Jaamacada
Timacadde oo Madal Xiiso Badan U Golleysey Aqoonyahan Jamaal Ali
Xuseen iyo Ban-Dhigga Buuga Diiwaanka Qosolka Qaybtiisii Labaad.
“Gobolkan Gabiley waa Meel Ardayda wax ka barataa ay aad u tiro
badan yihiin…” Jamal Ali Hussein.
Gabiley(TNN):- Maamulka iyo Macalimiinta jaamacada Timacadde oo uu
hor kacayo Khaalid Ma xamed Ismaaciil ayaa habeenkii xalay ahaa
madal xiiso badan kusoo casuumay aqoonyahan
Jamaal Cali Xuseen oo khudbad dhinacyo badan iskugu jirta ka
jeediyay iyadoo qaar ka mid ah ardayda jaamacaduna kusoo bandhigeen
buuga diiwaanka qosolka qaybtiisii labaad.
Munaasibadaasi oo lagu qabtay barxada jaamacada Timacadde ayaa waxaa
ku wehelinayay Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen Raxan ka tirsan
Golihii Wasiirada ee Xukuumadii UDUB oo ay ka mid ahaayeen
Wasiiraddii hore ee Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, Wasiirkii hore ee
Xannaana da Xoolaha Dr. Idiris, iyo Wasiir ku-xigeenkii Arrimaha
Dibadda Axmed Xaashi, Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex ee
Xukuumadii Daahir Rayaale, ardayda jaamacada Timacadd e, ardayda
dugsiyada sarsare ee Gabiley iyo marti sharaf kale oo aad u tiro
badnayd.
Munaasibadaasi ay jaamacada Timacadde sida gaarka ugusoo casuuntay
aqoonyahan Jama al Cali Xuseen ayaa lagasoo jeediyay Maddadaalooyin
iyo Sheekooyinka Qosolka ah ee uu qo ray Qoraagani oo Dadkii halkaa
ka soo qayb-galay ay qosol dartii Kalyuhu barareen Iyo Suug aan lagu
dar-dar galinayo Aqoonta, taasi oo aanay ka madhnayn Maansooyin
Jacayl ah oo ay soo jeediyeen Suugaan yahaniinta Da’yarta ah ee ay
ka mid ahaa Abwaan Mukhtaar Xus een Yay iyo Abwaan C/raxmaan Maxamed
Macalin (Baas) oo ku sugnaa Halkaa.
Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen, oo ah Musharrixii Xisbiga Udub ee
dhawaan loo doortay oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa ku
dheeraaday Muhiimada ay leedahay Aqoontu iyo sida ay lagama
maarmaanka u tahay in loo guntadu in Aqoonta la kobciyo, maadaama ay
ku xidh an tahay Horumarka Dalku, “Da’yarta waxaan ku guubaabinayaa
inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan oo ay Aqoonta ka midho dhaliyaan,
waana lagama maarmaan in yar iyo wayn Aqoo nta la ilaaliyo, sababta
oo ah waxa ku xidhan Horumarka Dalka, Dal kastana waxa horumar uu ku
gaadhaa kolba inta Aqoonyahankiisu leegyahay”. Ayuu yidhi Jamaal
Cali Xuseen.
Waxaanu ku daray Hadalkiisa:
“Gobolkan Gabiley waa Meel Ardayda wax ka barataa ay aad u tiro
badan yihiin, oo Sanad kasta waxa la ii sheegay in Dhawr-Boqol oo
Arday uga soo ba xaan Dugsiyada Sare ee Magaalada, Laakiin Waxaan
maqlay inta doonata ee Magaalooyinka kale u taga Jaamacaduhu in ay
mar kasta ka badan yihiin, oo inta Jaamacadan gashaa ka yar tahay.
Waxaan leeyahay u sabra Jaamacadan, maalin dhaw waxaad arki doontaan
iyada oo ay Kumanaan Arday iska rijistareynayso Jaamacada oo lakala
reebayo Ardayda. In kasta oo Jaamacadani ka nasiib badan tahay
Jaamacado badan oo Dalka laga furay oo Saddex sano gudahood ay ku
dhigtaan 260 Arday oo ay jiraan Jaamacado ilaa Shan sano aan Tirada
Ardaydoodu dhaafin Boqol”. Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu iskaga
sharraxay Xisbiga Udub oo uu ku sheegay inay tahay Xisbiga Udub oo
ah Xisbi hore u jiray oo Magac leh, isla markaana Guullo badan
keenay Dalka, waxaanu xusay in Khilaafka yare e u dhexeeya Gudahoodu
yaha y mid aanu waxba u arkin oo iska dhamaan doonta, isaga oo
arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi: “Sababta aan Xisbigan iskaga
dhex sharraxay waa Xisbi hore u jiray oo Magac leh, guullo badan oo
la taaban karana u soo hooyey Dalkan. Inkasta oo Khilaaf aan
badnayni na soo kala dhex galay, hadana anigu waxba uma arko oo
Raggaasi waa Wallaalahay waanay iska dhammaanaysaa intaa yare e na
soo kala dhex gashay”. Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Waxa kale oo Iyaguna halkaa ka hadlay Gudoomiye-ku-xigeenka
Jaamacadda Timacadde Dr C/laahi Cumar Cige, iyo Dhiinka Jaamacadda
Prof Xasan Aw Daahir Qallinle oo Iyaguna ka wa rbixiyey Aasaaskii
Jaamacadda Timacade iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, iy
o halka ay maanta marayso iyo Tirada Ardayda ee lagu bilaabay iyo
inta maanta dhigata iyo sida wacan ee ay u kobcayso, waxaanay
tilmaameen waxoogay Baahiyaad ah oo ka dhiman Jaamacadda oo ay ugu
sii muhiimsan tahay in ay helaan Hool wayn oo ay Jaamacaddu yee lato.
Jamaal Cali Xuseen ayay u ahayd habeenkii koowaad ee uu Gabiley
yimaado intii uu safarada ugu iman jiray dalka isagoo markasta
baabuur ku dhaafi jiray magaalada Gabiley, khudbado na kasoo jeedin
jiray jaamacadaha hareeraha ka xiga Gabiley.
Ahmed Biito.
Timacade News Desk
Gabiley Somaliland.
|