Jaaliyadaha S/land ee Daafaha aduunka oo Cambayraynaya Komishanka iyo Xukuumada Riyaale


Jaaliyadaha S/land ee daafaha aduunku waxay cambaaraynayaan go’aanka xaaraanta ah ee komishanka iyo Xukuumada Dahir Riyaale, go’aankaas oo ah go’aan ay heshiis ku ahaayeen Afarta Komishan ee ay horkacayaan Jamac Sweden iyo Cali Bidhikoole iyo Dahir Riyaale, Waxaanu ugu baaqaynaa  dham aan shacabka S/land in fadhiga ka kacaan oo ay difaacdaan qaranimadooda , karaamadooda iyo sharaftooda , waxaanu ugu baaqaynaa shacabka inay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalku u soo baxaan mudaharaad si gaar ahna waxaanu uga baaqaynaa shacabka Caasimadu inay u soo baxaan  mud aharaad ay ku difaacayaan xuquuqdooda muwaadinimo muujiyaana  daree nkooda iyo diidmadooda .


Axsaabta qaranka waxaanu ku taageeraynaa go’aankooda geesinimada iyo wadaniyada leh waxaanuna ugu baaqaynaa in aanay sinaba u jeelin duudsiga xuquuqda muwaadiniinta.


Waxaanu taageeraynaa hadaanu nahay jaaliyadaha hoos ku qoran Go’aanka labada gole ee Guurtida iyo Baarlamaanka waxaanuna ku baaqaynaa in aanay ha’adaha sharci dejintu sinaba u yeelin go’aankaas xaaraanta ah ee lagu duudsiyayo shacabka ay metelaan masuuliyadana u hayaan waana in ay sacrifice iyo naftaa hur maanta muujiyaan difaacaana qaranimada , sharafta , karaamada iyo xuquuqda shacabka .


Baaqani wuxuu si wadajir ah uga soo baxay dhamaan jaaliyadaha S/land ee hoos ku xusan iyaka oo dareenkooda iyo damqashadooda la wadaagaya shacabkooda , Waxaanu Ilaahay ka baryaynaa in nabad waarta iyo xasilooni , Dahir Riyaale iyo daba dhilifyadiisa ay ugu horeeyaan Jamac Sweden iyo Cali Bidhikoolena waxaanu rajaynaynaa in maxkamad caddaalad ah la soo taago wakhti aan dheerayn.


Jaaliyada S/land ee ee Minnesota ,

Jaaliyda S/land ee
Toronto ,

Jaaliyda S/land ee
Ottawa ,

Jaaliyda S/land ee
Sydney ,

Jaaliyda S/land ee
Melbourne ,

Jaaliyda S/land ee
London ,

Jaaliyda S/land ee
Birmingham ,

Jaaliyda S/land ee
Sheffield ,

Jaaliyda S/land ee
Gotenberg ,

Jaaliyda S/land ee
Stockholm ,

Jaaliyda S/land ee
Oslo ,

Jaaliyda S/land ee
Cardiff ,

Jaaliyda S/land ee
Liverpool ,

Jaaliyda S/land ee
Dubai ,

Jaaliyda S/land ee
Denmark ,

Jaaliyda S/land ee
Washington DC ,

Jaaliyda S/land ee
Los Angels,

Jaaliyda S/land ee
Jeddah,

Jaaliyda S/land ee
Riyadh ,

Jaaliyda S/land ee
Dahran,

Jaaliyda S/land ee
Abu-Dhabi,

Jaaliyda S/land ee
Cuman,

Jaaliyda S/land ee
Bahrain ,

Jaaliyda S/land ee Doha Qatar,

Gudoomiyaha jaaliyada
Minnesota Saeed Suleiman

Gudoomiyaha Jaaliyada
Swededn Hasan Suleiman

Gudoomiyaha Jaaliyada
Gotenberg Ali H. Hasan

Gudoomiyaha Jaaliyada
Oslo Husein Aden Adib

Gudoomiyaha Jaaliyada Bert
Australia Abdala Hikma