Jananka Ciidamada Bilayska Somaliland Oo Sheegay Inay G a canta Ku Soo Dhigeen Nin Dhaawac U Geystay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xukuumada Somaliland

 

Waxaanan ammaan halkan uga soo jeedinayaa ciidanka Booliska ee ku guulaystay inay soo qabtaan eedaysanahan

Hargeysa(TNN): – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iim aan ayaa sheegay in xalay ay hawl-gal ay Boolisku sameeyeen ay gacanta ku soo dhigeen Siciid Maxamed Jaamac oo khamiistii shalay laba xabadood ku dhuftay madaxii shaqaalaha ee wakaaladda Korontadda Hargeysa Ilyaas Daa’uud.

Taliyaha oo galabta u warramayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay “Ciidanka Boolisku waxay hawl-gal balaadhan oo ay shalay galab illaa xalay wadeen ay gacanta ku soo dhigeen Siciid Maxamed Jaamac oo Khamiistii dhaawacay Ilyaas Daa’uud oo ahaa madaxa shaqaalaha ee wakaaladda Korontadda Hargeysa oo dhaawaciisa lagu baxnaaninayo cisbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa.”


Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in ninkan la qabtay uu laba xabadood ku dhuft ay sarkaalkan ka tirsan wakaaladda korontadda Hargeysa.
“Ninkan gacanta ayaanu ku dhignay, waxaanan ammaan halkan uga soo jeedinayaa ciidanka Booliska ee ku guulaystay inay soo qabtaan eedaysanahan, waxaanan ku rajo weyn nahay in sida ugu dhakhsahaha badan aanu u horkeeni doono sharciga,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

 


Timacade News Desk
Hargaysa,Somaliland