Ismaaciil
Cumar Geele, Madaxweyne kudayasho mudan.Ismaaciil Cumar Geele waa
halyey wadankiisa horumar u horseeday
Sida aynu wada ognahay Ismaaciil
C. Geele waxa uu maamulayey wadanka Jabuuti mudo 10 sanadood ah
hadaba waxa lama huraana in la tilmaamo waxqabadkii wanaagsanaa ee
uu wadankiisa u qabtay mudadaa uu xilka hayey.
Horumar iyo waxqabad aan cidina qarin Karin ayuu u soo hooyey
wadankiisa, sida Dhaqaalaha,Caafimaadka,Nabadgalyada iyo
waxbarashada oouu gaadhsiiyey heer lama ilaawaan ah.
Dhaqaalaha:
Hadii aynu dhaqaalaha iyo horumarka uu gaadhsiiyey wax ka tilmaamo
waxa ka mida
Labada ilood ee dhaqaalaha wadanku ku fadhiyey waa DEKEDA IYO
MADAARKA(airport) oo maanta ah muraayada jabuuti waxa uu gaadhsiiyey
heer caalami ah oo indhaha caalamku soo jiitaan taasi waxay keentay
shaqo abuuris iyada oo dad aad u farabadani shaqooyin ka helaan
wadankana dhaqaalihiisii hor u qaaday
Dekeda jabuuti waxa lagu tilmaami karaa Dekeda ugu shaqada badan
Bariga Africa.
Nabadgalyada:
Madaxweyne Geele iskuma dayin inuu xoog ku muquuniyo mucaaridkiisa
sida madaxda africa balse waxa uu isticmaalay caqli fayyow iyo
maskax caafimaad qabta isaga uu ula dhaqmay mucaarikiisa si dabacsan
gacmo furana ku soo dhaweeyey si wadanka horumarkiisa looga wada
qayb qaato. Talaabadaas geesinimada lihina waxay noqotay mid dadku u
wada riyaaqay.
Madaxweyne Ismaaciil C. Geele waxa kale oo uu xooga saaray sidii
wadanka soomaaliya uu u heli lahaa nabad iyo deganaasho isaga oo aad
iskugu dayey in xal loo helo arinta soomaaliya si dariskiisu uu
nabad u helo horumarna u gaadho.
Caafimaadka iyo Waxbarashada
Madaxweyne Ismaaciil C. Geele waxa uu meel fiican gaadhsiiyey
waxbarashada iyo caafimaadka oo ah waxyaalaha aasaaska u ah nolosha
bani-aadamka.
Waxaynu odhankarnaa madaxweyne Geele waxa uu ka dhigay wadankiisa
meel dunidu ku soo hirato oo ay maalgashadaan sida ,China ,Iran,Indonisiya
,Jaban iyo wadamada Carabta, dadaalada uu hada ku jiro ee ah inuu
dhiso BIRIIJ isku xidha Africa iyo Khaliijku waxay noqon doontaa mid
indhaha caalamka aad u soo jiidata.
Madaxweyne Ismaaciil.C.Geele waxa uu noqday madaxweyne muujiyey
waxqabad wadaninimo waxaanu ka mutaystay dadkiisa iyo dunidaba
sharaf,karaamo iyo ku dayasho .
Waxaan ku soo gabagabaynayaa qormadan yare ee kooban aniga oo aan
soo wada bandhigi karin dadaalka iyo horumarka uu ku talaabsaday
madaxweyne Ismaaciil.C.Geele mudadii tobanka sano ahayd.
Geesi lagu soo hirtaa tahee Geeloow Hay
Horumar kii horseedaa tahee Geelow Hay.
Hogaan dhabaa tahee Geeloow Hay.
Ilaahay haku garab galee Geeloow hay.
Wakiilka, Reer Jabuuti ee Bristol, England, UK
Daaha Nuur Cali
taaha58@hotmail.com
|