Jaalliyadda Somaliland ee dalka HOLAND oo taageeraya go’aankii lagu soo afjaray khilaafkii Muddo Kordhinta Xukuumadda Iyo G/Wakiilada

 


Haldoorka Jaalliyadda Somaliland ee waddanka HOLLAND waxay si buuxda u taageerayaan g o’a anka maxkamadda sare ee lagu soo afjaray khilaafkii Muddo kordhinta M/weynaha, M/we yne ku xigeen iyo Golaha Wakiilada.

Marka hore ilaahay baa mahad leh, marka xiga waxaannu mahad-naq u celinaynaa Maxkamad da Sare ee qaraarka ka gaadhay xallinta khilaafkan iyo Madaxweynaha J.S.L. oo door wacan ka qaatay kuna dadaalay inuu qanciyo mucaaridka, marka saddexaadna waxaannu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa saddexda Xisbi qaran oo iyaguna aqbalay go'aankaas.

Runtii way habboonayd in wax lagu xalliyo sidii dhaqankeenii soo jireenka ahaa ee Somaliland ay ku caano iyo nabadba maashay ee ahaa Wada-tashiga iyo isu-tanaasulka, balse iyana way wacan tahay kol haddii lagu kala baxay xeerka iyo Dastuurka Qaranka iyada oo aanay jirin cid shisheeya ah oo dibedda inaga soo faragelisay ee aynu dhexdeena arrimaheenii ku dhammeys annay.

Sidaa awgeed XALLINTA KHILAAFKA maantu waa GUUL kale oo u soo hoyatay Qaranimada So maliland oo ka mid ah waxyaalaha la inagu majeerto. Runtiina waa wax uu gacal ku farxo nac abna ka naxo.

BAAQ

Waxaannu Xukuumadda, golaha Wakiilada iyo Guddida doorashada ugu baaqaynaa in ay wixii ka qabyo ah doorashada (sida Shuruucda Saami qeybsi, tirakoobka madaniga ah iyo tirakoobka codbixinta iwm.) in ay ku dhammeeyaan inta ka horreeysa wakhtigaa la cayimay.
 


TALO

Waxannu soo jeedinaynaa kuna guubaabinaynaa dhammaan Golayaasha Qaranka, 3 xisbi qaran, Guddida Doorashada in laga gudbo oo casharna laga barto khilaafkan soo noqnoqonaya ee ku saabsan dibu dhaca doorashada iyo muddo kordhinta oo la heli xal waara oo lagaga baaqsado muran noocan oo kala ah.

1. Cali M. Adam (Cali Xaruuri)
2. Xasan Cadde (gud. Xis. Kulmiye)
3. Maxamed Cali Dheere
4. Xaji Cumar Hallaasi
5. Cabdillaahi Cawil
6. sh. Cali Nuur Yuusuf
7. Cumar Suldaan
8. Carab Maxamed Yey
9. Ibraahim Orodmoog
10. Ammiin Cali Xasan
11. Axmed Maxamed (Axmed Fanax)
12. Cismaan Xaaji Cali
13. Cabdilqaadir Cismaan
14. Cabdi Negeeye
15. Eng. Cabdillaahi Bootaan
16. Cismaan Ismaliig
17. Maxamuud Cabdalle



Somaliland Guul iyo Gobanimo
Wa billaahi Tawfiiq