Jamhuuriyada Somaliland oo
walaac ka muujisay
xaaladda Somaliya
Hargeysa (TNN) :-Xukumadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay ka soo
saartay xiisadda siyaasadeed ee ka taag gan Soomaaliya ku sheegtay in
ay wer-wer weyn ka qabto dagaal sokeeye oo Soomaaliya ka dhaca iyo
xasillooni da rro saamayn ku yeelata Gobolka oo ka dhalata go’aanka
Muddo kordhinta iyo hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ee xaaladda
hadda taaggan.
Xukumadda Somaliland waxay ku eedaysay Madaxweyne Farmaajo
kalitalisnimo iyo in aanu dhawran xuquuqda Aad amaha, waxaanay
bulshada Muqdisho ugu baaqeen in ay amniga iyo xasilloonida ku
dadaalan. Warsaxaafadeedka a yaa lagu sheegay in reer Muqdisho
wajahayaan caqabad ah dhibta Alshabaab iyo Culay ska Kali talisnimada
Farmaa jo.
Waxa kale oo ay Somaliland Qaramada Midoobay ku ammaantay in
Soomaaliya lagu ilaaliyo cunaqabataynta hubka, sidoo kalena Beesha
Caalamku si dhaw ula socoto in hub ama saanad ciidan u korodho
Soomaaliya wakhtigan.
|