Jaaliyada Riyadh oo Qaadhaan Uruurin Balaadhan u sameesay Somaliland National Library



Riyadh (TNN):-Guddida gacanta ku haysa dhismaha maktabada heer qaran ee laga dhisayo mag aalada Hargeysa oo baryahan danbeba ku jiray safaro aay wadamada Gacanka Carbeed uga ra adinayayaan dhaqaale lagu taakuleeyo mashruucaas qaran ayaa xalay oo taariikhdu aheed 29 th March ka soo xaadiray malad ee Jaaliyada Caasimada Boqortooyada Sacuudigu ugu talo gas hay soo dhaweentooda iyo ka qeeb qaadashada qaadhaanka qaran.

Hadaba madashaas oo aay iskuugu iyimaadeen xubno door ah oo ka mid ah odayaasha, madax dhaqameedka,akhyaarta, wax garadka iyo dhaliyarada magaalada Riyadh ayaa lagu bilaabay ayaado Qur’aanka Kariimka ah oo uu ka akhriyay Xasan Cabdi Yuusif, waxaa xigay kalmado kooban oo muujinaya muhimada aay Rugta buugaagtu u leedahay bulsha kasta siiba bulshada reer Somaliland oo aay tani noqon doonto Rugtii ugu horaysaay ee aay yeelato.

Waxaana ka mid ahaa oday Cabdisalan Gaaxnuug iyo Ugaas Axmad Maxamad Siciid (Ina Cali Mahdi) iyo xubno kale oo dhowr ah.

Intaas ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay madasha Mudane Axmad Dahir Cilmi oo ka socday Gudiga Qaran ee ee dhismaha maktabada Somaliland National Library, kaas oo halkaas kusoo bandhigay mashruucan baahida bulshada reer Somalinad u qabto sida uu ku yimid iyo iyo halkuu marayo iyo waliba waxa horyaala.

Mud. Axmad Dahir Cilmi waxuu soo bandhigay cilmi baadhis balaadhan oo mug leh oo muujinays a sida aay dhalinta iyo wax garadka Somaliland ba ugu baahan yihiin maktabada qaran in aay yeeshaan, isaga oo dadka ugu soo gudbiyay halkaas muuqaalo tiro leh oo tusinaya burburkii ku habsaday umada reer Somaliland mudadii xukunkii kaligii taliye Afweeyne, iyo sida mucjisada caalamaka ku noqotay ee aay bulshada reer Somaliland uga soo kabteen dhibkii loo geestay oo aay u dhisteen dalkooda.

Intaas ka dib waxaa bilaabmay qadhaan uruurintii loogu talo galay mashruucaas.

Hadaba waxaay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalo madaxda Riyadh muujisay mar kale sida aay mar walba diyaarka ugu tahay uguna ahaan doonto in aay door muuqda oo misaan leh ka qaadato dib u dhiska dalkeeda hooyo iyo horumakiisaba.

Waxaana halkaas lagu uruuriyay qaadhan qiimo leh oo faraxad iyo dhiirigalinba siiyay gudidii martida aheed iyo dadkii soo xaadirayba.

Hadaba waxaa marag madoonto noqotay in bulshawaynta reer Somaliland aay dhexda u xidh atay in aay dalkeeda marba marka ka danbeesa hore isii qaado si uu caalamka dalalka ka jira ula jaan qaado, taas oo laga dareemayeey xalayto madashaas sida qiimaha leh ee dadkii kasoo qeeb galay ugu tartamayeen in aay jeebkooda iyo juhdi goodaba u huraan dalkooda hooyo, cadeeyayna in mashruuc kasta oo dalku u baahan yahay sidaas iyo si la mid ah lagu qaban karo.

Waxaa door waaynka qaatay qaban qaabada madashaas rag badan oo looga bartay in aay mar walba garab istaagaan arin kasta oo wax lagu tari karo dalkooda waxaana ka mid ahaa :



Axmad Xuseen Ismaaciil

Xasan Cabdi Yuusuf

Libaan Barre Aw Gaab

Moxamad Abdir Biirsh

Moxamad Xassan Beegsi

Fuad X. Carab

Adan Sulub

Mukhtaar Kosaar

Saciid Cabdi Xuseen



Iyo Qaar kale oo badan oo dhamaantooda aan marnaba yareesan ka qeeb qaadashada hooshaas sida quruxda iyo wadaniyada badan ku dhamaatay.

Allaah Mahad Leh.



Xidhiidhiyaha Jaaliyada Riyadh

Mustafe Cali Xasan