Jaaliyadaha Somaliland ee UK Oo Wada Diyaargarow La gu Soo Dhaweynayo Guddoomiyaha guddida arr im aha gudaha ee G/Wakiilada Somliland Mudane Siciid Cilmi Rooble‏

 


Birmingham UK  (Timacade News)-Waxaa in dhoweydba ka socday Magalooyinka waaweyn Uk diyaar  ga row loogu jiro qaabkii loo soo dhaweyn lahaa Guddoomiyaha guddida  arrima ha gudaha  G/ W akiilada Somaliland Mudane Siciid Cilmi Rooble.


Qabanqaabada & soo dhaweynta ayaa waxaa ku howlan taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo ay hogaaminayaan Xoghayaha Arimaha Dibada u qaabilsan Xisbiga Weyn ee Kulmiye  Dr.Maxamed cabdilaahi Cumar, Guddoomiyaha xisbiga kulmiye ee Uk Ibraahim Axmed  (Dak hare), guddoomiye ku xigeenka Kulmiye ee Ingiriiska Cabdi Bacow, masuuliyiin ka tirsan  madaxda sar-sare ee xisbiga Kulmiye , taageerayaal kale iyo jaaliyadaha Somaliland UK.

Diyaargarowgan loogu jiro soo dhaweynta Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble , ayaa la cadeeyay inuu gebogebo yahay Barnaamijkiisa soo dhaweynta ah isla markaana la diyaariyey wax  w alba sida shaaca laga qaaday waxa keliya ee ay la sugayaana uu yahay siciid Cilmi Rooble oo yimaada, waxaana intaas lagu daray in si aad ah looga diyaar garoobayo Madaarka  He athrow Airport ee magaalada London oo uu ka soo degaayo Maalinta Arbacada ah bishuna ay tahay 02Dec 2009 17.30Pm oo Xildhibaanku ku soo wajahan yahay.

Xildh Siciid Cilmi Rooble ayaa ah Siyaasiytiinta Ruugcadaaga ama kuwa ugu facaweyn ee ka tirsanaa xubnaha barlamaanka Somaliland muddo aad u fog iminkana uga soo baxay  Xisbi ga Weyn ee Kulmiye .

Waxayna Jaaliyadaha Somaliland UK ,gaar ahaana taageerayaasha xisbiga Kulmiye aad u hadal hayaan imaatinka Xildhibaan Siciid cilmi Rooble , waxayna ka war sugayaan in uu  wa rbixin ka siiyo guud ahaan xaaladda dalku halka ay marayo iyo doorashada Madaxtooyada ee dalka ku soo fool leh inta uu joogo Xildhibaanku waxuu sii gaargaar ula kulmayaa  Jaaliy adaha Somaliland Uk iyo qaar ka mida masuuliyiinta dowlada dalkan gaar ahaan  xildhibaa nada u ololeeya qadiyada Somaliland ,iyadoo laga heli doono waxii warbixina ah guddiyada gaarka ah ee u qaabilsan qabanqaabada kulamadaas jaaliyadaha Uk ee kala duwan, waxaa na la filaayaa in xildhibaanku u sii gudbi doono Jaaliyadaha Somaliland ee u dhaqan  wadam ada Scandanivianka …. Oo ay Sweden u horeyso, si ay iyagana uga haqabtiraan wararka xaalada guud ee Somaliland .

Socdaalkan uu Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha golaha wakiilada Somliland |Mud Siciid Cilmi Rooble ku imanayo maalinta Arbacada ah cariga Ingiriiska ayaa lagu macneeyey in ay tahay Hawl qaran , iyadoo ay u qorshaysan tahay inta ay joogaan in ay kulamo la  ye eshayaan isaga iyo xildhibaano kale oo ka soo horeeyey mudanayaal ka tirsan guriga  com mons iyo masuuliyiinkale oo ka tirsan wadankan, waxaanay u sii gudbi doonaan xarunta Brussels ee looga arimayo dowladaha midowga yurub oo kula kulmi donaan mudanayaal ka tirsan midowgaasi iyo saraakiil kale oo ka tirsan midowgaasi, iyagoo kala hadli doona dhamaan masuuliyiintaasi arinta qadiyada Somaliland.


 



Adan Yusuf Elmi

Birmingham UK