Jacaylka Riyaale ee Jabouti +Nacaybnka
Ina Cumar Gee lle ee Somaliland+Xafladaha
Lagu Taageerayo Ina Geelle oo Weli ka socda Somaliland=
Cadowgeeda
Koriya Somaliland!!!

Waxaan aad iyo aad uga damqaday
markii aan arkay Xaflado Loogu heesayo ama lagu taageerayo ninka ku
caan baxay cadaawada iyo nacaybka Somalila nd, oo lagu qabtay
xaruntii Somaliland ee Hargeysa!! Waxaan Sii fajacay Markii La yidhi
Lacagta ku baxday Xaflada Ina Geelle Dowlada ayaa bixisay, Waxay ka
sii Dartay Markii Layidhi Wasiiro Iyo Xildhibaano Ummadan iyo
Qarankan Xil u haya una Dhaartay Danta dalka dadka iyo Difaaca
Diinta in Ay halkaa amaan uga soo jeediyeen Cadowga Somaliland!!
Waxaa wax aan la qaaadan karin ah illaa imika in ay socoto
xafladihii Cadowga Somaliland Lagu Kobcinayey.
Riyaale waa madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland ee weliba Xilkan loo
doortay una dhaartay in uu dalka iyo dadka iyo dastuurka dhowro
Cadowga Somalilandna uu dalka ka difaaco, Wixii ummada dhib u dhac
ku keenayana ka illaaliyo. Hadaba waxaa dhacday in madaxwaynihii
aynu dooranay Mr daahir Riyaale Kaahin uu Jeclaaday mid ka mida
dadkii Somaliland iyo jiritaan keedaba ka soo hor jeeday Weliba aad
arkaysaan in madaxwaynihii Somaliland( Remote-control) Lagu hagayo
oo uu wixii Ismaaciil Cumar Geelle Doonayo uu ka hor marinayo wixii
Danta Somaliland ku jirto,Taasina ay ina geyaysiiay in Dekedaheenii
xoolahiinii Siyaadadeenii wixiiba Jabouti Laga maamulo Inagiina Aynu
Heeso Qaadno!!!
Riyaale waa madaxwaynihii ugu horeeyey ee isaga oo madaxwayne ah
sharaftii iyo karaamadii Qaranka Somaliland huwan hadana taageero
hagar la'aaneed u fidiyay Cadowga Somaliland, Waa Madaxwaynihii ugu
horeeyey ee u dhego nuglaada cadowga Somaliland,(Your Enemy His
Friends Is Your Enemy) Cadowgaaga Saaxiibkii waa Cadawgaaga,Sidaa
Darteed Riyaale wuxuu si toos ah ugu biiray ma gacan saar dhaba ula
yeeshay dadka kasoo horjeeda jiritaanka iyo qaranimada Somaliland,
Taasina Waxay Qayaxaysaa in Riyaale yahay cadowka koowaad ee
SOMALILAND, Taladii dalka Dhaqaalihii dalka Siyaasadii dalka intuba
waxay gacanta ugu jiraan Ina geelle iyo Jabouti. Ina Cumar Geelle
iyo Qadiyada Somaliland Halka ay Joogaana iswaydiin mayno
maanta.Riyaale wuxuu diiday oo ka soo hor jeestay Talooyin iyo
Toosintii Dadka Somalilander ah ama dadkii u damqanaya Dalkan.
Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay, waana gudayaaye
Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye.
Xaajadu markay gobo'da iyo , gawda culus joogto
Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye
Gadaashiisa uun baa durbaan, laga garaacaaye
Labadiisa geesood ma jiro , ruux ku gelayaaye
Arrin lalama guulee warkuu , gura yidhaahdaqye
Dadka wuxu u gacan haadiyaa, qof iyo gaarkiise.
Gendi iyo dhukaan buu qabaa, cudurro guumeede
Gogol wuu ku shaashoonayaa, loo gudboonyahaye
Sida goray fallaagoobey buu, Gooni joogyahay.
Tuducyadani waxay ka mid ahaayeen Maansadii
Gud Gude ee Hadraawi)
Waxaa Dadka Somalilanderka ahi is waydiinayaan maxay ku kala duwan
yihiin ama miyey ina kala xigaan Ismaaciil Cumar Geelle Iyo Sheekh
Shariif Maadaama ay labaduba Yihiin kuwo kasoo horjeeda qaranimada
JSL oo Sheekh Shariif na leeyahay madaxwaynaha wixii laysku odhan
jiray Somalia Waa aniga, Ina Cumar Geellena Sidaa Ku Raacsan
yahay.Labadaa Nin Waxay Isku Raacsan Yihiin Ama Kuwada Socdaan Waa
In Aanay Somaliland Noqon QARAN Shaqeeya ama caalamka ka Mida.
Maxaa Dowlada Sheekh Shariif Qofka Somalilanderka ah ee U Taga Loogu
Shaabadaynayaa In Uu Yahay Danbiile Qaran Riyaale Oo Dhaxalkii
Somaliland iyo Hantidii Ummada U Gacan Gelyey Cadowna Muwaadinka
Dhigay?
Hadiibase aynu maanta Boorame Hargeysa Gabilay intaba uga heesayno
ninkii aduunyada ugu necbaa Jamuuriyada Somaliland, Goorma ayaynu
Sheekh shariifna u Heeesaynaa ama xaflad u qabanaynaa? illeen waa
isku mide!.
Maxaynu Sheekh Shariif iyo Somalia na Kula Colownay Ismaaciil Cumar
Geeellena Ku Jeclaanay?!
Cali Kayse Kabadhe
Netherlands
Calikayse@live.com
|