Jamacada Hargeysa oo Xidhiidh Caalami ah la sameysay Jamacad ku taala dalka Jarmalka.
 

 


Hargeysa (TNN) Jaamacada Hargeysa iyo jaamacad ku taala Magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa maanta kala saxeexday heshiis waxbarasho oo dhexmaray labada dhinac oo ah dhanka bara shada caafimaadka, taasoo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay jaamacad ku taala Jarmalku xid hiidh la yeelato jaamacadaha Somaliland.

Xaflad saaka lagu qabtay xarunta jaamacada Hargeysa ayaa lagaga dhawaaqay heshiiska labada jaamacadood, iyada oo ay goob joog ay ka haayeen wasiiro ka tirsan xukuumada , maamulka jaa macada Hargeysa iyo masuul ka socday jaamacada Jarmalka ee LMU , iyada oo halkaas laga akhri yay qodobada oo ka koobana yahay heshiishka labada jaamacadood.

Qodabada ugu muhiimsan ee heshiiskan waxa ma mida:

1-In labada jaamacadooda ardaydoodu waxbarasho caafimaad oo ay ku qaadan karaan wadamad a Jarmalka iyo Somaliland.

2- In Jamaacada LMU ay ka taageerto jaamacada Hargeysa dhanka qalabaynta kuuliyada caafima adka iyo kor u qaadida tayada macalimiinta si jaamacada ula talaabsato jaamacadaha kale aduu nka.

3- In shan sanno ka dib loo eego heshiiskaas si fiiro gaar ah loogu yeesho horumarkii laga samee yo, iyada oo haddii ay ka soo baxdo natiijo wanaagsani libin laabmidoonto taageerada loo fidanayo jaamacada Hargeysa.

Guddomiyaha jaamacada Hargeysa Pro Muuse Cabdi Cilmi oo ka hadlay munasaabadii heshiiska la gu kala saxeexanayey ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martaya waxbarsha da dalku, waxaana uu sheegay in jaamacada Hargeysa ay tahay mid hormuud u noqotay waxbara shada ee Somaliland oo xilligan maraysa meel wanaagsan, waxaana uu Jamaacada LMU uga mahad celiyay xidhiidhka ay la samaysay jaamacadiisa.

Prof. MaHhias Siebeck oo ah sarkaal ka socday kuulliyada caafimaadka ee jaamacada LMU ee Maga alada Munich oo isna ka hadlay halkaas ayaa sheegay in ay go’antay sidii ay u caawin lahaayeen jaamacada Hargeysa oo uu baahan in laga taageero tayaynta waxbarashada oo ah mid kobcays a,isla markaana ay noqotay arrin isaga soo jiidatay.

Waxa kale oo uu amaanay nabad iyo horumarka ay Somaliland ku talaabsaday, isaga oo sheegay in sababtaasi ay u doorteen in ay Somaliland xidhiidh la soo sameeyan.

 

Source:Waaheen