Jaaliyada Somaliland ee Wadanka Denmark Oo Ku Wareejisay Deeq Qalab ah Xarunta Agoomaha Gabiley
 

Gabiley (Longlivesomaliland News)-Maayar ku xigeenka Gobolka Gabiley Marwo Khadra X.ismaaciil Yoonis (Khadra X.Gaydh) ayaa saaka ku  ware ejisay xarunta agoomaha ee Gobolka Gabiley deeq alaab ka kooban  TV yo, Qalabka lagu kululeeyo cuntada islamarkaana lagu kaydiyo iyo  Game ta lagu ciyaaro. Alabaatani waxaa soo diray jaaliyada wadanka  Denm ark oo uu wakiil uga ahaayeen Axmed Cabdi Jaamac (Axmed coach) iyo Knud M. L. Gloud.

Qalabkani oo maamulaha xarunta agoomaha Cumar Cabdi ay ku  ware ejisay Maayar kuxigeenka Golaha deegaanka Gabiley Khadra Haaji Gaydh oo ka warantay qalabkani sidii lagu keenay iyo meesha laga keenay iyo sidoo kale muhiimada uu u leeyahay agoomaha yaryar ee ku jira xarunta agoomaha Gobolka Gabiley. Gudoomiye ku xigeenku waxay mahdnaq balaadhan usoo jiidisay Axmed Cabdi Jaamac Axmed Coach iyo Mr Knud oo ay sheegtay inay yihiin jaaliyadii deeqda ugu badan soo gaadhsiisay abid Gobolka Gabiley mudana in inbadan loo mahadnaqo oo la sheego waxay keeneen.

“Axmed Coach waa nin runtii mudan in taariikhda Gobolka Gabiley baal dahab ah lagaga qoro, waa shakhsigii taakulaynta ugu badan soo gaadhsiiyay Gobolkeena runtiina waan jeclaa inuu maanta halka inala joogo laakiin wakhtigaa u saamixi waayay, markaa deeqdan uu ugu talo galay xarunta agoomaha oo ka kooban Hal Tv, Qalabka lagu kululeeyo cuntada iyo Gaym ay caruurtu ku ciyaarto wakhtiga ay firaaqada leeyihiin” waxay ka mid ahaayeen hadaladii Khadra Haaji Gaydh.

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Maamulaha Xarunta Agoomaha Cumar Cabdi (Cumar Dheere) oo isaguna uga mahad celiyay jaaliyada reer Denmark qalabkaa kala duduwan oo ay soo gaadhsiisay xarunta agoomaha Gobolka Gabiley. Cumar Dheere uu sheegay in xarunta  agoo maha Gabiley la aasaasay sanadkii 2001dii oo ilaa iyo intaasi ay maalinba maalinta ka danbaysa sii badanayaan caruurta meesha ku jirtaa.

Cumar Dheere isagoo arintaa ka waramaya waxaa uu yidhi “waxaan u mahadnaqayaa jaaliyada dalka Denmarka gaar ahaan ninka layidhaa Axmed Cabdi Jaamac (Axmed Coach) iyo ninka kale ee la shaqeeya Knud, oo horana nasoo gaadhsiisay qalab sariiro iyo furaashyo walina waanu haysanaa,. Maantana waxaanu ka gudoonay maayar ku xigeenka Khadra Haaji Gaydh alaabtaa oo muhiimad balaadhan ugu fadhida  agoo maha ilaahayna ajarkeeda kasiin doono cidwalba oo waxtarta agoon. Ninka maanta agoon wax u tara ama qof jilicsan caawiyaa aakhiradiisuu wanaajiyay, muslimkana waa ku waajib inay kooda  jilicdas an iyo khaasatan agoomaha halkan ku jira oo aan nasiib u helin inuu waalidkood hayo.

Maanta agoomuhu aadbay iska wanaagsan yihiin oo dhamaantood  wax ay dhigtaan iskuulada kala duduwan ee magaalda Gabiley oo maanta qaarbaa ilaa jaamacad gaadhay, qaar iskoolarship ayay heleen oo  Masa rbay wax ka dhigtaan. Cidkasta oo agoomahaa wax u tartay waan u mahad naqaynaa gaar ahaan Shirkada Ganacsiga OMAAR Compnay oo gancanta ugu wayn ka gaysatay, ururka Barwaaqo Voluntary  Organ ization oo iyaguna u keena qalabka wax lagu cuno. Maanta agoomaha halkaa ku jiraa waxay u baahan yihiin waxwalba oo uu u baahan yahay inanka gurigoodii jooga”.

Maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Muxumed Warsame Axmed Maxmed Maxamuud (Shirwac) ayaa isaguna xafladasi hadal kooban oo uu ka jeediyay uga mahad celiyay Axmed Coach oo ah nin markasta Gobolka Gabiley lasoo xidhiidha. Maamulaha dugsiga sheikh Muxumed Warsame waxaa tilmaamay in qalabkani dabooli doono baahi ay qabeen agoomaha, caruurtana anfici doona.

Shirwac waxaa uu intaa ku daray “Dugsiga waxaa uu soo gaadhsiiyay Axmed Qalab aad u tiro badan oo jaaliyadaasi soo dir, wuuna nasoo gaadhsiiyay, waananu ugu hambalyaynaynaa, waananu u ognahay, hore wuxuu anaka iskuul ahaan noo keenay Lix Fasal oo uu noo qalabeeyay oo kuraastii iyo miisaskiiba u dhamaystiray, koombuyuutaro, printers iyo qalabkale oo faro badan”. Sidaa waxaa yidhi maamulaha dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Muxumed Warsame.

Deeqaha lasoo gaadhsiinayo xarunta agoomaha Gobolka Gabiley ayaa baryahan danbe iskasoo daba dhacaya. Mudo hada laga joogo bil ayaa waxaa deeq iskugu jirtan Bustayaal, Furshaan, Sariiro iyo Dhar soo  gaa dhsiiyay xarunta agoomaha gobolka Gabiley jaaliyad ka mid ah  jaaliya daha reer Gabiley ee wadanka Maraykanka.

LongliveSomaliland News
Gabiley Somaliland