Jaaliyadda Norway ee ka soo jeeda gobolka Gabiley oo taageersan Baaqii nabadda  ee Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxamaan

 

Suldaanku isga oo gurigiisa ugu waramaya saxaafadda dhowaan waxa uu sheegay inay habboontahay in si dhakhso ah loo soo afjaro colaadda dhimashada iyo dhaawaca keentay ee ka dhacday Ceelbardale. Suldaanku waxa uu gudida dhexdhexaadinaysa ka codsaday inaanay dhayalsan arrinta oo ay si daacada arrinta u galaan una sheegaan ciddii qaldan qaladkeeda. Waxa kale oo Suldaan Ismaaciil sheegay in deegaankani uu kasoo doogay colaad hore oo aan markaa loobahnayn in la sameeyo wax colaad cusub kala dhex dhiga dadka walaalaha ah ee deegaanka wada dega.


Haddaba anaga oo ah jaaliyada Norway ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley waxanu aad u taageeraynaa baaqa Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan. Sida lawada ogsoonyahay colaadani muddo ayay soo jiitamaysay oo aanay guurtida iyo dawladuba waxba ka qaban. Waxaanu odhan karnaa dhayalsiga noocan oo kale ahi waxa uu khatar ku yahay nabad-ku-wada-noolaasha dadka walaalaha ah. Haddaan wax laga qaban markay colaadi unkamayso ma waxay fududdahay wax ka qabashadeedu markay dhimasho iyo dhaawacba keento?

Walaalayaal, jawaabtu waa maya. Muranka ka taagan waqooyiga gobolka Gabiley waa in la aqoonsadaa inuu u baahanyahay xalkamadambays ah oo loohelo.

Haddaba waxaanu Guurtida iyo Dawladaba kula talinaynaa inay kahortagaan dhibaatooyinka nabadda wax udhimaya ee aanay kadabategin markay dhacdo dhibaato. Kahortaga cudurka ayaa kawanaagsan daawayntiisa. Ogsoonaada dawadu hayday bukto cudurka madawayso. Sidaasoo kale haddii aann daacadnimo lagudhaqmin xal waaraa iman maayo.

Awdal iyo Gabiley waa laba gobol oo mataano ah dadka labada gobol wada degaana waa walaalo. Waxanu leenahay waar Ilaahay baa iskiinbaday oo tol iyo gacalba waad tihiin. Waxa markaa idinku haboon inaad nabad kuwada noolaataan. Odhaahda hadalada naxligu kujirana aad ka fogaataan wixii xalku kujirana aad aqbashaaan.

Waxa la gaadhay wakhtigii la soo afjari lahaa muranka dhexdiina yaal ee aad is aamin iyo nabad kuwada noolaan lahaydeen.

 


Allaa mahad leh
 


Jaaliyadda Reer Norway

Ahmed Abdullahi Obsiye