Jaamacadda Gabiley Ma Jaamacad Daw lad eed baa mise Waa mid Gaar ay u leeyihiin Dadwaynaha Gobolka Gabiley?

Gabiley waxay Gobolnimadu ku soo kordhisay Guulwadayaal Waawayn oo doonaya inay Ilaa jaamacadaha lacagta lagu Dhisayo Dadkeedu  bi xiyeen ugu Shaqeeya Xisbi gaar ah, Cid gaar ahna ku raali galiya,...

Tan iyo maalintii aan ku arkay jaraa,idka in jaamacad Gabiley laga furi doono oo ahadyd muddo laba sanno ah ka hor ayaan u hanqal  taaga yay in jaamacadaasi furitaankeedu uu ka wanaagsanaan doono  dham aan jaamacadihii ka horeeyay oo dhan. Maadaama wakhtigani la helayo arday intii ka badan oo dugsiyada sare kasoo baxaysa, jaamacaduna ay ka duwanaan doonto kuwii hore maadaama oo ay jirto baahi  aasaa siya oo loo qabo helida jaamacadaasi.

Kadib wakhtigii lagu dhawaaqay gobolka Gabiley ayaa ilaa iyo hadda  la ga joogaa mudo ku dhaw sanad iyo badh, intaas oo dhanna waxyaabo waawayn oo gobolku kusoo kordhay ma arko iyo wax ay kaga duwan yihiin maamulka Gobolku wakhtigii ay Degmada ahayd, waayo  barnaa mijyada ay ku faanaan inay iyagu keeneen dhamaantood way socdeen markii ay qabteen Hogaanka Gobolka iyo Dagmadaba.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanku
waxaa uu maalinkasta TVyada ka  she egaa inuu dhisay wadada 1ka KM ah ee dhex marta magaalo madaxda Gobolka Gabiley, taasina cidkastaa waa ka markhaati oo maalintii La  je exay Waxaa Horseed ka ahaa oo Xadhiga ka jaray bilawgeeda  Maay arkii Hore ee Gabiley Mudane Xuseen Jameeco,Ceelasha biyaha laba  s anno ka hor ayay UNICEF balan qaaday inay Gabiley u samayn doonto  Ceelal biyo ah.

Maamulka Golaha Deegaanka oo uu Xuseen Jameeco haysto ayaana maalinta kula kulmay iyagoo shir kula jira gabadh la taliye u ahayd  ha ayada UNICEF oo ka tallo bixinaysay mashruuca biyo qodista ee la siiyay Gabiley. Markaas taariikhdu way qoran tahay qofna kuma faani karo wax aanu qaban, hadii uu sheegto oo uu ku faanona aakhirka iyadaa runta tagi, somalidu waxay tidhaahdaa nin qudcur farta taagay ayaa la arkayee, maxaad u malayn shakhsi sameeyay barnaamij dhan oo  horu marineed.

Arinta jaamacada waxaan wargayska jamhuuriya ka akhriyay mudo ka badan laba sano ka hor iyadoo lagu baahiyay in Gabiley jaamacad loo furi doono, waliba Magaca Jaamacadaasi loo Bixiyayna laga dhigay TIMACADE UNIVERSITY.

Maamulka Gobolka qofkasta oo Hogaanka qabtaa meesha ay taagan  yi hiin barnaamijyada horumarintu ayuunbuu kasii bilaabaa ee intuu kuwii hore laalo kuwo cusub ma bilaabo, laakiin ma haboona in taariikhda  sha khsiga kaa horeeyay la aaso oo la sheeto waxaanad ku keenin  kartid aada, aqoontaada iyo waayo aragnimadaada.

Waxaan filayay in jaamacada Gabiley furitaankeedu noqon doono mid laga wada tashado, oo runtii talada ugu badan la siiyo dadka baahida jaamacadu tooska u saamaynayso, laakiin taasi may dhicin oo ardayna lagalama tashan, macalimiinta kale ee hormuudka ka ah, jaamacadaha hore usii jirayna lagalama tashan, ee waxaa si toosa uga wada  tasha da Maamulka Gobolka oo aad moodo inay Yihiinba Maamulkii  Jaamaca dda, Waxaanay ahayd Sida Sharciga ah in la sameeyo Gudidii  Jaamaca dada (Council )oo iyagu Dajin lahaa Barnaamijka Jaamacada iyo Qaabka lagu bilaabayo Waxbarashada, Maamulka Gobolka waxaa Soo  magaaca ba Madaxwaynaha, Laakiinse yaa soo magacaabaya Maamulka Jaamac ada? Ma madaxwaynaha ayaa laga Sugayaa? Ma Badhasaabka ayaa Kaligii Magacaabaya? Yaa jaangoon kara Baahida iyo Rabitaanka  Arda ydu qaabka ay udoonayaan Jaamacada lagu bilaabo?.

Sida aynu La wada socono Dugsiyada Waxbarasho ee ay Dawladu  Gac anta ku haysaa waa kuwa ugu liita Somaliland Dhinaca Aqoonta, Hadi iba Jaamacada Gabiley Noqoto mid ay Dawladu gacanta ku hayso  wax aa khasaaraha ugu badani Taabanayaa waa Ardayda reer Gabiley, Ci da masuuliyadeeda qaadaysaana Waa Dadka maanta Gacanta ku haya  Hi rgalinta jaamacada, Xumaanteed iyo Xurmadeedaba iyaga ayaa  ye e lan doona, Balse waxa ay Dad badani iswaydiinayaa Waa kuma   Gudo omiyaha Jaamacaddu waa ayo Guddida Sarre ee Jaamacada Gabiley?, Dad badan ayaa aamainsan Badhasaabka Gabiley Maxamed Axmed Aw  Cab di (Xabiib) yahay Gudoomiyaha Jaamacada, Gudida uu  Samaystay na ay ka mid yihiin Maayarka Gabiley, Xubnaha Muxaafidka ah ee  Gola ha  Deegaanka, Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga udub ee Gobolka Gabiley, iyo Xubno uu Si gaar ah usoo magaacay oo reer Sweden ah oo ay  wa da Deganaayeen Qurbaha..

Jaamacada Gabiley waxay noqotay jaamacad siyaasiya oo Taladeeda lasiiyay Xisbi Gaar ah oo wakhtigiisii Dhamaaday, Wax kasta oo La  bila abayaana kama maarmo talo iyo Tusaale Dhinac kasta oo Saamayn ku leh, Gacana ka gaysan kara., Maanta jaamacada Gabiley waxaa  mudn ayd in lagala Tashaddo, Waalidiinta, Ardayda, Aqoonyanka iyo  Gana csatadaba. Waxaa Nasiib darro ah in Wakhtigii Xidhitaanka  jaamacad aha kale lagu beego furitaanka jaamacada Gabiley iyada oo Siyaasad kale meesha ku jirto, Musuqmaasuq Dhaqaale oo la qarinayaana  mees ha ku jiro, si ay taasi u socon waydo ayaa loogu beegay wakhtigan ardaydii jaamacadaha kale aaday.

Qofka Hogaanka umada qaadaa waa inuu tayadeeda aqooneed iyo  ka rtiyeedba lahaado, dadka ku xeeran ee la talinayaana ay noqdaan dad waxa uu qabanayo dan guudi ugu jirto oo ka fikiraya danta guud ee  umada, laakiin hadii hogaanka umada ay ku xeermaan shakhsiyaad gaara ah iyo af-miishaaro danno gaar ahaaneed ka fushanaya waa ku fashilmayaa Hogaamintiisa horumarna kama Gaadho.

Gabiley waxay Gobolnimadu ku soo kordhisay Guulwadayaal Waawayn oo doonaya inay Ilaa jaamacadaha lacagta lagu Dhisayo Dadkeedu  bix iyeen ugu Shaqeeya Xisbi gaar ah, Cid gaar ahna ku raali galiya, waana wax aan hore loogu Arag Guud ahaan Gobolka gabiley ka hor intii  Maa mulkan Cusub loo Soo magaacabay.

Guntii iyo Gabogabadii waxaan Tollo usoo jeedin lahaa Dadka Reer  Som aliland gaar ahaana inta Gobolka ka soo jeeda Guddo iyo Dibadba in Loo gurmado Jaamacadda Gabiley, Seesku hadii uu Qaloocdo Sii jiri mayso Jaamacada Gabiley, halaga wada hawl galo, Tallo ha isugu yimaadaan Dhamaan Cidkasta oo lexejeclo ka hayso Hawlaha horumarka ee  Gabil ey, Siyaasadu Dhabar jab ayay ku tahay Horumarka Arimaha Bulshada Gabiley, Siyaasiguna Dantiisa ayuu ka horumariyaa Danta Guud, illaa hay waxaan ka Rajaynaynaa Hogaan toosan oo aan Cid gaar ahi ku Adeegan.
 


Allaa mahad leh

 


Ifrah Abdullahi

Minnesota/USA