WAR-SAXAAFADEED

 

 

Guddida Aqoonsi Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland Ee Jaaliyadda Magaaladda Sheffield.

Jaaliyadda Somaliland ee Magaaladda Sheffield Waxay muddu dheer ku hawlanayd sidii wad danka Somaaliland Aqoonsi buuxa uga heli lahaa beesha caalamka, taas oo ah riyada ugu we yn ee ummaddu leedahay. Haddaba iyadoo taas laga duulaayo waxay Jaaliyada Magaaladda Sheffield sawir buuxa ka bixisay xaalada dhabta ee ka jirta dalka iyadoo ka bilowday gobolka ay deganyihiin si guud ahaan caalamka cadaadis loogu saaro qadiyadan, Jaaliyadu waxay so o bandhigtay wax yaabihii u qabsaday tan iyo muddadii ay rer Somaliland la soo noqdeen xo rriyadii ka luntay 1960, wakhtigaas oo ay Somaliland aqoonsi buuxa ka heshay 33 dawladoo d oo adduunka ah. 23 sanood oo ay Somaliland xor ahayd waxay dhisatay dawladnimo dham aystiran oo aanay cidina ka caawin, waxay qabsadeen doorashooyin xor iyo xalaal ah oo aa n ka dhicin badi waddamada Afrika, waxay la dagalameen budhcad badeeda halaaga baday adduunka, waxay la dagalameen xagjirnimada, waxayna ummadda rer Somaliland iyagoo is ku duuban dhisteen dhammaan shuridiihii dal madax banaan looga baahna. Si hadabaa taas loo xaqiiyo, Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda Sheffeild waxay ku guulaysatay in Golaha degaanka Magaaladda Sheffield oo kamid ah Gobolada ugu waa weyn waddanka Uk aqoonsi buuxa uu siin doono wadanka Somaliland, 2/4/2014 oo ay inaga xigaan maalmo koobani haddii alle idmo.

Maalintaas oo noqonaysa Arbacada soo socota, waxaa isu iman doona in kabadan 70 Xildhib aan oo golaha degaanada ah, ayna wehelin doonaan qaar kamid ah Xildhibaanada ugu cad cad Goalaha Baarlamaanka Uk, waxaana si aqlabiyad ah loogu codeyn doona inay Magaalad da Sheffield dal Madax banaan oo adduunka ka jira u aqoonsan tahay waddanka Somaliland, arrintaas oo ah markii koobaad ee bogcad dunida kamid ah ay ka dhacdo tan iyo 1960, in So malilan laga aqoonsado. Xubnaha firfircoon ee hawshan gadhwadeenka ka ahi waxay hore booqasho ugu tageen xarunta Baarlamaanka Yurub bishii Oktobar 2012, waxaana ay ku gu ulaysteen inay ka soo dhaadhiciyaan qaddiyada Somaliland, waxaa booqashadaas fudude ysay Linda McAvan MEP oo laga soo doorto Yorkshire iyo Humber.

Hawshan lagu Ictiraafayo Soomaliland bishan April 2-deeda waxaa gacan buuxda naga siiy ey Maxamed Macruuf oo ah Xildhibaan laga soo doorto Golaha deegaanka Magaaladda Shef field oo ay tageerayeen Neale Gibson oo isna ah Xildhibaan, waxaa iyana hawshaas tageero iyo caawimo buuxada ka gaystay Xildhibaanada Baarlamaanka Uk ee Paul Blomfield iyo Clive Betts oo laga soo doorto iyanaga magaladda Sheffield, iyagoo sidoo kale kamid ah Xildhibaa n ada Baarlamaanka UK ee u xilsaaran arrimaha Somaliland iyo dalkaasi Somalia.

Jaaliyadda Somaliland ee ISRAAC oo ay la shaqaynaan Xildhibaanada golaha deegaanka ee Mohammed Maroof, Neale Gibson iyo kuwa Baarlamaanka UK Paul Blomfield (MP) iyo Clive Be tts (MP) waxay ku guulaysatay in Golaha deegaanka oo u badan Xisbiga Labourku ay aqoon si buuxa siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena dawladda imminka talada haysa ay culays ku saaraan sidii guud ahaan dhulweynaha Britain iyo caalamku aqoonsi buuxa u siin lahayeen Somaliland, waa arrin guul ah waana arrin cadaadis ku saaraysa Xukuumadda Uk inay badasho Siyaasaddeedi Somaliland ay kula dhaqmi jirtay.

Xubnaha hawshan baaxadda leh gadhwadeenka ka ahi waxay kala yihiin Neale Gibson, Moha mmed Maroof(Twitter: cllrMaroof), Caydrus Hussein Sahal, Ahmed Qaadi Mohamoud, Ismail Dualeh Yussuf iyo Adam Ahmed Yusuf.Waxay xubanha guddigani u mahadceliyaan cidwalba oo hashan baaxadda leh kala qaybqaadatay kuna caawisay, ayna ugu horeeyaan dhamma an hablaha ururka Tusmo oo ay hormuud u ahaayeen Xaali Jama (Kawle), Nadira Saeed, Ro oda Maxamed Xuseen, Nadia Saeed, Hinda Caydiid, Farhiya Bidhe, Zahra Yousuf Sahal Waxaa kale hawshaas qayb libaax ka ka qaatay oo aan u mahadcelinaynaa dhammaan Jaaliyadda reer Sheffield oo ay ugu horeeyaan Bare Awgaab Dagaal, Yaasiin Carbooshe, Mujaahid Cab diraxmaan Gees, Axmed Jawhari, Suldaan Cabdillaahi Cali Cartan, Canab Cali Gaas iyo qaar kaloo badan.

Ugu dambayn, Waxaan soo dhaweynaynaa wefdiga heer qaran ee ka socda Dawladda Som aaliland ee u imanaya hawshan qiimaha leh, si ay ula qaybsadaan farxaddan Jaaliyada reer Sheffield ee UK. Sidoo kale Waxaanu dhammaan jaaliyadaha rer Somaliland ee ku dhaqan Go bolada Uk la socodsiinaynaa inay ka soo qayb galaan dabaaldegga maalintan lagu dhawaaqa yo Aqoonsiga oo ah Arbacada soo socota ee bishu tahay 2da April 12.30 galabnimo ayna yi maadaan Councilka Sheffield Hortiisa.

Waxaan si gaar ah u marti qaadaynaa Safiirka Somaliland ee UK Mudane Cali Adan Cawaale, Madaxa TVga Qaranka ee Yurub Cabdiraxmaan Maxamed Adan iyo Gudoomiya Baarlaamka Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Ciro Iyo Waftiga cuslus ee ay soo dirayso Xukuu madda Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxaa maalintaas iman doona Saxaafadda Caa lamiga ah ee ay kamidka yihiin BBC-da Aljazeera iyo Wargaysyo tiro baan.


Wixii Akhbaar dheeraad ah la soo xidhiidh

Adam Ahmed Yusuf (Sawaaxili) – Chair of Somali Community Association in Yorkshire and Humber: Tel. 07957888400
Eng. Ismail Dualeh Yussuf – Xidhiidhiyaha: Tel: 07939021629
Israac Somali Community Association
Vestry Hall, 54 Cemetery Road, Sheffield, S11 8FP