Jabouti Maxaa Looga Xusi Waayey 18 May, illeen Aniguba Waatii Aanu Ina Cumar Geelle U Heesnaye ? !!!

 

Waxaan Salamayaaa Dhamanba Shacabka Somaliland Meelkasta Oo Ay Jooga an,Waxanan Ugu Hanbalyeynayaa Maalinta 18 MAY Ee La Soo Noqoshadii Somaliland .

Waxaan aad iyo aad ula yaabay in ay jiraan dad Somalilander ah oo aan aqoonba Cadowgooda iyo cidda ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland,

Laga soo bilaabo xiligii ururkii xaq u dirir ka ahaa ee SNM uu Dagaalkii Xaqa ah kula jiray Rajiimkii Siyaad Barre Dalka jabouti wuxuu ahaa cadowga ummada Somaliland, 1987 waxaad ogaydeen in Dalka jabouti uu Heshiisiiyey Ethiopia iyo Siyaad Bare taas macnaheedu ahaa in ururkii dhaqdhaaqa Wadaniga Somaliyeed SNM in laga soo saaro gudaha Dalka Ethiopia kadibna aanay helin meel ay gaboodka dhigtaan ama ay dagaal kaga soo qaadaan Rajiimkii Siyaad Bare iyo dowladiisii, Waxanay ahayd Hiiil cad oo jabouti ugu hiilaynayso Gaca nku dhiiglihii Siyaad Barre,Xiligaa jaboutii hadii ay wado dan ummuda Somaliy eed waxay heshiisiin lahayd SNM Iyo dowladii,laakiin may wadin wax dan u ah ummada Somaliyeed ee waxay ahayd uun nacaybka Dadkii degi jiray Goboladii waqooyi imikana ah Jamuuriyada Dimuquraadiga Somaliland.

1988 Markii Gobolada Waqooyi la ducaynayey Diyaaradii Hargaysa ka kacay say hadana ay dib u duqaynaysay shacabkii Reer Hargaysa ee ka qaxay duq ayntii Diyaaradiihii dowladii dhiigya cabada ahayd Dalka Jabouti wuxuu Same eyey in uu dadkii maatada ahaa ee ku soo qaxay ay dib ugu celiyaan meeshiii lagu laynayey, Taasi waxay ahayd cadaawada iyo nacaybka Soo jireenka ah ee Dalka Jabouti u qabaan Shacabka Somaliland.

Markii ururkii Xaq u dirirka ahaa ee SNM duruusta lama ilaawaanka ah u  dhig ay dowladii Siyaad Bare ee uu ku guulaystay in aynu Dowladnimadii 60kii lunt ay aynu Dhidibada u aasno Sidaana shacabkii Somaliland gacmaha isku  qabsa deen Burcona 1991- 18- MAY- lagaga dhawaaqay Somaliland in ay Xoriyadii ka luntay dib ula noqotay oo aanay Somaliya midnimo danbe la gelayn ,Dalka Jabouti inyar ka dib wuxuu soo abaabulay shirkii lagu caleemo saaray ninkii la odhan jiray Cali Mahdi Iyada oo Dalka Jabouti ujeedada ay ka lahaayeen  tah ay in la dhiso Dowlad Somaliyed oo Somalinad tan leh waanu ka Noqoday Midowgii aanu la galay Somaliyana Cadow ku noqota ficil ahaan iyo siyaasad ahaanba,Sida oo kale Dalka Jabouti intaa Somaliland Marna SNM ahayd marna Burco ku shiraysay Waxay Jabouti ka shaqaynaysay halgankii in uu bur buro oo aanu midho dhal noqon shirkii burcona in lagu kala yaaco oo aan waxba ka so bixin.

Markii hadana ay Shaqayn Wayday Dowladii Cali Mahdi ee Caydiid ku kacay ee sheekadii Cali Mahd Qabiil Qabiil isu Rogtay Mudo dheerna laga soo wareegay Somalilandna wax u kordha mooyaane aan waxba ka xumaan hadana Jabouti waxay soo abaabushay Koox kale oo uu hogaaminayo Cabdi qasab oo ah nin ka imika meelahaa ka yidhaaha waa nala xansuuqay oo Ethiopia iyo Cabdila ahi Yusuf ayaa na laayey, Sidoo kalena ah Wasiirkii Arimaha Gudaha ee xiligii 60ka qof ee Somaliland u dhashay Xeebta Jasiira lagu laayey ee aan mar keli ya juuq iyo jaaq midna odhan, Jabouti hadana Mr Cabdi Qasab ayay Cumaa mad u xidhay oo tidhi madaxwayne ayaad tahay Jabouti intaa waxay doonay saa maha somalinimo ee wax keliya ee ka maqan waa in ay hesho cadow Som aliland yeellato.!

Cadaawadii iyo Nacaybkii Jabouti ee soo jiraanka ahaa illaa xiligiii halgankii  SNM weli waa socdaa waxaana u danbeeyey sanadkan bilowdiigiisii markii ay hadana koofiyad u xidheen sheekh shariif oo markii hore flim ka wadaadnimo ku metelayey imikana aan arkayey isaga oo HEESAYA OO leh ii garaaca soom aliyeey Toosooo isku tiirsada intii aanu xilka qabana lahaa Ciyaaraha in la daa wadaa waa xaaraan film mada in la gallaa waa xaaran, imikan aad arkaysan in uu xitaa Koofiyadii sii tuurayo, Waxa keliya ee ay saaxiib ku noqdeen ama hes hiis kuwada yihiin Sheekh Shariif iyo Jabouti waa Cadaawada Somaliland, Had aba Waxaa iswaydiin mudan intii Somaliland jirtay Sidee ayaynu u arkayney cadaawada minjo xaabinta Jabouti ku hayso Somaliland?

Ninka Neceb Sinantiina
Adna Diid Sarayntiisa
Sedka Waa Wadaagtaane
Ma sagaashanbaa Tiisu


Waxaa jiray Xiligii uu madaxwaynaha ahaa alle naxariistii jana haka waraabi yee Maxamed xaaji Ibraahin Cigaal in uu Debada u dhoofay kadibna isaga oo debada ku maqan Jabouti Dorasho ka dhacday kadibna Dictator Ismaaciil Cumar Gelle lagu doortay, Waxaana madaxwayne ku xigeenka ahaa markaa Somaliland Ina Riyaale BBCDA laanta afka Somaliga ayuu Riyaale ka hadlay wuxuuna yidhi waanu hanbalyaynaynaa ina Geelle, Taasi waxay ahayd ama dadka Somalilanderka u muujinaysay in Riyaale yahay nin aad u jecel Dowlada Ciisaha iyo ina Geelle waxa kale oo ay muujinaysay in aanu aqoonba Cadowga Somaliland iyo saaxiibka Somaliland.Alle ha u naxariistee Cigaal ayaa soo noqd ay waxaanu yidhi isaga ayay ku kooban tahay hanbalayada uu u diray ina geelle.

Jacaylkii ina Riyaale u qabay Jabouti wuxuu laba laxaadsaday Markii uu madax wayne ka noqday Somaliland oo Run ahaantii aanu garanaynba Meesha ay ka timi iyo sida ay ku timi Somaliland iyo cida u cadowga ah, Lama Soo koobi karo Xubiga uu Ina Riyaale u hayo Jabouti iyo NACAYBA ka Jabouti u hayso Somaliland bal aan soo qaadano labadan Sano ee ugu danbeeyey.

1- Dowlada Ereteria iyo Jabouti ayaa dagaal dhexmaray waxaa Riyaale oo aad moodo in Geelle yidhi hadal oo Ereteria Eedee wuxuu yidhi DAGAALKA GARDARADA AH EE ERETERIA WADO WAANU KA SOO HOR JEEDNAA HIIL IYO BOOBANA WAANU LA GARAB TAAGANAHAY JABOUTI
Riyaale ma og tahay in cadowgaaga cadowgiiso in uu saaxiibkaa yahay? maya ma ogid sababtu waxay tahay Dowlada Ciisaha iyo ina geelle ayaad jecehashay.

2-Iyada oo Hooyadii Dhashay Mujaahid MAXAMED XAASHI DIIRIYE (LIXLE ) aad aragteen nolosha ay kunooshahay cida iyo ciir siga u maqanina tahay Somaliland,Cashuurtii ka soo baxday Dalkii inankeedu u dhintay waxaad og tihiin in INA Riyaale 2000 oo neef oo adhi ah Jabouti u siiyey taasina waa JACAYLKA Riyaale u qabo.

3-Dekedii Geeska Africa ugu waynayd ee Berbera waxaad og tihiin in Riyaale Jabouti u wereejiyey oo imika aan kiish ka soo degin Dekadii Berbera sababtu waxay tahay Madaxawayne Riyaale Horumarka Somaliland Wuxuu ka Jecel yahay Horumarka Jabouti.

4-Imika Waxaynu maraynaa in la yidhaaho waxaynu u heesaynaa Ismaaciil Cumar Geelle oo Dakhligiii Somaliland loo isticimaalo in aynu Cadowgeena xaflado ugu qabano sidii tii Hutel maansoor iyo tii kale ee Boorame oo labaduba Dowlada SOMALILAND Lacagta lagu maamulayey Bixisay.!

5-waxaad ogaydeen Markii Riyaale Adhiga ugu deeqay Jabouti Dhowr casho Kadib in Aadan Mirre Waqaf oo Ah Gudoomiye Kuxigeenka Kowaad Ee Xusbiga UCID oo ku safrayey Passport Somaliland laga soo celiyey oo la yidhi Ku gelimaysid Dalkagayaga.

6-18 MAY ka waa maalintii ay Somaliland cagaheeda isku taagtay waana maa in ku qaaliya shacabka Somaliland sida oo kalena laga xuso dunida oo dhan me el kasta oo Qof Somalilander ahi joogo ama cid taageertaa Joogto Jabouti oo Adhigeenii iyo Dekediiniiba Isku darsatay 18 sanodood oo Somaliland jirtay lagama xusin xitaa dadka Somalilanderka ah ee degan Jabouti looma Ogolla in ay xusaan xuska maalintaa.

Ugu danbeyntii Shacabkba Somaliland waxaan waydiin lahaa madax waynahe ena Riyaale , Somaliland Iyo Jabouti kee buu jecel yahay Tolow ?

Riyaalena Waxaan odhan lahaa Jaboutina Jeclaanmaysid Somalilandna Madaxwayne ka aahaanmayside labadaa Soo Kala Dooro ?

 

 

Cali Kayse Kabadhe
Calikayse@live.com
Netherlands Amsterdam