Isku Shaandhayntii Ugu Ballaadhnayd Oo La Filayo In Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Dhaqaaqo Safarkiisa Kadib

 

 
Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa in uu Horraanta Bisha dambe ee Feebarweri oo maalmo koobani innaga xigaan ku dhaqa aqo isku shaandhayn xooggan oo uu ku sameeyo Guud ahaan xukuumaddiisa, gaar ahaan Golah a Wasiirrada iyo saraakiisha sarsare ee xukuumadda, tallaabadaasi oo si weyn looga dareema yo qasriga looga arrimiyo dalka iyo gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha. Arrintan ayaa soo sha ac baxday 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey iyada oo Madaxweynaha Somaliland safar sha qo iyo fasax isugu jira ku maraya dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska oo uu cagta labaad ee safark iisani ku soo dhammaan doono.

Sida aanu ku helayno warar xog ogaal ah oo arrinkan la xidhiidha, isku shaanta la filayo in Mada xwweynaha Somaliland ku dhaqaaqo ayaa laga dareemayaa walaac xooggan oo soo food saara y xubno ka mid ah Golihiisa wasiirada kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyey ku hawlanaa dadaal o ay ugu jiraan sidii ay xilalkoodu uga badbaadi lahaayeen isku shaandhaynta inagu soo foolka leh iyaga oo beelaha ay ka soo jeedaan kalsooni ka raadinaya, halka ay xubno wasiiro ahi safa ro aan ujeedadooda la garanayn ugu socdaaleen qaar ka mid ah dalalka aynu jaarka nahay.

 Inkasta oo wasiirro door ahi ka mid yihiin waftiga Madaxweynaha iyo sidoo kale waftigii dhaw aan Turkiga kaga qayb galay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ayay hadana rag badan oo seeftu saaran tahay safaro aan la fahmin ugu baxeen dibadda iyaga oo dareen weyn ka qa ba in ay ku soo bixi doonaan liiska seeftu qaadan doonto si ay arrintaasi uga bad baadaa na sa maystay qorshayaal ay safaro dibadeed ku diyaarsadaan halka xubno kale oo dalka ku sugani maalmihii ugu dambeeyey ay shirar doceedyo la lahaayeen odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda beelaha ay u dhasheen si ay kalsooni buuxda uga helaan, madaxweynahana u tusaan inay kalsooni buuxda ka haystaan beelaha ay ka soo jeedaan.


Isku shaandhaynta la filayo in madaxweyne Siilaanyo ku dhaqaaqo safarkiisa qaaradda Yurub kadib ayaa keentay in xubno badan oo quudda-raynaya in ay liiska dambe ee saraakiisha dawl adda ku soo baxaan beryahanba ku gaaf-wareegayeen xafiisyada Madaxweynaha iyo Madaxey ne ku xigeenka iyaga oo dabada ku wata odayaal iyo waxgarad xoojiya damacooda xil doon-nimo.

 

 



Xigasho: Wargeyska Foore