Jawaab
ku Socota Gudoomiyaha Somaliweyn ha noolaato
ahaana Gudoomiyihii Ilayska
Cismaan Abokor
Waxa kale oo aan xasuustaa maalintii la saxeexaayay sharciga ururkii
Ilayska Somaliland, qodobada ugu waaweynaa ee lagu dhisay ama lagu
dajiyay waxa ka mid ahayd:Midnimada iyo gooni
isu taaga Somaliland, qofkii ka soo hor jeedsadana waa danbiile
qaran waana in sharciga lala tiigsadaa.
By: Sahra Muse
Marka hore waxa aan salaamayaa dhamaan
walaalada Reer Somaliland, meelaksta oo
ay caalmaka ka joogaanba. Gaar ahaan waxa aan salaan gaar ah u
gudbinayaa mujaahidka weyn ee ka mid ah inta inagu sii hadhsan, ee
hada nool ee Ilahay fursada inoo siiyay in ay wax inoo soo qoraan
ama inoo soo bandhigaan. Waxa aan aad iyo aad uga helay qoraalkiisii
uu dhawaan shaaciyay Mujaahidku oo taabananaayay dhinacyo badan
meelaha qaarkoodna ay haboon tahay in lagaga daydo meelaha
qaarkoodna in wax lagu qaato isku soo duuboo waxa uu ahaa wax ku ool.
Hadaba aniga oo ah gabadh Somalilander-ah kuna nool Dalka Ingriiska,
gaar ahaan Magaalda London. Waxa aan aad iyo aad ula yaabay qoraal
uu soo mal-maluuqay ninka la yidhaa Cismaan
Abokor, oo aan u qaadan waayay in uu maanta isu rogo cadawga
Somaliland. Waa ayaan daro iyo nasiib xumo xaga uu ku danbeeyay
Cismaan, waxa uu ku hadaaqaayo.
Cismaan waxa aanu isku ahaan jirnay ururkii aan soo bixin ee la
odhan jiray Ilayska Somaliland, xiliyada qaarkood waxa uu noo ahaa
gudoomiye. Cismaan waxa uu ka mid ahaa amaba uu ahaa asaasihii
ururkaasi Ilayska Somaliland, waloo markii danbe daaqada laga tuuray
edeb xumo siyaasadeed awgeed lakiin marnaba ismaan lahayn illaa
Somaliweyn oo kuwii ka horeeyayba ay ka soo waasheen ama ay ka
shaahayn wayeen ayuu dabada sii qabsan doonaa.
Waxa aan xasuustaa maalin maalmaha ka mid ah oo Cismaan Abokor uu
qudbad uu noo akhriyaayay isga oo jooga Bariga Magaalda London.
Hadaladiisii waxa ka mid ahaa; "Adeeradayo,
Cismaan Kaluun,
Ina Buubaa, iyo Jamacyare midna
ka aqbalimayno in ay Somaliweyn ay nagu
afduubaan mana soconayso midnimadii Somaliyeed ee fashilantay ee
beenta ahayd, mana doonayno in aanu abidkayo la midowno Somaliya,
hadii la waayay 5 Somaliyeed Somalilan-na mar danbe kuma noqonayso
hantaaqadii ay soo martay"! Ayaantaas qudbadiisa waxa uu ku soo gabo
gabeeyay, "Mar i dage Alle
ha dago. mar labadse i dage anaa isu dagay"!
Waxa kale oo aan xasuustaa maalintii la saxeexaayay sharciga Ururkii
Ilayska Somaliland, qodobada ugu waaweynaa ee lagu dhisay ama lagu
dajiyay waxa ka mid ahayd midnimada iyo gooni isu taaga Somaliland,
qofkii ka soo hor jeedsadana waa danbiile qaran waana in sharciga
lala tiigsadaa, qofkii wax Somaliland ka dhan ah ku dhaqaaqana waa
beenaale iyo waliba in uu si toos ah ugu xadgudbay xuquuqda qaranka
iyo jiritankiisa.
Hadaba Cismaanku Cismaankaan aqaanay miyaanu ahayn?! Hadma ayuu
waashay sowkii doorashooyinkii ina dhaafay u ololaynaayay Xisbiga
Kulmiye ee waliba gudoomiyaha si shaqsiyan ah ugu ahaa
gacanyarahiisa?! Ma xisbigii uu sheegaayay Sifir ee uu lahaa Kulmiye
waxa ku dhex jira qaar badan oo aaminsan midnimada Somaliweyn, ayuu
Cismaan ka mid ayahay?! Dee waynu aragnaaba yaanan taas saarin
calamatul su'aalba, ee wax aan ka codsanayaa Cismaan Abokor in aanu
noo qarin saaxiibadiisa Kulmiye ee ku jira gudaha ee uu hadda umadda
u shaaciyo!? Waxa aanan kugula dar daarmayaa, in aanand jar iska
tuurin! Waxa aad is mooday wax aanad ahayn! Sidaas Somaliland ay kuu
soo nacday ee kuu dooran wayday kii ku soo dhawaystayna aad u
khiyaamaysay ayaa ta aad ku socotana kuu taala!!
Waxa kale oo aan kuu sheegayaa ragii aad ku
caayi jirtay halka aad
hadda ku danbaysay. Waxa ay
kaaga fadhiyaan xaal iyo cafis aad waydiisatid hadii kale halaas
ayay taar lugaha kaaga xidhi doonaan, Abaheena
Ibrahimna anagaa xaal siinay adigoo kale ma aha in uu u
jawaabo, qoraalkiisuna adiga oo kale kugumuu soconin ee cidlaad ka
halabsatay ee is hubso.
Sahra Muse
London/UK
ilayska05@live.co.uk
|