Jaalliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Qatar Oo Cali Gaab Udooratay Sheekhul Soomaal

 

Xubnaha Jaaliyada wadanka Qatar ayaa Shir iskugu yimid Hoteelka Demonad Ka Dib Markii uu Geeriyoday Gudoomiyihii hore Ilaahay naxariistii janno haka waraabiye. Ayna Dhamatay Mudadii Sodanka cisho ee loogu talagalay Geerada Marxuumka.
Shirkan oo ay ka soo Qayb galeen dhamaan Xubnaha Jaaliyda oo ka koban Shan iyo labatan xubnood aaya si wada jira u doorteen Mudane Cali Maxamed Caskar (CaliGaab) in uu Noqdo Gudoomiyaha Jaaliyada Qatar ahna Sheekhi Soomal.

Halka gudoomiye xigeenka loo magacaabay Mudane Jaamac Cali Raabi.Mudane Maxamed Qodax Bare ayaa isna loo doortay xogxaynta Jaaliyada , Shirkan oo uu Goob joog ka Ahayd Safarada Soomalida .Safarada Soomaliyeed ee wadanka Qatar aya ah safaraadahi u horeyey ee laga furo wadanka Qatar iyada oo xidhiidh wanagsan ka dhaxeeyo Safarada iyo jaaliyada Qatar. Jaaliyada Soomaliyeed ee ku Dhaqan wadanka Qatar Ayaa Dhawaan si Wada Jira Usoo Dhaweyey Safiirka Cusub Ismaaciil Qaasim Naaji.

Hogankan Cusub ee Jaaliyada ayaa waxa ay mar walba ku howlanayeen sidii ay Sumcada Soomalida kor ugu Qaadi Lahayd iyada oo wadankan Qatar aad looga Jecel Yahay Soomalida . iyada oo jaaliyada Soomaliyeed ee wadankan ay ka dhaxayso xidhidh wacan siiba Marka Ay Dhibato soo Gasho Qof kasta oo ka tirsan Jaaliyada , Hadaba Xubanaha Jaaliyada Soomaliyeed Ee wadanka Qatar Waxay hambalyo U dirayaan Guudoomiyaha Cusub iyo Ku xigeenkisa iyo Xubnaha Cusub Ee Jaliyada waxaanay ilaahay uga baryayaan in uu u fududeeyo xilkaa loo magacaabay.

 

 



Hormoodnews.