Jaamac Sweden oo haya dariiqii Ismaaciil yare ku soo jabay

 

Hadii Laagii lagu dhacay, dhaaxo aan ka digi jirey, dhabarkana rag kaga jabay.

Ummadda reer S/land iyo Riyaale waan isku daawanaayey beriyahan, waxaan beri hore idiin soo qorey meelaha looga taliyo S/land iyo shaxda loo dejiyey majarahabaabinta ummaddan iyo godka lagu ridaayo iyadoo loo adeegsanaayo calooshood u shaqeysteyaal.

Aan idiin xasuusiyo ereyo ka mid ah qoraaladeydii dhowr sanadood ka hor sida kii :

Waxa Riyaale dhaxley dawlad dhisan, xisbiyo qaran, guddi diiwaangelineed, kommission shaqeynaaya oo cayimey waqtigii doorashada, waxaan idiin sii sheegey in aad arki doontaan dadkoo baadi doon uga jira dawlanimo, cadaalad, dimoqraadiyad, dhaqaale, horumar, doorashooyin. Dadkuna murank iyo iska horkeen ku mashquuley in laga dhaxlaayo Riyale. TII BAA SOCOTA.

Ismaaciilyarow inaadeer is dhowr, hadii kale waxa kuu xigta in lagu isticmaalo, lagu bahdilo oo lagu tuuro, tii way dhacdey oo isagoo tuug mushaharkii askarta dhacay lagu sheegey buu suuqa soo galay, waxa u xigtey in la yidhi kumabaan aqoonee kumaad ahayd? Xisbiga goormaad ka tirsaneyd? Inaadeerkay maanta uu ii soo noqdey, waanan soo dhoweyneyaa, waayo immikaa miyir qab ugu horeysa, bal ta u ku dhigo awriyaale hala ila sugo muddo yar, hadaad arki weydaan waxa ku hoos jira garbihiisa waaweyn, hadaa ilaawi weydaan waxbadan waxba ha i weydiinina.


Maantana waa Jaamac Sweden bal ila eega. Horta Jaamacna waa inaadeerkey, waa ninkii reer abtigii iyo fooxleyaashii u aaminsanaa soo dul dhoobey Awriyaale waqtigii u rabey in u kursiga Ismaaciilyare ka dhaxlo si loogu magacaabo wasiirka arrimaha gudaha, waa nin aaminsan fooxa, shalaadka, riyada iyo qaadka, waqtigaas wuxu laftigiisu ku qanciyey Riyaale in u yahay nin aan ka hor imman amarka madaxda, Riyaalena waxa u ku qancey markii hoos loogu sheegey in u ku caanbaxay nin dantiisa ka hormareya tuwalba, waqtigaas laga bilaabo Riyaale waxa u u calamadsadey ergeygiisa gaar ah ee kommissionka u magacaabi doono.

Intii u kommissionka xubinta ka ahaa waxa u fulinaayey amarada khilaafka dhexdooda, intii u gudoomiyaha noqdey waxa ka maqleyseen doorashadii waqtigeedii baa la qabaneyaa, waxa Riyaale si gaar ah loo kulmey habeenkii u dambeysey bisha feb 28 ee sabtida, waxa u Riyaale u sheegey in arrimo culus iyo cadaadis kaga soo kordheen Ingriiska loogana yeedhey, waxaanu farey in u ku dhawaaqo bisha may si ingiriiska u ugu qanciyo iyadoo balantoodii hore ahayd in u ku dhawaaqo bisha August in la qabanaayo, muranka ka dhashaana dhaawac u keeno S/land.

Jaamac waxaan leeyahay goobtani ma’aha wasaaradii aad dooneysey, waxa aad masuul ka tahay hay’ad madaxbanaan. Waar labadii arrimood ee odeyaasheenu kuula yimaadeen in aad yeesho ama ta Riyaale ku yidhi in aad yeesho iyamaa akhiradaada iyo dalkaaga anfacaaya. Waxa muuqata in wixii Riyaale kuu xushey aad ku talaabsaneyso, xasuuso waa tii lagu yidhi dadkani waa tashadey, bal adna waa inoo iyo waqti aan fogeyn. Dadka reer S/land waxaan leeyahay dhidarkuba xabaalaha u ma dhaadhaceenoo, kuma dhiirradeen ruux celin kara dhawaaqee, wuxu maydka dhiiliyo dhiif iyo sidaad tidhi
dhaqdhaqaaq ka waayuu hore ugu dhawaadaba.

Riyaale oo aad eridaan maanta rajo buuxda ayaa leedihiin, hadii kale waxaa idiin haysta ayunbaa idiinku sii habsan.

 

 

 

 

By: Amina Hagi Mohamoud Elmi