Jaaliyadda
Sucuudiga oo Deeq soo Gaadhsiiyey Xarunta Dhimirka Sahan ee
Hargeysa
Jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Dahraan ee dalka Sucuudiga,
ayaa deeq raashinka daruuriga ah ugu deeqay xarunta daryeelka dadka
qaba xannuunka dhimirka SAHAN ee magaalada Hargeysa.
Deeqdan raashinka ah oo laga iibiyey lacag $2000 ah oo ay soo direen
rag ka tirsan jaaliyadda reer Somaliland ee degan magaalada Dahraan
ee Sucuudiga, waxay ka kooban tahay 45 gadbadood oo kala ah bariis,
daqiiq iyo sonkor, taas oo qayb ka ah taakulaynta xarunta daryeelka,
xannaanaynta iyo quudinta dadka qaba xannuunka dhimirka SAHAN, gaar
ahaan ragga oo ku taal xaafadda New Hargeysa ee caasimadda.
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah shalay xaruntaas ugu qabteen Sh.
Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo ka mid ah dadka sida weyn
u caawiya xaruntaas iyo Guddoomiyaha ururka SAHAN ee iyagu gacanta
ku haya xaruntan, ayaa waxay faahfaahin kaga bixiyeen deeqdan ka
timi jaaliyadda Dahraan, duruufaha ku gedaaman xaruntan iyo xaaladda
dadka lagu hayo.
Sh. Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro), ayaa sheegay in deeqdan
oo ahayd lacag ay soo direen jaaliyadda ragga Somaliland ee ku
dhaqan magaalada Dahraan ay daba socotay mid hore oo haweenka
magaaladaasi soo gaadhsiiyeen dadka ku jira xarunta SAHAN, isla
markaana ay iyagu raashin u soo geliyeen.
“Sidii aynu hore u tilmaanay waxa jiray inay xarunta dhimirka ee
SAHAN u soo direen dumarka degan magaalda Dahraan ee dalka Sucuudiga
dhar ay ugu talogaleen dadkooda qaban xannuunka dhimirka. Maantana
waxaynu u fadhinaa raashin laga iibiyey lacag dhan $2000 (laba kun
oo dollar) oo ay soo direen walaalaha jaaliyadda reer Dahraan, gaar
ahaan raggu oo aannu leenahay Ilaahay ha idinka abaalmariyo,
lacagtiinii raashin baa lagu iibiyey,” ayuu yidhi Sh. Aadan-siiro,
waxaannu intaa ku daray, “Labadan xarumood waxa ku nool dhawr iyo
sagaashan qof oo uu hayo xannuunka dhimirku oo ah dad jilicsan ahna
kuwo u baahan in loo gurmado. Annaguna waxaannu ku dadaalaynaa in
dadkaa wanaagsani wixii ay dadkooda ugu talogaleen in sidoodii loo
gaadhsiiyo. Dhibaatada hawshani waad arkaysaan oo burburkii iyo
halgankii dheeraa ee ummaddani soo gasha ayey raadadkiisii ka mid
tahay.”
Waxa uu Sh. Aadan-siiro ugu baaqay bulshoweynta reer Somaliland inay
gacan ka geystaan dadkooda xannuunsanaya ee ku jira xarumahan oo uu
tilmaamay inay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, isla markaana ay
yihiin kuwii sekadu ku baxaysay, weliba xilligan lagu jiro bisha
Ramadaan ee barkaysan.
“Waxaannu ugu baaqaynaa dadka kale ee wanaagsan waar waa bilihii
khayrka badnaa, waa waqtigii sekada, waa dadkii ay ku baxaysay ee
aynu dadkeena u gurmano. Dadkeenaa xannuunsanaya guryaha lagu hayo
dad baa leh, hadduu maanta u baahdo oo duruufi u keento gurigii inuu
helo ayuu u baahan yahay, markaa runtii dadkani gurmad degdeg ah
ayey u baahan yihiin, sidaa daraadeed qofkii dhul ku deeqayaa ha ku
deeqo, kii hanti ku deeqayaa ha siiyo, qofkii aqoon ku deeqayaa ha
ugu gargaaro. Magaalada Hargeysa aad bay u ballaadhatay,
xarumahanina waa mid ka mid ah dhinacyada magaalada oo aanay dadku
soo gaadhi karayn, markaa waxa loo baahan yahay in gurmad la galo oo
dadkan meelo koonayaasha magaalada ah loo sameeyo. Waxaan aad ugu
mahadnaqayaa bahda warbaahinta, waayo maalintii hablihii reer
Dahraan soo bixiyeen dharka ee warbaahintu baahisay ayey markii
raggiina arkeen waa kuwaa soo dadaalay, Yuusuf Aw Cali Cismaan oo ah
ninkii walaaladii lacagta ka soo ururiyey ee soo diray aad baanu ugu
mahadnaqaynaa, waxaannu leenahay halkaa ka sii wada wax ka weyn baa
la inaga sugayaaye,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Sh. Aadan
Siiro.
Guddoomiyaha ururka gacanta ku haya xarumaha dadka dhimirka qaba ee
SAHAN Mr. Bashiir Maxamed Jaamac oo isna halkaa ka hadlay, ayaa
faahfaahin ka bixiyey ujeeddada loo aasaasay xatuntan iyo hawlaha ay
u qabtaan dadka qaba xanuunnada maskaxda, “SAHAN waa urur
mutadawiciin ah oo gacanta ku haya xarunta daryeelka, xannaanaynta
iyo quurdinta dhimirka, waana in qofku fahmo in aanay goobtani ahayn
xarun cilaaj, balse tahay xarun daryeel o lagu hayo dadka qaba
xannuunka dhimirka. Dadka xannuunka dhimirka qaba haddii aad u
fiirsato way ku dayacan yihiin meel kasta, laakiin kuwa aannu hayno
maanta qaar baa yidhaa waar suuqa wax aannu cunaba kamaanu heli
jirine, waxaanna xarunta ku jira dad fara badan oo dhammaantood rag
ah wax dumar ahi kuma jiraan, waxaanay dhammaan dadkaasi helaan
daryeel buuxa oo ah mid caafimaad, cunto, nadaafadeed iyo mid guudba,
waxaas oo dhammaan ay ka helaan bulshada oo noloshoodu ku tiirsan
tahay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Mr. Bashiir waxa uu bulshoweynta reer Somaliland ugu baaqay
meelkasta oo ay joogto in qof waliba wixii uu awoodi karayo kaga
qaybqaato daryeelka dadka qaba xannuunka dhimirka eek u jira
xarumahan, isla markaana soo dhaweynayaan cid kasta oo gacan ka
geysanaysa barmaamujkaas.
Jamhuuriya Online
|