Jabuuti oo la wareegaysa badi Xoolihii ka dhoofi jiray Somaliland,
Kililka Sh anaa d iyo meelo kale.Dekedda ay u diyaarsatay iyo halista
dhaqaale ee Somaliland ku waajahan
Dekedda Dooraale
Hargeysa (TNN) :- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa shaacisay
war-bixin dheer oo ay kaga hadashay qorshe ay iyada iyo
Jamhuuriyadda Jabuuti isla meel dhigeen oo ku aaddan sidii Xoolaha
Waddanka Itoobiya gabi ahaanba looga dhoofin lahaa qayb cusub oo
dhoofka xoolaha laga furay Dekedda Dooraale
ee dalka Jabuuti , tod dobaadkan, qorshahaasi oo halis weyn oo dhaqaale ku noqon kara
Somaliland.
War-bixin habeen hore lagu baahiyay Mareegta wasaaradda Arrimaha
Dibadda Itoobiya ayaa lagu faahfaahiyay qorshaha Itoobiya iyo
Jamhuuriyadda Jabuuti ee la xidhiidha dhoofinta xoolaha Geeska
Afrika ee Dekedda Doora ale gaar ahaan qayb cusub oo Dekeddaasi lagu
soo kordhiyay oo gaar u noqon doonta dhoofinta xoolaha oo
xafl addeeda xadhig-ka-jaristu qabsoontay dorraad Sabtidii.
Wasiirka Beeraha Waddanka Itoobiya Mudane Cumar Xuseen oo Itoobiya u
matalayay xafladda xadhig ka jarista Teerminaalka cusub ee xoolaha
laga dhoofin doono Ee Dekedda Dooraale ayaa sheegay faa’iidada weyn
ee ay de kedda cusub ee Dooraale “Multi-Purpose
Port” u yeelan doonto
dalkiisa gaar ahaan xoojinta dhoofka xoolaha Ito obiya.
Wasiirka Gaadiidka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Muuse Maxamed Axmed
yaa isaguna waxa uu sheegay Inkas too ay itoobiya leedahay mid ka mid
ah xoolaha ugu badan qaarada africa ee leh noocyo kala duwan oo
qiimo ba dan haddana wakhtigan iyaga iyo Itoobiya ay isku garabsan
doonaan sidii ay xoolahaa ugu dhoofin lahayd dala lka Dunida taasi oo
qiimo dhaqaale oo sare labada waddanba u yeelan doonta.
Saraakiisha Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay xuseen in ay diyaariyeen
deegaan ku habboon dhoofinta, baadhitaa nka caafimaad, ilaalinta bed-qabka
xoolaha iyo wax kasta oo tashiilaad ah oo lagama maarmaan u ah
dhoofinta xoolahan arrintaasi oo waftiga Itoobiyaanka ahaa ee
xafladdaasi ka qayb galay ay si weyn usoo dhaweeyeen.
War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya waxa kale oo
uu intaasi ku daray in Jabuuti ku amm aanan tahay horumarinta ay ku
samaysay teerminaalka dhoofka xoolaha ee Dekedda Dooraale oo ay ku
tilmaam een mid wakhtigan awooddeedu sarrayso farsamo ahaan iyo qalab
ahaanba taasi oo dhiirri galinaysa in sannad walba Itoobiya Dekeddan
ka dhoofsato Malaayiin neef oo xoolo ah. “Labada dhinacba waxay
qaddariyeen horum arka illaa hadda la sameynayo waxayna ku baaqeen in
loo baahan yahay in la sii xoojiyo dadaallada iyo waliba gu ddiyada
isku dhafan ee labada waddan ee arrintan la xidhiidha oo maalin
wakhti badan shaqayn doona”. Ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Tallaabada haddaba Jabuuti ku dhisanayso Teerminaalkan xoolaha u
gaarka ah iyo go’aanka Itoobiya ku doonay so in ay xoolaheeda kaga
dhoofiso dekeddaasi ayaa halis weyn oo dhaqaale ku noqon kara
Somaliland oo ay Dek eddeeda Berbera sannad walba maraan lagana
dhoofiyo Xoolaha ka kala yimaadda Somaliland,
Itoobiya iyo Soo maaliya.
Isku soo wada duuboo Inkasta oo khubarada dhaqaalaha gaar ahaan
ganacsiga u dhuun daloolaa sheegaan in x oolaha laga dhoofiyo dekedda
Berbera 60% yihiin xoolaha innooga yimaadda dalka
Itoobiya gaar
ahaan Deegaan ka Somaliland ayaa haddii ay Itoobiya si rasmi ah u
go’aansato in dhammaanba xoolaheedu ka dhoofaan Dekedda Jabuuti, waxa
xaqiiqo ah in ay tallaabadaasi wiiqi doonto dhoofkii xoolaha ee
dekedda Berbara waana tallaabo u baahan in xukuumadda Somaliland ka
tabaabulshaysato.
|