JAAMACADAHA HARGAYSA & GOLIS OO DEEQ KALA DUWAN KA HELAY DAWLADA TURKIGA.

 



Hargeysa (TNN)-Waxa shalay xarunta Jaamacada Hargaysa lagu qabtay munaasabad ay qal ab ku gudoomay een jaaamacada Hargaysa iyo Golis.

Munaasabadaasi oo ay labada Jaamacadood dawlada Turkiga kagala wareegeen 80 compute r iyo 14 printerada wax lagu daabaco ah.

Waxaa sidoo kale dawlada Turkigu ay deeqo waxbarasho oo dhan 14 afar iyo toban arday siisay Jaamacadda Hargaysa iyo Golis.

Gudoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Dr. Abdi H. Gass oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay

“Anigoo ku hadlaya magaca jaamacadda Hargaysa, kan ardayda, macalimiinta iyo shaqalaha Jaamacadda waxaan mahad naq balaaran halkan uga soo jeedinayaa dawlada walaalaha aanu nahay ee Turkiga deeqda ay na soo gaadhsiisay ee isugu jirta Computerada, printerada iyo deeqaha waxbarashaba”.

Gudoomiyaha Jaamacadda Hargaysa wuxuu intaasi ku daray “Deeqahani waxay kor u qaadin doonaan adeegyada waxbarasho ee aanu u hayno ardaydayada iyo bulshada Somaliland ba, mar labaad waxaan mahad u naqayaa dawlada Turkiga iyo dalada Jaamacadaha kulmisa ee SOMALIREN”.

Waxaa sidoo kale isna madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Gollis Dr. Said Abdi Hassan “Anigoo ku hadlaya magaca bahda Jaamacadda Gollis waxan si weyn ugu faraxsanahay deeqdan balaaran ee aanu ka helnay dalka Turkiga ee ah qalabkan ICT-ga ah ee deeqaha waxbarasho, dawlada Turkiga mahadnaq iyo amaan baan u gudbinaynaa, waxaanan rajaynayna in ay deeqahani sii socon doonaan”

Dr Said Gudoomiyaha Jaamacada Gollis wuxuu intaasi ku daray “Waa hubaal deeqdan aanu ka helnay dawlada Turkigu in ay kor u qaadi doonto adeegyada waxbarasho ee aanu bulshada u hayno”.

Munaasabadaasi lagula kala wareegayay deeqahaasi waxaa isna ka soo qayb galay Gudoomiyaha Gudida Tacliinta sare ee qaranka Professor Hussein Hassan Guleid.

Professor Hussein oo madashasi isna hadal ka jeediyay ayaa wuxuu ku bilaabay “Anigoo ku hadlaya magaca wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Zamzam Abdi Adam iyo kan gudida qaranka ee tacliinta sare waxan u mahad naqayaa dawlada Turkiga deeqahan ay soo gaadhsiiyeen Jaamacadaha Somaliland”. Prof. Hussein wuxuu intaasi ku daray “Deeqdani waa mid muhiimad gaar ah noo leh oo muujinaysa walaaltinimada dawlada Turkiga waxay xoojinaysa xidhiidhadii qotada dheeraa ee aanu dawlada Turkiga la lahayn, waxaanan rajaynaynaa in ay deeqahani sii socon doonaan” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Prof. Hussein.