WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uu caawa soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magaca abay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartoodad, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday



In laga bilaabo taariikhda maanta masuuliyiintan uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalkan.

S/No. Title-ka Magaca
1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis
2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade
3. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shugri X. Ismaaciil Baandare
4. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed)
5. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal
6. Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin
7. Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aaden Axmed Warsame
8. Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Maxamed Cabdille
9. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees
10. Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari ee JSL Cali Maxamuud Axmed (Sandule)
11. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye
12. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Xasan Daahir Dhinbiil
13. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar
14. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil
15. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
16. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Daahir Camuud
17. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir
18. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)
19. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)



WAXA KALE OO UU MADAXWEYNUHU XILALKII AY HAYEEN UU KA BEDELAY XUBNAHAN HOOS KU QORAN UNA MAGACAABAY XILALKAN:-



S/No. Title-ka Magaca
1. Wasiirkii hore ee Wasaarada Dib-u-dejinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Caafimaadka ) Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye)
2. Wasiirkii hore ee W/Ganacsiga waxa loo bedelay) Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed
3. Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibeda waxa loo bedelay (Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga) Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar
4. Wasiir ku xigeenkii hore ee W/faafinta waxa loo magacaabay (Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta) Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
5. Wasiirkii hore ee W/faafinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Warshadaha) Abiib Diiriye Nuur (Timacade)
6. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
7. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)
8. Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)
 


SIDOO KALE WAXA MADAXWEYNUHU UU XILALKII AY HAYEEN UU KA NASIYEY WASIIRADAN HOOS KU QORAN:-


S/No. Title-ka Magaca
1. Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur)
2. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warshadaha Cabdirisaaq Cali Cismaan
3. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
4. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle
5. Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga Aaden Diiriye Cigaal
6. Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil



ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.