Itoobiya oo Daboolka Ka qaaday in korontada Dhaamkeeda Somaliland wax uga qoondaysay

 


Hargaysa (TNN):-Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Janaraal Berhe Tesfaye ayaa sheegay in aanay jirin wax dhaqaale ah oo uu dibadda ka helay dhaamka weyn ee balaayiinka doolar ku kacaya ee dab dhalinta Itoobiya, balse uu adduunkaasi ka imanayo oo keliya dadka Itoobiy a gudo iyo dibadba iyo muwaadiniinta dalal Afrikaan ah.

Janaraal Tesfaye waxa uu sheegay in uu dhaamkaasi 30% haatan dhameystirmay waxaanu taasi ka caddeeyay mar uu ka hadlayay kulan ay muwaadiniin iyo Itoobiyaan deggan Somalila nd ku yeesheen Huteelka Maansoor ee Hargeysa khamiistii la soo dhaafay. Waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in uu dalkiisu waqtigan hayo koronto ku filan inuu siiyo Somaliland.

“Isticmaal ahaan muwaadiniinta Somaliland waxa ay dawladda Itoobiya diyaar uga dhigtay ko ronto dhan 60 megawatt magaalada xuduud ku taal ee Tog-wajaale, taasi oo qasdiga keliya yahay in ay qaadato Somaliland.”

Dublomaaasiga oo ka hadlayay xidhiidhka wax ku oolka ah ee u dhexeeya dalkiisa iyo Somalila nd, waxa uu ku booriyay maalgashadayaasha gudaha iyo dibaddaba ee danaynaya inay gaca n ka geystaan gudbinta dabka dhinaca Itoobiya inay ka helayaan arrimahaasi marka amar ku haboon laga helo masuuliyiint saldhigoodu yahay Hargeysa.

Isaga oo faa’iidada dhaamkan weyni leeyahay ka hadlaya waxa uu sheegay in marka uu dham eystirmo lagu wado inuu dhaqaalaha Itoobiya ee beeraha ku dhisan u beddelo mid ku salaysa n warshado, kaasi oo la filayo inuu meesha ka saaro saboolnimada, isla markaana dardar geli yo koritaanka dhaqaale. Dhinaca kale, Janaraal Berhe Tesfaye, waxa uu shaaciyay inay durb aba in ka badan lix waddan soo codsadeen in la siiyo dabka marka uu dhaamku dhameystirmo kuwaasi oo ay ka mid yihiin Tansaaniya, Kiiniya iyo Burundi. Waxa kale oo uu ka caddeeyay kulankan ay u dhamaayeen Itoobiya iyo Somaliland in Somaliland ka faa’iidaysato 60-ka Mega watt ee ku diyaara magaalada Togwajaale.

Sidoo kalena waxa uu carrabka ku dhuftay inay Jabuuti iyo Suudaan (Waqooyi) ay waqtigan ba ka qaataan dabka. Waxa uu intaa raaciyay in aanay Itoobiyaanka oo keliya ka faa’iidaysa nayn mashruucan tamar dhalinta ee balaayiinka doolar ah, balse ay dani ugu jirto muwaadin iinta 10 waddan oo ay ku jirto Masar oo aan raali ka ahayn.”
 
Waxa uu ku baaqay inay taageero dhaqaale ku soo biiriyaan mashruuca dhaamka Itoobiyaan ka jooga gudaha iyo qurbaha labadaba iyo sida oo kale dadyowga saaxiibada ahiba sida dadka reer Somaliland. “Waxa aanu wadnaa mashruuc balaayiin ku kacaya sida awgeed waan dhiiri gelinaynaa wixii qaadhaan ah ha badnaado ama ha yaraadee,” ayuu yidhi. Waxa uu xusay in mashruucani yahay mid ay ku han weyn yihiin muwaadiniinta caadiga ahi maadaama lagu hir gelinayo qaadhaanka yar ee ay bixiyeen muwaadiniintu ha ahaado shilin, bir ama doolar.

Hadalladii safiirka Itoobiya ee Somaliland ka jeediyay kulanka oo taabtay darteed ka qeyb gal ayaashii inkasta oo aanay ku soo tallogelin markii hore inay ururiyaan dhaqaale ayaa sababay inay jeebka gacanta geliyaan , ayna dhamaadkii kulanka isku soo ururiyaan kumanaan doolar oo kaash ah oo ay kaga qeyb qaadanayaan, halka kumanaan kalena laga ballanqaaday.

Dhaamka weyn ee Itoobiya ka dhalanayso tamarta ‘Grand Ethiopian Renaissance Dam’, oo ho re loogu yiqiin dhaamkii kun guurrada ‘millennium dam’, waxa laga samaynayaa webiga Niilka buluuga ah ee Itoobiya. Waxaana socda dhismihiisa oo la sheegayo inuu dhamaystirmay waqti gan 30%. Waxa uu ku yaal gobolka Beninshangul – Gumus ee Itoobiya, waxaanu 40 km u jiraa xuduudka Suudaan. Dhaamkan oo awoodiisu tahay 6000 MW waxa uu noqonayaa kan ugu weyn Afrika, ama ka siddeed ee ugu weyn dunida.
 

 


Cumar M. Faarax
Hargeysa,Somaliland