Ka siddeetan sabaan
calankaanu sugaynay konton sannadood baa ka danbeeyey
Istiqlaal iyo Sitiin waxa ay ka
mid ahaayeen magacyadii aadka loo jeclaa in loo bixiyo ilmihihii
dhashay 1960kii. Dadku inta badan marka ay dhaafaan afartanka ma
jecla in da'da la sheeg sheego, laakiin qofkii dhashay
lixdankii ee magacaa quruxda badan loo bixiyey maanta waa konton jir.
Konton sannadood baa ka soo wareegtay 26 juun 1960kii.
Ilaahay ha u naxariistee halyeygii, wadaniga ahaa, maansayahanka
ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed Timacadde, waxa ka mid ahaa
geeraarkii caanka ahaa ee Kaana Siib Kanna saar: "Ka siddeetan
sabaan calankaanu sugaynaye, Sahankiisa ahaynoow Seermawaydo
hillaacd ayoow. Maalintii uu sidaa lahaa waxa laga joogaa 50
sannadood. Isaguna waxa uu tilmaama yey in siddeetan sannadood
oo maalintaa ka horreysay aynu ku jirnay mugdi. Waxa kale oo ka mid
ahaa geeraarkaas: " saqdhaxaanu ahayne kii soo saaray cadceeddoow"
Isweydiintu waxa ay tahay mugdigii miyeynu ka baxnay? Adigaan kuu
daayey akhriste.
Waxa aad dib u eegtaa magaalooyinka Somaliland. Magaalada Hargeysa,
cusbitaalkii ingiriis ku dhisay afartameeyadii ayaa weli u ah
Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa---waar miyaan ummadi ku
noolayn dhulka? Maxaa dhacay? Sowtii aynu saaxirkii kala guurnay ee
ka dabaa nidhi, maxaa qaldamay---waynu garanaynaa isla markaa
garanmayno waxa aynu ku soo dhaafnay 50 sannadood. Marka la buuxiyo
konton guuro si gooniya ayaa loo debbaal d egaa.
Maantase garanmaayo wax aynu ku debbaaldegno. Haa, haa waxa aan
illoobay doora shooyin baa socda oo waxa ay UCID iyo KULMIYE
yidhaahdeen suxullada ayaa ka leefaysaan marka aanu la wareegno
xukunka. Muxuu yidhi UDUBNA? Haddii aad shan sannadood iigu
dar taan, waa arki doontaan sida aan malab idiin dhexgeliyo.
Lixdankii ( Ma aan jirin mana joogin ifka) ee waxa aan maqlay in
dadkii loo sharxi kari waayey qaranimadu waxa ay tahay. Dabadeed
siyaasiyiintii xilligaa waxa ay dadkii ugu sharxeen in qaranimadu
tahay sida hal qurux badan oo magaceeduna yahay Maandeeq. Waxa kale
oo ay ku qudbadayn jireen: " Buuruhu waxa ay noqon doonaan Kimis (Roodhi)
badda iyo dooxuna maraqbay noqon doonaan, dabeeto waa la isku
dhuuqayaa. Bal halkaa inoogu yara haki, wa xa aad dib u jalleecdaa
maalintaa 26 juun 1960-kii iyo maanta maxay ku kala duwanyihiin.
Dabcan waxbadan ayey ku kala
duwanyihiin, laakiin waxa ay iskaga mid yihiin in aan weli la
garanayn waxa ay tahay Qaranimo. Waa maxay Qaran? Waxa kale oo ay
iska shabbahaan, sida ay siyaasiyiinta maanta u sheegayaan beenta
cad ee aanay berri ka bixi karaynin. Dadku waxa ay u baahanyihiin
isbeddel caafimaad qaba. Waxa ay u baahanyihiin wax faraba dan,
laakiin maanta cidina ma awooddo oo cirka malab ka soo shubi mayso.
Waxa ayse u baahanyihiin in qodobada muhiimka ah wax looga qabto.
Haddii Xisbi kastaaba uu ka doodo qodobka ah maxaa ugu muhiimsan ee
ummaddani u baahantahay, oo uu kala so o baxo 10 qodob oo
muhiim ah. Dabadeedna qodobkasta u sameeyo qorshe dheer iyo mid
g aaban una sheego dadka, wax badan bay dadku fahmi lahaayeen.
Maantase waa jaha ware er iyo lixdankii halkii la
taagnaa oo malaa weliba dib looga yara ciiray. Marka qaladaadku kuu
muuqdaan waa marka nabadi jirto. Sidaa darteed haddii aad aragto
qaldaad la tilmaamayo waxa ay macnaheedu tahay waxbaa jira oo dee
nabad baa jirta. Waxa jira maamul iyo kala danbayn sidaasaa ay ku
muuqataa wixii qaldan ee sixidda u baahan sidaa awgeed Somaliland
kala danbayn baa jirta maanta. Halkaa innoogu jooji xaaladda maanta.
Ummadani (reer somaliland) Taariikh ma leedahay?. Waxa aad la soo
boodaysaa haa way le edahay? Waxa aanse ogahay in dadka iyo
dalka taariikhdiisii ay god madaw ku sii siqayso, in badanina ay
luntay. Aan ku weydiiyee qaaddiyadii ka talin jiray Somaliland
imisay ahaayeen? Magacyadoodii ma haysaa? Maxay qaban jireen? Kollay
mid reerkiina ah ayaa laga yaabaa in aad xasuusantahay, laakiin
taasi maaha taariikh uu qaran leeyahay ee tii guud oo qoran ma
haysaa. Tusaale ahaan waxa aynu qaybsannahay in gumaysigii
ingiriisku uu dadkeena guma ysanayey in ka badan 80 sannadood.
Waxa aan ku odhan karaa erayga gumaysi maba soo marin dhulka
somaliland. Waa marka hore'e maamulkii Ingiriisku waxa uu u
yaqaannay dhulka somaliland (Somaliland protectrate) marnaba
dhulkeenu ma uu noqon dhul uu iska leeyahay saancaddaaluhu. Ta
labaad dalkeena waxa lagu maamuli jiray shareecada islaamka, oo
maga alo kasta waxa ka jiray xafiiska Qaaddiga oo qaabilsanaa
arrimaha qoyska oo dhan. Dabcan Ingiriisku si yar siyar ayuu
maamulkiisa iyo xeerarkiisa ugu maamulay dalkeenna laakiin uma uu
badheedhi karayn. Mana uu baabiin karayn xafiiska qaaddiga. Waxa
jiri jiray qaaddiga gu ud oo fadhiggiisu ahaa Hargeysa.
Horraantii todobaatanaadkii ayaa dawladdii milleteriga ahayd ku
dhowaaqday xafiis ka soo horjeeda kii qaaddiga ama shareecadii
islaamka ee la siku maamulayey. Waxa ay ku beddes hay xeerka
qoyska. Labadaa jeer goorma ayeynu gumaysi ku hoos jirnay. Weliba
culimadii sida tooska ah u caddaysay oo uga hadashay qaladkaas na
dhegta ayaa dhiigga loo daray, ilaahay ha u naxariistee. Akhriste
waa maxay gumaysi waa marka fikirkaaga la cabbudhiyo ee ilaa heer
dil laguu adeegsado. Si kastaba xaalku ha ahaadee. Dalka Somaliland
iyo dadkii su ma waxa ay qoran kari waayeen taariikhdoodii?
Maamulka Daahir Rayaale waxa uu dalka ka talinayey sanaawaad ee ma
waxa uu xataa qori kari waayey ummadan taariikhdooda dhabta ah. Waxa
aan qoraalkayga ku soo afmeerayaa ha loo hiiliyo Qaaddiyadii dalka
ka soo talin jiray ee taariikhdooda mugdiga la geliyey.
Heshiisyadii dhexmaray odayaashii reer Somaliland iyo Ingiriiska ma
beenbay ahaayeen? Ma aragtay heshiiskii oo saxeexan? maya ee waa la
lahaa---taasi taariikh ma aha ee raadso ta ariikhdaada.
Heshiisyadan ku soo jar qoraalka akhriskiisa, mana garanayo in aad
wax ka faa idaysatay iyo in kale. 1827 kii heshiis baa Berbera
ka dhacay, 1839-kii mid kale, 1856kii mid kale, 1885kii mid kale,
1886kii mid kale. Intaaba odayaal soomaaliyeed baa la galay
ingiriiska, laakiin kii uu Ingiriisku la galay boqorkii Xabashida ee
dhacay 1897kii oo intaa horeba ka danbeeyey ayuu ingisriisku ka
dhigay kii sharciga ahaa waana ka lagu sameeyey xuduudda Somaliland.
Konton sannadood baa laga joogaa maalintii uu innaga tegey
Ingiriisku? Dhakhtarkii lama bedelin, laamidii lama beddelin,
guryihii shacabka ayey dawladdu u hoyataa, ku darsa'oo ingiriiska
ayeynu ictiraaf ka sugaynaa, ku darsa'oo ingiriiska ayaa lacagta
inna siiyey aynu doorashada ku gelayno.
Markabey dalkii waxa bannaan in aadan doonayne
Dugsi kulule Doonbiraley iyo degelkii reerwayne
Darroorimada laantii lahayd laysu dacareeye
Diqda qaayib awrtana la daaq, deeq allaad suguye
......................................Ismaaciil Mire 1935kii
Nabad iyo caano
Sayid-Axmed Maxamed
Yuusuf
Sweden |
|