Jabuuti: Bugcad Aan Buuq U Baahnayn

 


 

Waxa maskaxda qof waloo reer jabuuti ah ku xardhan xusuusta ilayskii horumarka ee bidhaanta  iftiinkii su u bilaabantay wakhtigii uu hoggaaanka dalka sida buuxda gacanta ugu dhigay madaxwaynaha hada ka taliya dalka jabuuti mudane ismaaciil cumar geelle. kaasoo la odhan karo waa midka ay dheeryihiin in badan oo ka mid ah ragga ka arrimiya gobolkan geeska afrika ee ay ragaadisay colaadaha iyo dhaaqale xumadu. Haddaba marka ay falanqaynayaan khuburada ku xeel dheer odoraska madaxda ka talisa Afrika waxa ay ku tilmaamaan dalka jabuuti in uu yahay dal ka duwan inta kale ee Afrika, taasoo ay sababta  k oowaad tahay hogaanka dalkaas oo noqday mid si fiican uguta hawlihii loo doortay kuna shaqeeya  firfir cooni iyo foojignaan ku salaysan hab wadaniyeed oo rasmi ah kaas oo aad marwalba arkayso sida uu  ug u tafa xaydanyahay danta guud ee shacbigiisa. Maaha hogaamiye aan filayo in maanta dadka reer  jabu uti ay dhayalsan karaan in uu talada dalka u sii hayo, waayo, shacbiga reer jabuuti waxa ay qiimayn mug leh ay ku samaynayaan horumarka balaadhan ee ay guud ahaan ku sugantahay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Haddii ay tahay xag dhaqaale, xag caafimaad, xag waxbarasho iyo waliba xag siyaasadeed. Intaasoo  dh ami maaha mid ay haystaan in badan oo ka mid ah wadamada ay jaarka yihiin, dabcan wakhtigan oo aad arkayso in ay wadamo badan ka socdaan kacdoono shacbi oo hawada maraya ayay dhagaha dadka ku soo dhacayaan hadalo aad looga naxo, oo ka soo baxa maskaxo aan caafimaad qabin ku waa soo  sheeg ta halyeeyo mucaarid ah in ay yihiin, iyagoo odhanaya isbadalada socda reer jabuuti haka qayb  qaata an. Laakiin waa garaad gaaban oo aan si fayaw u fikirin.

Hadaba jabuuti waa bugcad aan buuq u baahnayn oo haysata hoggaan toosan oo kasbaday shucuurta shacbiga ku nool dalkaasi, mana filayo in ay dadka reer jabuuti dheg jalaq u siin doonaan hurinta ka  fall aagawday ee neceb horumarkan ay haystaan reer jabuti, kuwaasoo laga tilmaan qaadan karo sida  inan ka ina boore la yidhaa, ee ka kufriyay gacantii soo gaadhsiisay halka uu maanta ku suganyahay balse maanta uu yahay ka soo hadoodilaya inay jabuuti noqoto liibiya oo kale mase suurta galayso oo dadka reer jabuti ayaa ah qaar u bislaaday danta dalkooda



 

 

 

 

 

Mawliid Axmed Aadan