Ismaaciil
Buubaa oo Meel-ka-dhac ku Tilmaamay inuu Cafis u Qaato Booqashadiisa
Somaliland
"Aniga iyo
Cismaan Kalluun in la na yidhaahdo cafis soo waydiista meel ka dhac
bay ilaa muuqataa… In aan Hargeysa tago cid aan uga baahanahay inaan
fasax uga qaato ma jirto oo markaan doono ay aan tagayaa”
Ismaaciil Hurre Buubaa
Nairobi (TNN)- Md. Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta
u dhashay Somaliland ee aamins an mabda’a Soomaaliweyn, ayaa
caddeeyey in aanu cidna fasax u waydiisan doonin booqasho uu
sh eegay inuu ku imanayo Somaliland, isaga oo xusay inay meel ka
dhac ku tafay inuu fasax u qaato imaatinka Hargeysa.
Md. Ismaaciil Mahdi Buubaa oo magaalada Nairobi ugu waramay
Telefishanka HCTV, waxa uu
taageer ay booqashadda uu siyaasiga kale ee Soomaaliweynta aaminsan
ee Cismaan Kalluun ku joogo Somalil and, isaga oo sheegay in
aanu garanayn cafiska laga doonayo siyaasiyiinta aaminsan figradda
Soom aaliweyn ee doonaya inay Somaliland yimaadaan.
“Somaliland waan tagayaa wakhtiga arrimaha aan wataa si wanaagsan
iigu dhammaadaan, iyada oo ay sidaa tahay aniga waxay ila tahay in
aniga iyo Cismaan Kalluun la na yidhaahdo cafis soo waydiista meel
ka dhac bay ilaa muuqataa, garana maayo cafiska dadkani ka hadlayaan,
laakiin waxaad moodaa in arrimo la soo dhaafay ay wali ka guuxayaan
dadka qaarkii, aniga waxay ila tahay arrimahaa wakh tigoodii
way dhammaadeen.
Aniga waxay ila tahay qofka Somaliland u dhashay ee imanaya
fikirkiisa siyaasadeed xor buu u yahay oo Somaliland cidi kama xigto,
isagayna u taal waxa uu u qabanayo, kolkaa aniga waxay ila tahay
arri maha noocaa ah ee dadka kala fogaynaya in laga waantoobo,
arrimaha laga bogsadayna in la soo fo qo maaha cidna dan uma
aha.
In aan Hargeysa tago cid aan uga baahanahay inaan fasax uga qaato ma
jirto, kolka aan doonana waan tagi doonaa.
Source:Jamhuuriya Online
|