Is-xambaar Qormadii: 3aad By: Boobe Yuusuf Ducaale

 


Maanta,marka aynu dheehanno xaaladdan aloosan iyo sowraca xeerarkan ay inagu sharciya ynayaan, iyo sida aanay u danaynayn goldaloolooyinka maamulka ku jira, maxaa loo bixin la haa ama loogu wan-qali lahaa? Malahayga waxa ila fiican in aynu ku deysanno tuduc Hadra awi lahaa oo odhanaya:



“Dib baa looga sheekayn,

Ka-daraa u-magac-bixin,”

boobe

Waxaan hordhacan gole-ka-fuulka ah ee kooban ku soo khatimayaa, tuducyo aan ka soo qaadanayo maansadii Taariikhiga ahayd ee ‘Daba-taxan’ ee 5/1/1997kii Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye, ka tiriyay Shirweynihii Guurtida ee xilligaa ka socday Hargeysa, waxaanu yidhi maalintaas:



“Afartaa dheh: ‘Deelleey,’

Dig siiyee ku soo noqo,

Demmenaha warkiisii,



Dadka waxa ka soo dhacay,

Duruustii la barayoo,

Daarihii burburay shalay,

Waxa maanta kaga daran,

Iimaan-darraantiyo,

Nabaad-guurka Diintiyo,

Kaga dhacay damiirkoo,



Dal waxaan ku noolahay,

Saddexdii dalaaqood,

Lagu furay dadnimadii,



Dal waxaan ku noolahay,

Runtu arag-darraysoo,

Daaddihi la yidhi been,

Hadday dunida ceeb tahay,

Dus-duskiyo khiyaamadu,

Noo dabeecad weeyaan,



Nin dillaala mooyee,

Degmadaan ku noolahay,

Nin daryeel yidhaahdaa,

Dulli buu ka qoran yahay,



Hebel laga ducaystiyo,

Mana laha nin dooroo,

Dayaxii u soo baxa,

Daammur baa la mariyaa,

Mooralkaana laga dilay,

Danabyadii u kici laa,

Markii geela loo diray,

Kii maqasha daayacay,”



Maanta oo dhan ka geyoon meynno xigashada Gaarriye ee waxyaabaha dalkeenna ka dhac aya ee aynu goob-joogga ka nahay ee aan weliba la iskula yaabayn.Waxaan is-lahayn, siday ugu soo xiiqeen ee ay ugu xoolo beeleen si ay kursigan u fadhiistaan iyo dareen-la’aanta iyo dhugmo-la’aanta maanta taagan.

Dadweyne ahaan, waxaad mooddaa in ay diiraddu inaga lunsan tahay oo aynu meel baydhs an shiishka ku haynno. Tilmaanta iyo tusmada aynu ku soconnaa in ay inaga lunto ma aha. Dadka xukuumadda u shaqeeya iyo dadka xeer-dejinta ka adeega dhammaantood marka a ad isku qaaddo innagu si toos ah uma aynu diran oo xil uma aynu dhiiban. Ma aha in aynu qa ldanno ama aynu garan weyno godobteennu halka ay taal.

Dadweynahu wax ma magacaaban. Dadweynuhu cidda ay diranayaan waa ay doortaan. Kuwaa ay doorteen ma aha in ay dadkii dirtay ee xilka u dhiibtay iyagii dib u dullaystaan oo ay madax iskaga dhigaan. Madax ma aha. Caawa iyo berriba annaga ayaa leh. Waa adeegay aal. Aaan ku celiyo: WAA ADEEGAYAAL. Dimuqraaddiyadda ay ku dhadhabayaan ee ay duni da galbeedka ka soo xigtaan ayaa sidaa faraysa. Waa ‘Servant Leadership’, waxa la yidhaa hdo. Miyaydaan maqal Boqorkan Sucuudiga ee is-maqlay in la yidhaahdo ‘Khaadimul Xaram ayn.’ Dhaqanka islaamka iyo ka Soomaaliyeedba waa ADEEGAYAAL.

Ma aha marka aynu dooranno ee aynu diranno in ay inagaga dhuuntaan 10 baabuur oo ciida n ah oo daba yaaca, iyaga oo ka hor intii aan xilalkan ay eedeen loo dooran suuqa iyo meel walba afar-qaadi jiray oo aanay cidina hoodh ku qoysan jirin. Kii shalay iyaga oo arkaya, ay ay haddana tabtiisii u tallaabsanayaan oo midiba fooq dheer inooga soo jeedsanayaa.

Waxaynu doorannay oo dirannay oo xil-saarannay oo aynu ku leenahay la-isaabtan waa:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Madax-weyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,
Xubnaha Golaha Wakiillada oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu,

Wixii intaa ka baxsan iyaga ayaa dirtay. In kasta oo aynu xaq ugu leenahay la-xisaabtanka, haddana ku-ilaalintooda in ay ku jiraan xeyndaabkii xeerku u oggolaa cidda ku ilaalinaysaa waa kuwaa aynu doorannay.

Madaxweynaha iyo dirkiisa uu magacawday Xukuumad ayaa la yidhaahdaa. Xil fulineed ayay leedahay. Xubnaha Golaha Wakiillada waxa la yidhaahdaa Xeer-dejin, waxaanay leeyihiin xil xeer-dejineed iyo mid kormeer. Innagiina waxaynu ku xiiqnay dad aynaan haynin halkii aynu u mari lahayn oo kii wax ka qaban lahaana isaga laftiisii iskaga keen gudbay.

Madaxweyne Siilaanyo hadal-hayntiisu waa ay badan tahay iyo weliba qaar ka mid ah Goli hiisa Wasiirrada. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo isla markaana Guddoomiye u ah Xisbiga la yidhi waa Mucaarid ee Waddani cidi ma soo qaaddo.

Madaxweyne ku-xigeenka isagana cidiba ma soo qaaddo. Dadka qaar ayaad mooddaaba in ay isagii la canaan lahaa u garaabayaan oo ay ku odhanayaan xilkiisii waa laga qaaday, sab ab ay ugu garaabaanna garan meyno. Yaa ka qaaday dee? Eedda intaa le’eg yaa ku dhawa aqaya ee ku eed baxaya? Oo isaguba haddii aanu sheegin eed laga galay, dadkan u hadlaya ma isagaa u igmaday oo u wakiishay in ay af-hayeen u noqdaan?

Xubnaha Golaha Wakiillada iyagan cidi ma soo qaaddo. Weliba iyagu inagama dhuuntaan ee intaa waa ay ina dhex qaadayaan oo waxaan jirin iyo belaayo weliba inoo sheegayaan iyaga oo iska dhigaya ceeb-ka-saliin fartana inoogu fiiqaya Mudane Siilaanyo iyo dirka uu dirtay. Hadda intaa waa ay u dusayaan oo dhuuntaan tiiyo dhabarku muuqdo. Oo maqaar ayaynu ku wada fadhinaaye, ma wax baa inoo kala qarsoon.

Xeerkii ‘takaaliifta’ lagu sheegayay ku soo noqo. Horto waa takliif iyo waxaan la qaadi karin. Golihii Wakiillada iyo Guddoomiyihii (Ku-xigeennada marka uu maqan yahay) ayaa iska noqd ay halaq-mareenkii laga soo xigtay sheekooyinkii Maadeeyihii weynaa ee Cigaal Shiidaad. Golihii Wakiillada iyo Guddoomiyahoodii ayaa iska noqday xilal aan waxbaba lagala xishoon. Waa mar labaadkii wasaarado aan Maaliyadda dalka ku lug lahayni ay keenaan mashaariic xeerar cashuur lagu kordhinayo. Xaggee ayaa laga dheelaa! Kaaga daranta markii Mashruu can Xeer ee maalintii dhaweyd la keenay, waxa la leeyahay looma dhiibin Guddi-hoosaadkii Dhaqaalaha ee waxa loo dhiibay Guddi-hoosaadkii Arrimaha Bulshada ee Kijaandhe Guddoo miyaha u ahaa.

Waxaas oo dhacaya ayay xukuumaddeennii ina leedahay, daaro ayaanu dhisnay, waddooyin ayaanu samaynay ee noo qira oo noogu sacabbo tuma. Annaga ayaa yaab aragnay! Xadhig gii qalloocnaa ee uu awrkuba iska diiday, ayay innaga oo dad ah oo makhluuqa Ilaahay ku fa ano ah inagu leeyihiin qaata oo qabatimi. Hortiin-jiraba laga diid.



(la soco…………………………………………………)