MARXUUM CALI JIRDE

 

Dhamaan Jaaliyadda Soomaliland ee ee leicester UK, oo magacyadoodu ay hoos ku xusan yihiin, waxaan tacsi u dirayaa ehelka, qaraabada, xigaalka, iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba, gaar ahaan walaashii Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, oday Xaaji Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Guddoomiyaha Kulmiye iyo ubadkooda Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan Gobalka Saaxil waliba magaalada Sheekh iyo dariiqada Sheekh ee uu ka ahaa odayga koowaad muddo dheer. Marxuum Sheekh Cali Jirde waxaa berrito oo Jimce ah 10/10/2008 lagu aasi doonaa xarunta dariiqada ee magaalada Sheekh.

Alle ha u naxariistee Marxuun Sh, Cali Sh. Maxamed Jirde waxuu ahaa Guddoomiyaha Bisha Cas ee Soomaliland, waxuuna ahaa safiirkii dalalka Skandiniifiyanaka u fadhiyey dalkii laysku odhanjirey Soomalia,isagoo baarlamaankii xorta ahaa ee lasoo doortay 1968, waxuu ka mid ahaa ardaydii ugu horeysay ee ingiriisku u direy sudaan, ka dibna waxaa loo direy jaamacad ingiriisa , isagoo ahaa marxuunku injineerkii ugu horeeyey ee qaata shahaada ingineerka ee Somaliland, isagoo saxiib aad u dhow lahaa Aabihii Waxbarashada Somaliland Marxuun Maxamuud Axmed Cali.

Marxuum Sh,Cali Jirde cimrigiisu waxuu la dheeraday samofal iyo u gargaarid danyarta isagoon u eegin reer iyo qabiil. waxuu caan ku ahaa daacad,hufnaan iyo alle ka cabsi, Waxuu ahaa nIn qalbi furan oo naxariis ishiisa laga doogsado. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.


1.Coll. Axmed Jaamac Faarax
2.Capt. Abdi Burco
3.Eng, Isaaq Awcabdi Cilmi.
4.Muj, Cabdiraxmaan Cawil Xasan.
5.Axmed Macalin.
6. Cabdiraxmaan Adan Cumar.
7.Axmed X.Cali Yare Bereed.
8.Siciid Cumar Gadhoodhe.
9.Adan Yuusuf Cilmi.
10.Feysal Siciid (Farafidiye).
11.Suldaan Geedi .
12.Boqor Yuusuf Qaasim.
13.Cawil Muuse(Cawil Gaab).
14.Axmed Ibraahim Axmed(Igsidaa).
15.Dr, Cali Dhegaweyne.
16.Dr, Maxamed Haashi Koodbuur.

 

 



By:- Abrihman Awil Hassan
Leicester England