Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacabkeeda ayaa Ku filan Sugidda
Xorriyadooda, Muqdishona meeli ugama Bannaana ee Ha isku Tashato
Waxa Xukuumadda iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland aad ula
yaabeen, wax laga xis hoodona u arkaan beenta iyo is-hafarka qayaxan
ee wakaaladda wararka ee Reuters uu siiyey wasiirka Kkayraadka
Dabiiciga ah ee Maamulka Muqdisho, ee uu kaga been-abuuray xaqa
Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay bixinta iyo ku-faa'iidaysiga
liisamada shiidaal baadhista ee la siiyo shariikadaha Caalamiga ah.
Somaliland waxay ku timi codka shacbkeeda oo 97% ugu codeeyay
dustuurka Somaliland iyo madaxbanaanida dalkeeda. Waxa Jamhuuriyadda
Somaliland ku qanacsan tahay inaan wax muran gelin kara jirin ka-faaiidaysiga
khayraadka Eebbe ku mannaystay geyigeeda si loo kobciyo nolosha iyo
horumarka shacabkeeda. Xukuumadda Somaliland iyada ayaa ku fil an,
awood aan la tarraxinna
u leh, bixinta liisannada la xidhiidha shiidaalka iyo macaadiinta
bad iyo berriba inta xuduuda heedu ku siman yihiin. Liisanno
maamullada Muqdisho laga soo qaatay kama shaqeeyaan, kamana shaqayn
doonaan Jamhuuriyadda Somaliland dhexdeeda. Somaliland waa qaran
jira oo dhammaan waaxaha waaweyn ee dawladnimadiisa dhammaystirtay
23kii saanadood ee u dambeeyey, iyado oo uu si buuxda uga soo
ceshaday maamuladii isaga dambeeyey Muqdisho xorriyaddii ka fool-habawday
1960kii. Somaliland lagama yaabo inay xoriyadeeda buuxda ee ay
qaaliga ku soo heshay mar labaad gorgortan kala gasho cidnaba.
Shirkadaha Caalamiga ah ee kalashaqeeya Jamhuuriyadda Somaliland
shiidaal baadhista ma aha kuwo ay ku cusub tahay xaqiiqada dhabta ah
ee Jamhuuriyadda Somaliland ku hanaqaadday, iyo tan habawsan ee
Muqisho weli ku sugan tahay toonna. Waa shirkado, iyagoo ku qanacsan
jiritaanka iyo awoodaha sharciyeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, la
galay heshiisyo faaiido qaybsi ah, oo waafaqsan shuruucda caalamiga
ah. Shirkaduhu horena oggolaansho uma weydiisan maamulka taagta
daran ee Muqdisho, haddana kuma talo jiraan, umana socdaan, maadaama
aanay meelnaba u soo marin xaqa noocaas ah.
Sida wasiirka Muqdisho ku dooday iyo kuwo ka horreeyeyba, ma jiraan
Malayshiyooyin loo hubeeyey ilaalada shirkadaha. Xaasha Somaliland
heer malayshiyo labaatan sannadood ka hor ayay soo dhaaftay,
shirkaduhuna waa kuwo aad u ixtiraama oo uga dheregsan baahid a
gobolku u qabo degganaansho iyo colaad la'aan.
Jamhuuriyadda Somaliland nabadgelyada shirkadaha iyada aya si buuxda
uga mas'uul ah, waxayna leedahay ciidamo qaran oo ka adag sugidda
waajibaadkooda, kuwaas oo qaybo ka mid ah si gaar ah ay isha ugu
hayn doonaan inaan cadow gaag-ma-reebe ahi meelnaba uga soo hanqal
taagin boobka khayraadka ummadeeda mar labaad.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay si foojigan indhaha ugu haysaa
falalka kharbudaadda ah ee isdabajoogga ah ee uu soo maleegayo
Maamulka Muqdisho, isaga geed kasta iyo tab ka sta u soo adeegsada
sidii xorriyadda iyo isku-fillaanshaha Shacbiga Somaliland iyo
xukuum addiisu gaadheen u wiiqi lahaa. Waxa uu maamulkaasi yeeli karo
cidna aan naftiisa ahayn ma jirto si kasta oo uu isugu dayo inuu
gudaha Somaliland ka dhex samaysto awr-kiraale uu ugu soo daldalo
hub ama uga been-abuurto awoodaha aanu meelna u soo marin ee uu is
leeyahay ku indhasaab aragtida caalam indhihiisu u furan yahay
mucjisada dunida cusub ee Somaliland.
Jamhuuriyadda Somaliland qiimayn buuxda ayay ku samaynaysa
waxyeellada falalkaasi ku yeelanayaan wadahadallada u socday labada
dal ee Somaliland iyo Somalia iyo halka uu cagadhigan doono
mustaqbalka xidhiidhka labada dhinac.
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay uga
digeysaa Maa mulka Muqdisho inuu soo fara-geliyo arrimaha u khaaska
ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda miiggan, iyada oo farta
loogu fiiqayo maamulkaasi inuu tiisa ku fillaado, darye elka
shacabkiisana hoos u eego, colaad iyo eedaad dambe oo haatan ka
fogna aanu u hors eedin.
Ma jiro aadane ay Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeedu uga idan
qaadanayaan hor umarinta geyigeeda iyo ka-faaiidaysiga togan ee
khayraadkeeda, iskaba daa maamul sha lay faro-ciddeed lagaga soo
ridey xorriyadda ay maanta Jamhuuriyaddani ku hanaqaadday ee ku
xaqiijisey himilooyinkeedii fogaa iyo kuwa dhowba.
Sidaa darteed, waa in maamulka Muqdisho ka waantoobo beenabuurka uu
caalamka la wareegayo iyo riyada iyo hawaawiga uu ku
majara-habaabiyey danaha, dawladnimada iyo degganaanshaha
shacabkiisa ku hungoobey.
ALLA MAHAD LEH
Xuseen Cabdi Ducaale
Wasiirka Tamarta iyo Mactanta
|