Jaaliyadaha
Reer Somaliland iyo Djibouti ee Ka Haw lg ala Bangiga Horumarinta
Afrika ee Fadhigiisu yahay Wadanka Tunisia oo Deeq Lacageed Soo
Gaadhsiiyay Jaamacada Gabiley

Gabiley (Timacade News):-
Jaaliyadaha reer jabuuti iyo somalilanad wadanka Tunisia ee ka
shaqeeya baanka hourmarinta Africa ayaa maanta deeq lacageed oo dhan
$7,432.60 (Todoba kun, afar boqol iyo laba iyo sodon doolar iyo
lixdan senti) ku waree jiyay jaamacada Gabiley.. deeqdaasi oo
ay ugu talo galeen inay kaga qaybqaataan dhi smaha jaamacada gabiley.
Xaflada lagu wareejinayay jaamacadaasi ayaa waxaa kasoo qaybgalay
gudoomiyaha gobolka gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (xabiib),
gudoomiye kuxigeenka Dr C/laahi Cumr Cigeh, dhiinka kuliyadaha
jaamacada gabiley Xasan Aw Daahir, Maayarka Gabiley Aadan Muxumed
Badde, Macalimiinta iyo ardayda jaamacadaasi.
Gudoomiyaha Gobolka gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (xabiib) oo
halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ugu horayn ilaahay uga mahad celiyay
maadaama maanta ay dhex taa gan yihiin jaamacadii gabiley ee
Timacadde University oo ahayd riyo ay dadka reer ga biley mudo
badan ku riyoon jireen.
Badhasaabku isagoo ka waramaya baaxada uu leeyahay gobolka iyo dadka
ku nool ee faraha badan ayaa waxaa uu yidhi “gobolkani waa gobol aad
u balaadhan wuxuu leey ahay afar dugsi sare oo ku kala yaal
Arabsiyo Allaybaday, Gabiley iyo wajaale. Baaxada intaa leeg oo
ahayd bilaa jaamacad mudo dheer, maantuu ilaahay qadaray inay suurto
gasho taasoo ay iska kaashadeen dhamaan dadwaynaha reer gabiley, oo
aan loo kala hadhin, nin walibana wixii uu ka qaban karayay ka
qabtay.
Waxaan halkan mahadnaq balaadhan uga soo jeedinayaa jaaliyadaha reer
Somaliland iyo reer jabuuti ee ka shaqeeya bangiga horumarinta
afrika ee xaruntiisu tahay wad an Tunisia uuna wakiil ka yahay
Dr Maxamed Mahdi Aw Yuusuf, oo soo gaadhsiiyay ja amacada
Timacadde lacag qadarkeedu dhan yahay $7,432 doolar. Waxaa kale oo
ay jaaliyadaasi qayb libaax ka qaateen oo ay horena usoo caawiyeen
jaamacadihii hore dalka uga hirgalay ee kaw ka ahayd jaamacada
Camuud iy Hargaysa. Jaamacada Tima cadena waa tii sadexaad ee
ay shaqaalaha bangiga horumarinta afrika soo caawiye en.
Waxaa kale oo badhasaabku halkaasi ka xusay dhamaan jaaliyadihii
hore usoo gaadhs iiyay deeqaha jaamacada gabiley oo ay ugu
horayso jaaliyada Finland, Sweden, Norw ay, Abdu dabay iyo
shakhsiyaadkii deeqaha gaarka ah ugu deeqay jaamacada. Iyo sa
dexda xisbi qaran oo deeqsiiyay jaamacada Timacadde iyo ganacsatada
magaalo gana csiyeedka wajaale oo qayb libaax ka qaatay oo
lacag ilaa iyo afar iyo toban kun oo doolar ah soo gaadhsiiyay
jaamacada.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka jaamacada
Timacadde Dr C/ laahi Cumar Cigeh wuxuu uga mahadnaqay
shaqaalaha baanka Africa deeqdaasi lacag ta ah ee ay soo
gaadhsiiyeen jaamacada gabiley isagoo sheegay inay ka gudoomeen
ujeedadii lacagtaasi loogu talo galayna ay ku bixin doonaan.
Shakhsiyaadka somaalida ah ee ka shaqeeya baanka afrika ee deeqdaasi
soo gaadhsii yay jaamacada Gabiley ayaa uu dhiinka kuliyadaha
jaamacadaasi Xasan aw Daahir uga mahad celiyay uuna sheegay in
ilaahay ka abaal marin doono. Waxaa kale oo uu Xasan Aw Daahir si
gaar ugu mahad naqay Maxamed Mahdi Aw Yuusuf Samatar.
“Aadbay u mahadsan yihiin, aadbaananu u xasuusan doonaa,
taariikhdani way noo gali doonaan, cid alla cidii gacan noo fidisa (jaamacadda
timacadde) waanu qornaa.
Waxaanu doonaynaa inaanu dadka reer Somaliland gaar ahaan gobolka
gabiley u hors eedno, oo aanu samaysano halku dheg la
yidhaahdo Hal doolar bixi oo jaamacad dhis, hal doolar bixi oo
dhakhtar dhis, hal doolar dhis oo wado dhis, waxaanay noo noqon
d oontaa” waxay ka mid ahaayeen kalmadihii uu munasibadaasi ka yidhi
dhiinka kuliyada waxbarashada ee jaamacadaasi.
Dhiinka kuliyada waxbarashada Jaamacada Timacadde Xasan Aw Daahir
waxaa uu sh eegay in maanta laga baxay wakhtigii la sugi jiray
cid wax caawisa, dadka reer gabil eyna ay tashadeen oo waxay
qaateen inay iyagu waxqabsadaan. Annaguna hadaanu nahay odayaasha
maamula jaamacada waxaanu doonaynaa inaanu dhagaxa dhigno taalo
cilmiyeed waligeed socota oo da,aba da,a kasii dhaxasho.
Maayarka Gabiley Aadan Muxumed Badde ayaa isaguna hadal kooban oo uu
ka jeed iyay xafladaa lagu wareejinayay deeqda lacagta ah,
ayaa sheegay inay labadaa jaali yadood inay ka shaqeeyeen wax
ka mid waxyaabaha ugu muhiimsan horumarinta bani aadamka ee laga
shaqeeyo tanina waa tii ugu muhiimsanayd ee maanta waxka tari lahayd
baahiyaha jaamacada.
Maayarku waxaa kale oo uu mahadnaq usoo jeediyay ninka soo ururiyay
ee wakhtiga siiyay in deeqdani soo gaadho jaamacada Dr Mahamed Mahdi
Yuusuf iyo dadka kale oo horumarka jecel kana qaybqaatay bixinta
qaadhaanka, waxaanu intaa ku daray taar iikhda waxbarashada
gabiley isagoo xusay inay goobta maanta jaamacada laga dhig
ayaa ahaan jirtay dugsigii sasre ee qalax. Dugsiaga sarena loo
dhisayo goobta cusub ee hada jaamacada lagu dhigto markaa,
dhamaystirka dhismaha cusub ee dugsiga sare ayay ku xidhan tahay in
jaamacada qalax lagu wareejiyo. Dhamaystirka dhismaha jaamacaduna
wuxuu u yaalaa dadwaynaha reer gabiley meelkasta oo ay joogaan.
Deeqdani oo ah tii ugu horaysay ee soo diraan jaaliyadaha reer
jabuuti iyo Somaliland ee ka shaqeeya baanka horumarinta Afrika ee
fadhigiisu yahay wadanka Tuniisiya. De eqdanina waxwayn ayay ka tari
doontaa dhamaystirka dhismaha jaamacada Gabiley.
Weriye C/risaaq Ahmed Hayaan (ilkacase)
Timacadde News Network
Gabiley Office
ilkacasenews@hotmail.com
|