay Kalidii Taliye? Taa hadii aanay kuu cadayn sidii loo maamulay doorasho ku sheegtii KULMIYE dhexdiisa ee ka dhacday Hargeysa iyo Burco dib ugu noqo, taariikhdii SNM iyo boogaha madoow ee odaygu ku lee yahay dib u soo baadh, hadii aanad hore u maqalna Odey Adeero Siilaanyo waxaad weydiisa inta jeer ee uu hotel kii uu seexan jirey hore u sii dhaafay, soona arkay ciidankii dhaxantu ku haysay Hawd ka?

Waxa aan ku soo gebo gebaynayaa qormadan yar ee jawaabta u ah  qolya ha Kulmiye iyo Faarax Cali Jaamac, Somaliland ka weyn Siilaanyo, Riyaale, iyo Feysal. Midkoodna Qaranka loo dumin maayo. Kii Illaahay u qoray baa kursiga ku fadhiisan, laakiin reer kursi ku fadhiisanayaa majiro. Hadii aydaan taas rumaysneyn taariikhda dib u raaca oo Caro Mareexaan Somaliya dalkii la isku odhan jirey meel ka liidatay miyey jirtay? Maanta ayey ka wanaagsan yihiin, marka la barbar dhigo 21kii sano ee Afweyne xukumayey Somaliya. Mudane Madaxweyen Riyaale intii uu xilka hayey wax uu gooni ugu qabtay Boorame miyey jirtaa? Jawaabtu waa maya, kolay qolyaha Kulmiye rumaysan maayaane haloogu dhaarto.

Marxuun Cigaal Illaahay Qabriga ha u nuuree wax uu Berbera iyo Caro Hab ar Awal u qabtay oo gooniyi miyey jirtey? Jawaabtu waa maya, kolay qolya ha Kulmiye rumaysan maayaane haloogu dhaarto. Dr. Gees buugiisa uu ka ga hadlayo taariikhda Marxuun Cigaal Illaahay naxariistii jano haka waraa  biyee akhriso, sida uu Marxuun Cigaal ugu diiday niman ay isku reer yihiin oo doonayey warshad Kaluun in ay ka furaan Berbera, si aan walaalaha reer Laas Qorey aanay calool xumo ugu qaadin, ayaa waxa uu Marxuun Cigaal Illaahay danbigiisa hadhaafee ku yidhi Dr. Gees “ Dr. Geesoow Somaliland hal warshad Kaluumaysi bay leedahay, waana ta Laas Qorey”.

Hadal iyo dhamaantii Siilaanyo Somaliland madax ka noqonmaayo oo inta cir ka iyo dhulku isku jiraan bay u jirtaaye, maxaad yeelidoontaan adiga iyo inta cuqdada qabiilaysan caloosha ay googooysey, marka Mudane  Madaxw eyne Riyaale dadku dib u doortaan?


“Baadida Ninbaa Kula Deydeyi Oo Daalna Kaa Badine oo Dooneyn Inaad  Hes haa Daayin Abidkaaye” Taariikhduna wey qori rag badan oo bari kamaalin madaxtinimo u soo raadsan doona Somaliland.
Guul, Midnimo,Cadaalad, Ictiraaf Illaahoow adigaa weyn oo waaxid Somaliland ugu deeq. Nabad Gelyadana Illaahoow nin kursi dhiig muslim u daadin kara Illaahoow yaanu naga burburinin.

 



Sharmaarke Yussuf Muxumed

Sharmaarke52788@gmail.com
UDUB North America