Itoobiya Oo Dekedda Berbera u soo wareegaysa

 

Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay qorshaynayso sidii ay ugu soo wareegi lahayd dekedda Berbera ee Somaliland.

Wasaaradda gaadiidka iyo isgaadhsiinta dawladda Itoobiya, ayaa toddobaadkii hore warbixintii sagaal biloodlaha ahayd u gudbisay baarlamaanka Federaalka ee dalkaas, waxaanay kaga hadashay xaaladda wax dhoofinta iyo wax soo dejinta ee Itoobiya. Dawladda Itoobiya waxay ay si rasmi ah ugu xidhantahay dekedda Jamhuuriyadda Djibouti. Sidaas daraadeed warbixintaasi waxa ay daboolka ka qaaday in ku xidhnaanshaha deked keliyi ay caqabad ku tahay horumarka wax dhoofineed iyo wax soo dejineed ee Itoobiya. Warbixinta waxa lagu sheegay in Djibouti dhawr goor iyadoon la isla ogayn ay kicisay qiimaha tacriifadda dekedda, taas oo walaac ku abuurtay qaar badan oo ka mid ah ganacsatada wadanka Itoobiya.

Warbixinta waxa lagu shegay in dawladda Itoobiya hadda qiimaynayso dhawr dekedadood oo ay ugu horayso dekedda Berbera ee Somaliland. Dekedaha kale ee ay Itoobiya hadda isha ku hayso waxa ka mid ah dekedda Sudan iyo dekedda Mombasa ee Kenya. Waxyaabaha kale ee ay Itoobiya kaga cabanayso dekedda Djibouti waxa ka mid ah mashquulka faraha badan ee dekedaas oo dib u dhac ku keenaysa badeecadda.

Shabakadda Internetka ee laga leeyahay dalka Sudan ee Sudan Tribune, ayaa baahisay inay ganacsatada Itoobiya ay dawladooda cadaadis ku saarayaan in la helo deked kale oo ka qiimo jaban dekedda Djibouti oo ay si xoogan uga cabanayaan tacriirfadeeda.

Ilo kale oo ku dhow dhow xukuumadda Somaliland ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay Itoobiya Somaliland kala hadashay isticmaalka dekedda. Warku waxa uu sheegay in Itoobiya hadda dardar gelinayso hirgelinta iyo dhismaha jidka isku xidha Somaliland iyo Itoobiya, si uu isticmaalka dekedda Berbera ugu fududaado.
 

 


www.geeska.net