Jaaliyadda Somaliland ee Finland
Nokiatie 2-4,3krs
00510 Helsinki
tel. 3589753477
OGEYSIIS: Dabaaldegga 18 May 2014
Guddiga Jaaliyada Somaliland ee dalka Finland , waxa ay
ogeysiineysaa dadka reer Somaliland ee deggan wadankan Finland, In
munaasibaddii dabaaldegga Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland 18ka
May. La qaban doono isla maalinta 18 May 2014. oo ah Maalin axad ah.
Munaasibadda Sannadkan waxa inagala soo qaybgalaya wefti Heer qaran
ah, sidaa darteed waxaa lagu adkaynayaa dadka reer somaliland ee
Finland in la dhawro waqtiga-si aad ahna loo muujiyo qiimaha
maalintani u leedahay.
DABAALDEGGA WAXAA LAGU QABANAYANAA:
GOOBTII KAL HORE.
CINWAANKA: Arabianpolku 1A2,
MAGAALADA: 00560 HELSINKI
SAACADDA: 15:00-21:00 (saddexda galabnimo ilaa sagaalka habeenimo)
Munaasibadda waxaa lagu soo bandhigayaa banaamijyo kala duwan oo
loogu tala gal ay xuska maalinta qarannimada JSL kuwaasoo khuseeya
dhammaan bulshada qaybah e eda kala duwan.Munaasibadda waxa daba socda
qoraalo iyo fariimmo loo gudbin doono madaxda dalkeena labaad ee
Finland kuwaasoo lagu taageerayo Qaddiyadda Ummadda Somaliland.
F/G. Hore u soo qaado astaanta dalkaaga (Calan , Bilad ama Jeeniqaar),
iyo wixii kale ee astaan muujinaysa dalkaaga.
|