JAALLIYADDA SOMALILAND EE HOLLAND

 


Guddidii loo xilsaaray mideynta xafladda xuska maalinta qaranimada Somaliland 18 Ma y 2015 ee Waddanka Holland, waxay shir lagaga arrinsanayey MIDEYNTA XAFLADDAA u qabteen saddexda urur ee dhigi jiray xafladdaha Qaranka oo kala ah:

1. Ururka Nomand 2.Ururka Midnimo iyo 3. Ururka Sooh

Kulankan oo ka dhacay magaalada Rotterdam, waxaa ka soo qeyb galay oo goob joog ka ahaa haldoorka iyo odayaasha Jaalliyadda Netherland.

Waxaana shirkaa lagu heshiiyey oo si buuxda la iskugu raacay in saddexdaa kooxood ay si mideysan oo wada jir ah u qabtaan munaasabadda weyneynta maalinta 18 May 2015ka.

Sidaa awgeed waxa Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Holland loogu bushaareynayaa laguna wargelinayaa in sannadkan si mideysan oo farxad iyo reyn-reyn leh (insha Allaahu) loogu wada dammaashaadi doono xuska maalintaa qiimaha iyo qaddarinta mudan ee 18 May 2015ka.

Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan qabashada xafladdan waxaa soo daabici doona Guddida loo xilsaaray dabbaaldegga ee ka kooban saddexdaa ururu.

1. Guddoomiyaha Ururka Nomand Cabdiraxmaan Barre
2. Guddoomiyaha Ururka Midnimo Cabdirisaaq Maxamed (Qasaaye)
3. Guddoomiyaha Ururka Sooh Mubaarak Abshir

wa billaahi tawfiiq


Guddida Mideynta Xafladda 18 May 2015

1. Maxamed Cali-Dheer
2. Cali Xaruuri
3. Maxamed Yuusuf

Somaliland Guul