Jaaliyada Soomlida Magaalada DELEFT ee Wadanka Holland oo doortay Gudoomiye Cusub, Yasiin Cabdilahi Cali

 



 Delft,  Holland (TNN)- Shir weyne balaaran oo ay isugu yimaadeen Somalida degan Magaallada Delft ee dalka Holland ayaa waxaa lagu doortay Guddoomiye cusub,waxaana inta aysan bilaaban doorashada gudoomiyaha halkaasi ka hadlay Guddoomiyihii hore Jaaliyada Somalidaasi ay leeyihiin ee lagu  Magaca abo Maxamed Maxamuud Caydiid.


Waxaa uu Caydiid ka sheekeeyey waxqabadkii intii uu xilka hayey isaga iyo gudigii la soo  shaqeeyey,w axaana uu ku dheeraaday inuu ururkan soo maray marxalado kala duwan,kuwaasi oo ay badi uga soo gudbeen wada shaqeyn ay ka heleen bulshada somaliyeed ee Reer Delft,isagoona intaasi ku daray inay aqoontooda iyo maskaxdooda ku bixiyeen ka shaqeynta Midnimada Umada Somaliyeed ee kuwada nool Magaallada Delft.


intaasi kadib waxaa la guda galay sidii loo dooran lahaa Guddoomiyaha Cusub ee ururka Somalilsche Vereniging Delft “Midnimo” waxaana xilkaasi isku soo taagay Mudane,Yaasiin Abdillahi Ali,iyadoo aysan jirin cid kale oo kula tartantay xilkaasi,waxaana lagu dhawaaqay inuu codku yahay gacantaag.waxaana mar kaliya gacanta codka lagu doortay wada taagay 97 qof oo madasha fadhisay,halka ay 3 qof ka aamuseen.
yaasiin9

Waxaana lagu dhawaaqay in xilkii Gudoomiyaha Ururka Somalilsche Vereniging Delft “Midnimo” uu ku  gu uleystay wixii maanta ka danbeeyana hogaamin doona Aqoonyahan Yaasiin Abdilahi Ali,waxaana  Yaas iin uu halkaasi ka hadlay uu mahadcelin u jeediyey somalidii dooratay iyo kuwii aan dooran ee madasha fadhiyey,waxaana isagoo ka hadlaya dareenkiisa uu yiri:-

” Maanta sida aad ii doorateen,waxay iiga dhigan tahay jaceylka ay dadkeyga ii qabaan,Waxaana u  qa adan doonaa inay tahay dhiirigelin aad igu dhiirigelineysaan in aan ka daalin wax u qabashada  dadke yga,hortiina iyo mida alle waxaan ka balan qaadayaa in aan dhabeen doono himilada wajiyadiisa  galab ta ka muuqata,taasi oo ah in aad si farxad leh iigu doorateen hogaaminta ururkiina Somalilsche  Veren ig ng Delft “Midnimo” oo ah mid ka tilmaamay ururada kale ee Somalida Holland” ayuu yiri Yaasiin.


Dhinaca waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay inta xubnood ee uu yahay Gudiga la shaqeyn  doona,isago ona sheegay inay yihiin 7 xubnood,oo ay lixi tahay rag,halka qofka kale uu yahay Dumar,waxaana uu intaasi ku daray inuu sadexda sano ee uu xilka hayo shaqeyn doono sidii loo gaari lahaa midnimo  waa rta iyo waxqabad dhab ah,isagoon amarkii ka horeeyey ku amaanay inay ahaayeen kuwa kusoo  dada alay inay dadka isku hayaan kana shaqeeyaan wixii dhibaata ah ee soo wajahayey,isagoo ka hadlaya wax qabadkiisa bilowga ah Guddoomiyaha Cusub Aqoonyahan Yaasiin Abdilahi Ali waxa uu yiri:-


” Anaga haddii aanu nahay Gudiga cusub ee aad doorateen ee aan aniga Madaxda u ahay,waxaan idin sheegayaa in aan laba tilaabo aan deg deg u qaadi doono,Waa mida koowaade,waxaan shaqeyn  doo aa sidii gacanta Somalida loogu soo celin lahaa Carurtii uu ka geeriyooday walaalkeen allaha u  Naxar iistee Saciid Saxardiid ee dhawaan ku geeriyooday Delft,carurtiisana ay la wareegeen dowlada,si ay ca rurtaasi markale somalidoodii iyo ehelkoodii ula midooban,waxaan ka soo celin doonaa gacantaasi dowl ada,inaga oo u dhiibi doona hooyooyin kale oo somaliyeed,kuwaasi oo xanaaneeya carurtaasi” ayuu yiri Yaasiin Guddoomiyaha cusub ee ururka Somalilsche Vereniging Delft “Midnimo” isagoo hadalkiisa sii wat a ayuu hadana ka hadlay talaabada labaad ee uu qaadi doono:-

” Sida qofkasta oo somali ah uu la socdo,magaallada waxaa soo buuxdhaafiyey somalida cusub,kuwaasi oo u badan Qoysas wada carur badan,hadana aan aqoon luqada dalka iyo dhaqanka dalka ka  jira,wa xaana halkaasi inooga muuqanaya,haddii aan dadkaasi hada la jiheyn oo aan laga caawin dhinaca  waxb arashada inay wadada ka leexdaan oo ay nolosha ka dhacaan,si taasi looga hortago,waxaan bala n qaadayaa in aan xooga saari doono caawinta qoysaskaasi cusub ee magaallada kusoo kordhay,laba aan labadaasi qodob ee deg dega ah aanu qabano,ayaan wixii kale ee ina horyaala u gudbi doonaa” ayuu hadalkiisa ku celceliyey Gudoomiye Yaasiin .

Gudoomiyihii hore Maxamed Maxamud Caydiid oo hadalka markii doorashada ay dhacday kusoo laabtay ayaa waxa uu hambalyo iyo soo dhaweyn u muujiyey Guddoomiyaha cusub,isagoona somalidii halkaasi joogtay u sheegay inuu Yaasiin yahay shaqsi kasoo bixi kara xilka loo magacaabay,sidaasi darteedna uu ka dalbaday inay somalida oo dhan kala shaqeeyaan sidii uu wax ugu qaban lahaa dadka uu ururkan matalayo,isagoona halkaasi ku gacan qaaday.


Dhinaca odayaasha magaallada Delft ayaa waxaa u hadlay Maxamed Abdi Lugod,waxaana uu sheegay inay ku faraxsan yihiin sida ay u dhacday doorashada,taasi oo inooga dhigan ayuu yiri inaan gaarnay qaabka ay dunida kale wax u doortaan,laakiin waxa uu taasi barbardhigay oo uu dhega dadkii halkaasi fadhiyey ugu dhibciyey,inay sida la shaqeeyaan Maamulkan cusub,sababtoo ah buu yiri,qofkii aad doorataa waxay ku sharaf badan tahay in aad la sii shaqeyso.


Aamina Maxamed oo iyana u hadashay Haweenka Magallada Delft ee ka qeybgalay doorashadaasi  ay aa si weyn u taageertay Maamulka cusub,waxaana ay sheegtay inay ka haween ahaan la shaqeyn  do onaan,dhinaca kalana ay ku hanweyn yihiin inuu Maamulkan cusub ilgaar ah u fiiriyo xalinta iyo wax u qabashada Carurta iyo Haweenka oo la dhihi karo iyagaa u mudan in wax loo qabto.


Guddoomiyaha la doortay Yaasiin Abdilahi Ali,waxa uu ka mid yahay Aqoonyahanada fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya danaha dadka somaliyeed,waxaana uu inta badan isagoo aan xilkan hada loo doortay heyn lagu arki jiray goobaha lagu caawiyo dadka ku cusub dalka Holland,Waxaa uu ka soo baxay Laba Jaamacadoo ku kala yaala Dalalka Holland iyo France,kuwaasi oo kala ah Jaamacada Marseille oo ku  ta ala Dalka France iyo Erasmus oo iyana ku taala Magaallada Rotterdam ee Wadanka Holland.
Iskusoo wada duuboo,doorashadii ka dhacday shalay gelinkii danbe Magallada Delft ee Wadanka  Holl and waxay kusoo dhamaatay sidii loogu talagalay,waxaana Maamulkan cusub ee xilka heyn doonaa  Sa dexda sano ee soo socota,iyagoo isla shalayba lagu wareejiyey howlihii ururka si ay maalinta bari ah shaqadooda u bilaabaa.

 


M.Y. Buux
Timacade News Desk
Holland Office